Hargeysa (ANN) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhwayne), ayaa markii ugu horreysay fagaare kaga hadlay diidmooyin lagula kacay habka uu Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed (Siilaanyo)u soo xulay Golihiisa Wasiirrada, gaar ahaan dhinaca beelaha, wuxuuna sheegay in aanay Madaxweynaha qaban in marna la yidhaahdo qaran dhis, marna la yidhaahdo

qabiilooyinkayagii kama muuqdaan,  ama way ku yar yihiin.Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada. Xasan-Gadhwayne waxa uu hadalkaa ka jeediyay mar uu maanta ka hadlayey Xaflad uu xilka ugu tirinayey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaa loo magacaabay Marwo Samsam Cabdi Aadan oo si rasmi ah maanta ugala wareegtay xilka wasaarada.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada.Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadhwayne), waxa uu sheegay inaanu xil ka doonayn xukuumadda cusub, hase ahaatee, kalmad uu munaasibaddaa maanta la sugayey doonayay inuu ka  jeediyo, wuxuuna  yidhi; “Waxaan hambalyeynayaa dawladda cusub, waxa la is odhan doonaa Xasan-Gadhwayne Wasiir-buu ka doonayaa, Wallaahi waxba kama doonayo. Madaxweynaha cusub qaran dhis iyo qolooyin baa maqan ma qabato ee labadaas halla kala daayo ayaan leeyahay dadweynaha.” ”Madaxweynuhu toddoba cisho ayuu dhaarsan yahay marka qaylada lagu bilaabay. Qolooyinbaa ila soo hadlay aniga xagga Daayeerka ah Wasiirraa……..inaga maqan………waar waxaasi ma jiraan ee dawladda hallala shaqeeyaan ku idhi….” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee waxbarashada Somaliland Xasan-gadhweyne.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-gadhwayne), waxa uu sheegay inaan loo baahnayn in mucaaradad beelaysan lagu bilaabo Madaxweynaha la doortay iyo Xukuumaddiisa cusub, hase ahaatee, waxa uu xusay intaa beddalkeeda loo baahan yahay in lala shaqeeyo, isla markaana, waxyaabo qarannimada dhaawaci kara lagu kicin, ee cid kasta oo tabasho qabtaa si habsami ah xukuumadda ugu soo gudbiso cabashadooda.
Waa Masuulkii ugu horreeyey Wasiirrada Xukuumaddii Rayaale ee sidan oo kale uga hadla tallaabooyinka beelaysan ee ka dhanka ah Xukuumadda Madaxweynaha la doortay Axmed-Siilaanyo, oo beelaha qaar muddaharaadyo sameeyeen maalmihii la soo dhaafay iyaga oo shaqsiyaadka muddaharaadayey ku andacoodeen in saamigii Wasiirrada ay ku lahaayeen laga qadiyey ama looga yareeyey.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *