images/stories/picture-134.jpg     Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Somaliland   Axmed Maxamed Maxamuud   ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdidii u horaysay ee yimaada dalka tan iyo intii uu Madaxeynaha cusubi la wareegay xafiiska todobaadkii hore.  sida lagu sheegay war saxaafadeed kulankaa ka dib kasoo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka dhowaan loo magcaabay C/laahi Maxamed Daahir (cukuse),  wefdigaa oo ka socday Qaramada Midoobay iyo Banka Aduunka waxa soo dhoweeyay

wasiirka Arrimaha debeda iyo xubno kale oo ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada cusub.
Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada laguma sheegin tirada wefdiga iyo mudada ay joogayaan, ama inay la kulmayaan hayado iyo masuuliyiin kale oo somaliland ah, wuxuuna warsaxaafadeedka oo dhamaystirani u qornaa sidan” wefdiga  kauu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL, Mudane, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Cusub  ayaa Maanta Gelinkii Hore Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha  Bini-aadminimada ee Somaliland /Somalia iyo Jaraj  Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland, Somalia iyo Eritrea,

Wasiirka Arimaha Debeda ayaa waxa uu weftiga uga waramay Siyaasada Xukuumada Cusub ee Dhinacyada horu-marinta iyo Dhaqaalaha, waxaanu u sheegay in ay Xukuumada cusubi Soo dhawaynayso waxlaqabsiga Beesha Caalamka Diyaarna ay u tahay Sii-Xoojinta Xidhiidhkii ay Somaliland La lahayd  Haya’adaha Caalamiga ah.

 

 

 

Dhinaca kalena waxa uu wasiirku tilmaamay Qodobada ay Xukuumadu Muhiimada siinayso kuwaas oo uu Sheegay inay ka midyihin Shaqo u Abuurista Dhalimyarada Tirada Badan ee wakhtigan Camalka la’, Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha sida wadooyinka, Xoojinta Amaanka iyo Tababarada Ciidamada Nabadgelyada iyo kor u qaadida tayada waxbarashada iyo Caafimaadka. Waxaanu intaa ku daray in ay Xukuumadu soo Dhawaynayso ujeedada socdaalkooda Diyaarna ay u tahay inuu xidhidhku halkisii ka sii socdo iyadoo ay lagamamaarmaan tahay in dib loo eego kaalmadii Bini-aadminimo ee ay Beesha Caalamku Hore u siin jirtay Somaliland.

 

 

Ugu danbayna waxa uu wasiirku soo jeediyey in la qaban qaabiyo shir balaadhan oo ay Beesha Caalamku Somaliland Ugu yaboohdo Kaalmo Horu-marineed taladaas oouu waftiguna soo dhaweeyey.  Saraakiisha waftiga hogaaminaysay oo kala ahaa  Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha  Bini-aadminimada  ee Somaliland / Somalia iyo Jaraj  Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland, Somalia iyo Eritrea ayaa iyaguna marka hore Somaliland ku hambalyeeyey tubta hanaanka Dumuquraadiyadeed ee ka hirgalay Dalka iyo sidii ay u dhacday Dooorashadu. Madaxda Waftigu waxa kale oo ay sheegeen in Wakhtigan ay Beesha Caalamku si wayn  isha ugu  hayso Somaliland una hanwayn tahay.

Geesta ka dibna weftigu Waxa ay ka warameen ujeedada Socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay isu Xog-waran ay Xukuumada Cusub kala yeeshaan Barmaamijyadii ay Hay’adahan Caalamiga ah ee uu Waftigu ka kooban yahay kawadeen dalka.

Gebegabadii kulankani  wax uu ku dhamaaday is Afgarad buuxa. Madaxwaynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Weftiga hogaaminaysa Booqasho gaaban oo salaan ah oo ay madaxwaynaha ugu hambalyeeyeen Doorashadii loo doortay xilka Madaxwaynenimo ee dalka iyo Dumuquraadiyada ka hirgashay Somaliland.” ayaa  lagu yidhi warsaxaafadeedka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *