Hargeysa(ANN)Guud ahaan shacabka ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si ballaadhan ugu dabbaaldegay shalay weynaynta munaasibadda maalinta Ciiddal-fidrida, kadib markii ay soo dhammaysteen gudashada waajibka soonka bisha barakaysan ee

 

Ramadaan.
Kumanaan qof oo ku lebbisan dhar bilicsan, ayaa subaxnimadii hore ee shalay u dareeray goobaha lagu cibaadaysto iyo fagaarayaasha waaweyn ee magaalooyinka dalka si ay uga qaybgalaan tukashada salaadda Ciiddal-fidrida oo guud ahaan muslimiinta caalamku ku soo khatimeen 29 maalmood oo ay Ilaahay dartii uga soomeen cunista iyo cabbitaanka maalinnimo ee Rabbi ummadaha islaamka ah ku faral-yeelay sannad kasta bisha Ramadaan.
Dadweynaha tirada badan oo camiray gebi ahaanba masaajidada iyo fagaarayaasha waaweyn sida garoomada ciyaaraha, waxa halkaas khudbado uga jeediyey masuuliyiinta sare ee qaranka, madaxda dawladda ee gobollada iyo degmooyinka dalka iyo weliba culimada waaweyn, kuwaasoo dhammaantood guud ahaan shucuubta islaamka, gaar ahaan ummadda Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda maalinta barakaysan ee ciidda, sidoo kalena Ilaahay uga baryey inuu ka aqbalo soonkii Ramadaan iyo cibaadadii badnayd ee ay bishaas sameeyeen.


Markii salaadda ciidda laga soo dareeray kadib waxa suuqyada iyo waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka dalka buux-dhaafiyey dadweyne aad u tiro badan oo ay si gaara uga dhex muuqdeen kumanaan carruur iyo dhallinyaro ah dhar cusub sitay, isla markaana wejiyadooda ka muuqdeen farxad iyo rarayn aad u weyn, kuwaas oo iyagoo gacmaha is-jiidanaya dhinac walba u dhex mushaaxayey jidadka magaalo kasta oo Somaliland ah.
HARGEYSA:
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirrada, ayaa kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda shalay kagala qaybgalay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa tukashada salaaddii Ciiddal-fidrida, halkaas oo uu dadweynaha kala hadlay.


Madaxweyne Siilaanyo oo tukashadii salaadda ciidda ka hor dadweynaha khudbad kooban uga jeediyey masaajidkaas, ayaa ugu horreyn dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba iyo dhammaan shucuubta islaamka oo uu ku bogaadiyay farxadda maalinta Ciiddul-fidriga.
“Walaalayaal; dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba waxaan leeyahay ciid mubaarik, Ilaahay bishii barakaysnayd ee dhammaatay khayrkeeda ha ina siiyo. Waxaan Ilaahay idiinka rajaynayaa inuu sanadkan sannadkiisa innagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.
Walaalayaal haddaynu nahay dadweynaha reer Somaliland waxaan Ilaahay uga mahadnaqayaa nabadgelyada, midnimada, wadajirka iyo dawladnimada dalkeenna ka jirta. Waxaan jecelahay inaan idinku boorriyo inaynu sii xoojino wadajirka iyo nabadgelyada aan haysano,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.


Madaxweynuhu waxa kaloo uu soo qaatay dhibaatooyinka ka jira mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan bulshada waddanka Soomaaliya oo uu Ilaahay uga baryey inuu ka dulqaado macaluusha iyo colaadaha ka oogan dalkooda.
“Waxaan caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan oo ay ka caawiyaan shacbiga dalka Soomaaliya dhibaatooyinka haysta ee abaaraha colaaduhu gaadhsiiyeen, shacabka reer Somaliland-na waxaan u soo jeedinayaa inay ilaashadaan nabadgelyadooda oo ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan mar walba,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaacil (Saylici) iyo inta badan masuuliyiinta sare ee qaranka ayaa iyaguna fagaarayaal kala duwan oo ay shacabka caasimadda Hargeysa kula tukadeen ka jeediyey khudbado ku qotoma farxadda iyo weynaynta munaasibadda ciidda soonfur, waxaanay dhammaantood ummadda reer Somaliland Eebbe uga baryeen inuu ka aqbalo soonkii bisha Ramadaan.
Madaxweyne-ku-xgeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu boqollaal qof oo reer Hargeysa ah kula tukaday salaadda ciidda shalay subax garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, ayaa khudbad gaaban oo uu halkaas ka jeediyey waxaa uu ugu horreyn shacbiga Somaliland iyo guud ahaan shucuubta islaamkaba ku hambalyeeyay munaasibadda Ciiddul-fidriga, isagoo Ilaahay uga baryey inuu ka aqbalo acmaashii wanaagsanaa ee ay soo sameeyeen bishii Ramadaan.
Md. Saylici waxaa uu sheegay in xukuumadoodu tahay mid ummadda u adeegaysa, balse aanay ahayn mid shacabkeeda ka xoogsanaysa, sidaa darteed waxa uu dadweynaha reer Somaliland ku boorriyey inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida dalka ka jirto, waxaannu ballanqaaday in xukuumaddiisu wax badan ka qaban doonto horumarinta adeegyada kala duwan ee bulshada.
“Waddamada Afrika intooda badan waxa miisaaniyadooda laga kabaa 50%, haseyeeshee Somaliland iyadoon gacan dibadeed ka helin beesha caalamka, haddana waxay qabsatay wax badan oo lagu faani karo, taasna waa mid sharaf u ah qarankan Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo farta ku fiiqayey waxqabadyada bulshada Somaliland ku tallaabsadeen labaatankii sannadood ee la soo dhaafay.
BURCO:
Dadweynaha magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa subaxnimadii hore ee shalay si weyn ugu dareeray tukashada salaadda munaasibadda Ciiddal-fidriga, waxaanay ku kala tukadeen goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin masaajidada, garoomada iyo meelaha bannaan ee magaaladaas.
Dadka ugu tirada badan oo isku shubay aroortii hore garoonka kubadda cagta ee magaalada Burco, waxa tukashada salaadda ciidda kala qaybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sida wasiirrada Kalluumaysiga, Caddaaladda, masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo culimaa’udiin tiro badan, kuwaasoo dhammaantood dadweynaha reer Burco kala qaybgalay dabbaaldegga iyo weynaynta munaasibadda ciidda soonfur.
Sheekh Cali Warsame oo ka mid ah culimadda waaweyn ee Gobolka Togdheer oo ugu horreyn munaasibaddaas ka hadlay, ayaa dadweynaha halkaas ku tukanayey u jeediyey wacdi diini ah oo ku saabsan fadliga maalinta ciidda, isagoo carrabka ku dhuftay inay jiraan dilal qarsoon oo ku soo kordhay gobolka, “Sidaa darteed, waxa loo baahan yahay in aan la qarsan dhiigga musliimiinta ee la sheego, haddii kale ka dilay iyo ka qariyey waa isku dambi,” ayuu yidhi Sheekh Cali Warsame.
Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Raage oo ka Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ee Gobolka Togdheer, ayaa ka warbixiyey hawlaha ay ilaa hadda qabteen, waxaannu xusay in ay qabqabteen dad badan oo anshax-xumo faraha kula jiray, sidaa awgeed waxa uu shacabka reer Burco ka codsaday inay gacan ka siiyaan hawshooda.
Duqa magaalada Burco Md. Maxamuud Axmed Dhego-laab oo fagaraahaas shacabka kala hadlay, ayaa dadweynaha ku baraarujiyey dhibataada xaalufka degaanku leeyahay, waxaannu xusay in loo baahan yahay in laga hortago dhuxulaysiga iyo dhirtagoynta, isagoo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono dadka ku hawlan dhuxulaysiga dhirta qoyan.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Mr. Yaasin Muxumed Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa isaguna ugu baaqay bulshada gobolkiisa inay caawiyaan dadka walaalahooda ee dalka gudihiisa ku barakacay, isagoo sidoo kalena ganacsatada u soo jeediyey inay jabiyaan qiimaha meceeshadaha la quuto.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo tukashadii salaadda Ciiddal-fidriga kala qaybgalay bulshada reer Burco, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland oo uu gobollada dalka oo dhan u kala diray inta badan wasiirrada xukuumadda, waxaannu Wasiir Geeljire shacabka Gobolka Togdheer uga xog-warramay xalaadda guud ee dalka iyo sida dadweynaha reer Somaliland looga baahan yahay isku duubni iyo wadajir.
Magaalooyinka kale ee Somaliland  sida Berbera, Ceergaabo, Boorame iyo Laascaanood ayaa munaasibada ciida si weyn dadku ugu soo baxeen, iyadoo ay masuuliyiinta goboladaa iyo culumadu dadka kala hadleen fagaarayaasha salaada ciida Fitriga lagu tukaday iyo Masaajidada, balse munaasibadan ayaa kusoo beegantay iyadoo uu jiro sixir barar dhinaca maceeshada ah, taas oo keentay inay qoysas baddan oo dan yar ahi awoodii waayaan inay caruurtooda u iibiyaan dharka ciida.
Dhinaca kale magaalooyin Somalia Muqdisho, Bay,  Bakool,  labada  shabeelle iyo Jubooyinka ayaa si weyn looga ciiday inkasta oo ay halkaa ka jiro masiibo bini aadanimo iyo macaluul baahsani, balse magaalooyin iyo deegaamo gobolada dhexe ee Somalia ah ayaan shalay laga ciidin oo sii watay soonkii bisha Ramadaan, kuwaas oo maanta oo Arbaca ah laga ciiday, waxaana deegaamada  ay ka mid yihiin  Dhuusa mareeb iyo Gurceel oo ay ka taliyaan Kooxda wadaada Ahlu-suna Wal-Jameeca  gaalkacayo  laga ciiday Maanta.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *