images/stories/wasiirda waxbarashada oo xilka la kala waregaya.png    Hargeysa (ANN) Wasiirrada  Wasaaradaha Maaliyadda, Waxbarashada, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Diinta iyo Awqaafta, Caddaaladda  iyo Deegaanka Somaliland ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa xilalkii Wasaaradahaas maanta kala wareegay Wasiirradii hore ee Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale.wasaaradaha maanta xilka la wareegay waxa ka mid ahaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo  maanta si rasmiya ula wareegtay xilka Wasaaraddaa, isla markaana Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Xaaji

Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhwayne), Wasiiru-dawlaha iyo Wasiir ku-xigeenkii Wasaaraddaas ayaa Wasiirka cusub iyo ku-xigeenkeeda si niyad-sami ah ugu soo dhaweeyey , kuwaas u tiriyay xilkii wasaarada.
Munaasibad ballaadhan oo maanta lagu qabtay hoolka shirarka Wasaaradda waxbarashada ee magaalada Hargeya, ayaa ka sokow Masuuliyiinta xilka la kala wareegayey waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyayaasha Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka dalka, Guddoomiyayaasha Jaamacadaha dalka, Saraakiil ka kala socday Hay’adaha  caalamiga ah ee Somaliland arrimaha waxbarashada kala shaqeeya, Masuuliyiin iyo marti-sharaf kale oo tira badan iyo hawl-wadeennada kala duwan ee Wasaaraddaa.

 

 


Ugu horreyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamed Maal, ayaa warbixin dheer oo uu kaga warrmay Wasaaradda sida ay u shaqayso,tirada shaqaalaha kala hawlgala, Miisaaniyaddeda, inta waaxyood ee ay ka kooban tahay iyo muhiimadda ay bulshada u leedahay ka jeediyey xafladdaas.
Sidoo kale, Wasiiru-dawlihii waxbarashada Maxamuud Garaad Maxamed, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay maanta xilkii Wasaaraddaas u wareejinayaan si dimuquraaddi ah ka dib markii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010. sidoo kalena waxa uu xusay inuu si gaar ah ugu faraxsan yahay inay xilka kala wareegayso Gabadhii ugu horreysay ummadda Soomaaliyeed ee Wasaarad waxbarasho Wasiir ka noqota.

 

 

 

 


Wasiirkii hore ee Wasaaraddaa Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhwayne), ayaa sheegay inuu si niyad-sami ah ugu soo dhawaynayo Wasaaradda Wasiirka cusub Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo uu sheegay inay aqoon ku filan u leedahay waxbarashada, isla markaana tahay haweenaydii ugu horreysay ee Soomaaliyad ah ee Wasaaradda tacliinta loo dhiibo, taasoo uu xusay inay wax wayn ka qaban doonto baahida haweenka, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Wasaaradda oo uu tilmaamay in lagu dhalliili jiray inaanay haweenka xilal uga dhiibin Wasaaradda.

 

 

 

 

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna madashaasi ka hadashay ayaa si weyn ugu mahadcelisay masuuliyiinta ay xilka kala wareegtay oo ay ku ammaantay halka ay Wasaaradda soo gaadhsiiyeen, iyada oo xustay inay goob-joog ka ahayd 1991-kii halkii Wasaaradda laga soo bilaabay iyo halka ay maanta marayso oo isku ah cirka iyo dhulka. Samsam waxay sheegtay inay inta dedaalkeeda ah haben iyo maalinba ka shaqayn doonto sidii ay horumar u gaadhsiin lahayd waxbarashada dalka inta ay xilka hayso, waxaanay shaqaalaha u soo jeedisay inay si niyadsami ah u wada shaqeeyaan. waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ku hadlayey Afka Jaamacadaha, Guddoomiyahaa waxbarashada Gobollada iyo aqoonyahaniin. Intaasi ka dibna waxay labada Wasiir kala sexeexdeen Dhukumantigii Wasaaradda, Gaadiid iyo Agab kale.

 

 

Sidoo kale Wasiirka cusub ee diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi, ayaa ka mid ahaa Wasiirrada xilalka Wasaaradaha loo magacaabay maanta la wareegay. Waxaana xilka ku wareejiyey, isla markaana, si fiican Wasaaradda ugu soo dhaweeyey Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas Sheekh Maxamuud Suuxi Muxumed.
Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, Deegaanka Axmed Xaashi Oday, Caddaaladda Ismaaciil Muumin Aare, Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed, ayaa iyaguna maanta si rasmiya xilalka Wasaaradahaas ugala wareegay Wasiirradii hore ee Wasaaradahaas oo kala ahaa Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandulle), Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare) iyo Maxamed Hagar Dirir. Dhammaan Wasiirradaasi midba midka kale ayuu ugu mahadceliyey hadallo ay xarumaha Wasaaradahaas ka jeediyeen. Waxaanay kala dhagaysteen warbixino ku saabsan xilalka ay kala tirsadeen. Warbixinahaas oo Agaasimayaasha guud ee Hay’adahaasi jeediyeen iyo sidoo kale Wasiirrada qaarkoodba.
Hase yeeshee xil wareejinta wasaaradda maaliyada oo si weyn loo naawilayay, isla markaana shalay dib u dhacday ayaa iyadu ka duwanayd sida ay wasaaradaha kale iyo wasiiradoodu xilka u wareejiyeen, waxaana loo diiday xil wareejinta wasaaradaa oo maanta dhacday inay saxaafadu ka qayb galaan oo ay goob jog ka noqdaan, marka laga reebo Tv-yada.
Lama cadayn ujeedada xil wareejinta wasaaradda Maaliyada loogu diiday saxaafadu inay ka qayb gasho sida munaasibadaha kale ee ay masuuliyiintu xilka ugula kal wareegayeen. jiraan Laakiin wararka qaar ayaa sheegaya inay halkaa yaaliin fadeexado qarsoon oo ku gedaaman wasaaradda maaliyada, maadaama ay shaqaalaha dawladu aanay mushaharooyin iyo gunooyin qaadan dhawrkii bilood ee u danbeeyay, isla markaana ay jirto deyn xad dhaaf ah oo ay la wareegtay xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo, taas oo ay dheer tahay iyadoo ay khasnada dawladu faaruq tahay. Sida uu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay qudbadiisii u horaysay.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *