Tripoli (ANN)Dawlada Algeria ayaa xaqiijisay inay qoyslkii hogaamiyihii dalka Libya  ee xukunka laga tuuray todobaadkii hore Col. Mucmar Al Qadaafi ay galeen dalka Aljeriya ee ay jaarka yihiin maalintii Isniintii. Kadib markii ay kas  talaabeen xuduuda dalkaa. Safiya  oo ah Xaaskii Qadaafi  iyo

sadex ka mid ah todoba caruur ah oo uu dhalay Col Qadaafi  ayaa galay dalka Algeria. Sidaana waxa xaqiijiyay sarkaal u hadlay xukuumadda dalka  Algeria. Caruurta  uu  dhalay  ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid yahay  Maxamed Mucmar Al- Qadaafi.
Mucaaridka ayaa dalbanaya inay u baahan yihiin duqayn dhinaca cirka ah in lagu sii wado magaalada uu ku dhashay Qadaafi ee Sirta oo ka mid ah meelaha  weli gacanta ugu jira Qadaafi.
Dhinaca kalena waxay dalbanayaan  mucaaridku inay ciidmada daacada u ah  Qadaafi eek u sugan halkaasi is dhiibaan. Laakiin dadka ku nool magaaladaa iyo ciidamada daacada u ah Qadaafi ayaa sheegay inay magaalada Sirta moosas dhiig ahi ku xeeran yihiin, isla markaana aanay weligood is dhiibayn.
Magaalada Sirta  oo ay ku nool yihiin 75 kun oo qof ayaa ah mid mihiim u ah dhinaca isu socodka Tripoli oo caasimada ah iyo Bengasi, isla markaana ahmiyad weyn u leh dhinaca dhaqaallaha ee saliida. Mucaaridka dalka Libya ayaa awoodi waayay inay weli gacanta ku wada dhigaan meelo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Tripoli, iyadoo ay xaalada Libya hada u muuqato inay faraha ka baxday, isla markaana ay mucaaridku dalbanayaan weli inay NATO sii wadaan duqaynta dhinaca cirka. Laakiin dhawrkii maalmood ee u danbeeyay markii ay mucaaridku galeen mid ka mid ah fadhiisimada ugu waaweynaa ee Qadaafi ee baabal casiisiya, waxa muuqatay inay xaaladu si weyn isaga bedeshay sidii laga filayay, iyadoo ay soo baxeen xasuuq boqolaal qof oo lagu arkay bakhaaro iyo goobo u dhaw madaarka Tripoli, isla markaana waxa jira canbaarayn dhinaca Hay’addaha xuquuqda aadamaha ah oo ku canbaareeyay mucaaridka iyo taliskii Qafaafiba inay ku lug leeyihiin xasuuqa ka dhacay halkaa maalmihii u danbeeyay.
Dhinaca kale mucaaridka ayaa sheegaya inay weli u arkaan Qadaafi inuu khatar ku yahay  Libya iyo aduunkaba,  laakiin warbaahinta reer galbeedka oo qayb weyn ka ahayd sidii xukunka looga tuuri lahaa Qadaafi  dhawrkii bilood ee ay socotay duqaynta dhinaca cirka iyo taageerada milateri ee mucaaridka Libya ayaa hada si weyn u soo bandhigay  dhaleecayn ku waajahan NATO iyo hawlgalada Libya ee ay mucaaradka ku taageerayaan. Kadib markii ay warbaahinta reer galbeedku soo dhigtay muqaalo iyo qoraalo lagu sheegayo inay  koxda Mucaaridka Libya hormood u yihiin xubno caan ah oo si weyn aduunka looga baadi doonayay, kuwaas oo lala xidhinayay shebekada  Ururweynaha Al-Qaida . xubnahaa  farta lagu fiiqay waxa ka mid ah hogaamiyaha dhinaca Milateriga ee mucaaridka   Abdelhakim Belhaj, kaas oo la sheegayo inuu ka mid ahaa xubno si gaara Osama Bin laden usoo tababaray, isla maraakana kasoo dagaalamay dalalka Afghanistan  Iraq iyo meelo kale.
Dhaleecayntan dhinaca warbaahinta ee hogaamiyaasha mucaaridka lagula xidhiidhay Al-Qaida  ayaa keentay inay xulufada NATO hada dib uga gurtaan arrimaha Libya ee dhinaca taageerada Mucaaridka oo ay wadaan qorshihii ay wax kaga bedeli lahaayeen siyaasadood ku wajahan halkaa. Horaantii July  ayaa mid ka mid ah hogaamiyayaasha xulufada NATO sheegay inay mucaaridka Bengasi ku jiraan xubno ka mid ah Ururweynaha Al-Qaida, balse mucaaridka ayaa waxba kama jiraan ka dhigay dhawaaca, sidoo kale Qadafi  ayaa mudooyinkii ay bilaabmeen duqaymiha dhinaca cirka ee  xulufada NATO, wuxuu marar baddan ku cel celiyay inay isu bahaysteen NATO iyo Alqaida. Laakiin dhegna laama dhigin hadalka Qadaafi oo loo arkayay inuu isku difaacayo oo keliya si looga joojiyo duqaynaha.
Dhinaca kale Col. Qadaafi wiilka uu dhalay ee Khamiis Mucamar Al-Qadaafi oo haystay xero Milateri oo ku taala baabal casiisiya ayaa wararka qaar sheegayaan inuu dhintay, balse weli ma jiraan cadaymo muujinaya dhimashadiisa.  Qadaafi wiilashiisa kale sida  Seyf Islam iyo saraakiil kale oo muhiim ah ayaa la rumaysan yahay inay weli ku sugan yihiin dalka, isla markaana ay daaha dabadiisa ka maamulayaan  dagaalada ka socda meelaha qaar oo hada xaalada Libya u muujiyay mid fawdo ah oo cabsi weyn ku ah wadamada gobolka iyo aduunkaba. Iyadoo dagaalo iyo xasuuq qabaail ka bilaabmen halkaa, isla markaana maalmihii u danbeeyay la helay boqlaal qof oo la rumaysan yahay in la xasuuqay, kuwaas oo ay adkayd in xataa la aqoonsado wejiyadooda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *