Hargeysa(ANN)Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada Xukuumaddii Daahir Rayaale,  Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadhweyne), ayaa ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha xiisada wershada Sibidhka ee Berbera, xadhigga Boqor Cismaan Buurmadow oo sabab la’aan ugu xidhan xabsiga sadex

 

todobaad, iyadoo aan Maxkamad la horgeyn.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay  khilaafka xisbigiisa UDUB oo mar kale dib usoo laba kacleeyey. Kadib markii uu soo jeediyay Gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale in la laa’lo xudunta khilaafka xisbiga ee musharixiinta jagada Madaxweynaha marka la gaadho doorashada ee la filayo 2015.
Xasan Gadhweyne oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, wuxuu  Ugu horreyn farriin gaar ah u dirayey Madaxweyne Siilaanyo, isagoo  yidhi, “Waxaan Madaxweynaha xasuusinayaa marka wallaahow iyo ku-tir ku-teen dalka ku bato haddii aan laga hadal oo aan cida xilku saaran yahay ka hadal Madaxweyne ummadda waa la luminayaa oo dad masaakiin ah baa iska jira oo qof waliba sida uu doonayo u fasirayo. Arrimaha taagan waa in dawladdu ka hadasho oo caddayso, markaa Madaxweyne in aad hadasho ayaanu jecelnahay, mar-mar baa nala yidhaahdaa “wuu xannuunsanayaa,” aniga iyo in badan oo kale waanu la kulanay oo Wallaahi baanu gambo qabin, laakiin waxa laga yaabaa in dadku hadalkaaga jeclaystaan.”

Waxa kale oo Xasan X. Maxamuud ka hadlay muranka ka taagan qaabka loo maalgelin karo Wershadda sibidhka Berbera oo muddooyinkii u dambeeyey lagu kala qaybsanaa, isagoo tilmaamo faah-faahsan ka bixiyey artagtidiisa ku wajahan arrintaasi.
“Arrinta sibidhka oo ka mid ah walaahowga waqtiyadan dambe dalka ka taagan oo qof waliba sida uu doono iyo tafsiirka uu doono kaga hadlay, haddii aan dadka wax loo sheegin isku sii days ayey noqonaysaa, arrintaasi maanta waxay gaadhay in la yidhaa haddii aannu reer hebel nahay ma oggolin iyo haddii aannu reer hebel nahay waanu oggolnahay, horta wax reer hebel la yidhaa ma jiraan oo ku saabsan sibidhka, waxase jira degaan oo arrimaha maalgashi xuquuq gaar ah lihi. Arrintaa sibidhka shuruuc baa ka taal oo xeerar bay leedahay, wasaaraddo ayaa qaabilsan, waana khayraadkii dalka. Waxa jiray shirkaddo la aasaasayey oo oggolaansho ka haysta dawladda tii hore [UDUB] ha noqoto,  ama tan ha noqotee oo u socday inay gaadhaan heerkii u dambeeyey oo ah Compeny, waayo dadkan shuraakoobaya wax la isa siinayaa ma jiro ee malaayiin doollar bay ku kacaysaa oo saamiga waa la iibsanayaa, lacagta intaa le’eg inta isku darsata ee sharci samaysata ee wax ku heshiisa ee loo oggolaado ayaa Compeny noqonaya, Somaliland oo dhan baa ku jirta laakiin odayaal bay leeyihiin markaa raggii muuqday ayuun baad moodaysay in carabku ku badan yahay. Markaa Compeny-nigii in sharcigii u socdo iyo inuu u dhammaaday war kama hayo ee waxa la igu yidhi mar buu Madaxweynuhu u saaray guddi wasiiro ah oo shan ah, haddana beri dhawayd waxa tagay laba wasiir oo gobolka Saaxil ah oo iyaguna la soo noqday wixii ay u tageen. Markaa ma jiraan wax reer hebel loo diidan yahay iyo wax reer hebel haystaan, Berbera waa magaaladii ganacsiga Somaliland cid waliba xaq bay u leedahay inay wax ka samaysato, weligeedna sidaasi ayey ahaan jirtay.”
“Waxa laga hadlaa Dahabshiil iyo Muuse Dalab labada odayba anigu waan aqaan oo kama suurtoobaan waxaan dalka iyo dadka midna dan u ahayn, waxaan u jeedaa labadaa oday ee muxtarimka ah ma oggolin in turjumad khalad ah laga sameeyo, Dahabshiil dhul uu warshadda ka dhisto waa la siin karaa, xaqna wuu u leeyahay laakiin khayraadka ama sibidhka dawladda ayaa leh oo heshiis dhexmarayo cidda warshada ku shuraakowda. Markaa waxaan isleeyahay taasi waxay u taal dawladda oo waxa jira sharcigii maalgelinta iyo sharciga kambaniyada, dawladdu wixii ay leedahay iyo deegaanku wixii uu leeyahayba shuruucda ayaa xadidaysa ee turjumadaha khaldan dadka ha laga daayo.
Sibidhka dawladda leh, buurbaa hebel loo xidhay waa been ee buuraha la isma siiyo oo waa khayraad, waxaanay ila tahay waa mala’awaal, warshad qofku wuu samaysan karaa ee waa inay noqoto mid wixii gelayey uu isagu keensado, laakiin ta dalka gudihiisu waa shidaalka la qodayo oo kale oo kambaniga qodaya iyo dawladdu ku shuraakoobayaan,” ayuu yidhi Mr. Xasan-gadhweyne.
“Waxa kale oo aad looga hadlaa shirkii Dubureed oo lagu xidho turjumo khalad ah oo la yidhaa waxyeelayn buu ahaa, shirkaasi waxa isugu yimi dhammaan mudanta beeshaasi, wuxuu ahaa mid dhisayo dalka iyo dadka, mid karaamada wadanka dhisaya ayuu ahaa, taageerada dawladda iyo madaxbannaanida dalka.”
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay xadhigga Boqor Buurmadow oo uu ka codsaday Madaxweyne Siilaanyo inuu cafiyo, balse uu ku xidhay shardi, waxaannu yidhi, “Boqor Buurmado waa boqor reer Somaliland ah oo ah nin wanaagsan, anigu saaxiib baanu nahay, in la sii daayana sidii rag badan oo hore waydiisteen ayaan Madaxweynaha waydiisanayaa, laakiin waxaan kaga yar duwahay odayaashii ka hadlayey ee badnaa waxay lahaayeen bilaa shuruud ku siidaa dawlad noqonmayno ee waxay ahayd inay yidhaahdaan boqorku taa ha joojiyo illeyn dawlad baynu nahaye is barbar-ordimaynee Madaxweynuhu waa astaantii qaranka, waxyaabo ka xaaraan ah baa jira sida boqorka dhaqankaba aanan wax walba u odhan karayn. Markaa aniga oo Madaxweynaha waydiisanaya inuu sii daayo Boqorka waxaan leeyahay Boqor Cismaanow waxyaabaha qaar adigana kuumay wanaagsanayn oday ahaan, Madaxweynahana xaq ugu maad lahayn ee adiguna tii raaligelin ka bixi.”
Wasiirkii hore ee Waxbarashadu mar uu ka hadlayey khilaafka ka dhex taagan xisbigiisa UDUB, waxa uu sheegay inuu salka ku hayo arrimo dhinacyada iska soo horjeedaa mid waliba si gaar ah u danaynayo, waxaannu guddoomiyaha xisbigooda Daahir Rayaale Kaahin ugu baaqay inuu dib u eego go’aankiisa uu murrashaxnimada kaga laalay Jamaal Cali Xuseen.
“Madaxweynuhu markii uu wax baadhay tallooyin buu soojeediyey maalin dhawayd, waxay u gudbayaan nidaamka oo waxa xaq loogu leeyahay in lagu celiyo oo la yidhaa guddoomiye sidaasay nala tahay, goor la caytamo iyo waqti jaraa’id wax lagu qoro midna ma joogno. Murrashaxiin baa jiray markii hore oo waxa ku soo baxay Cali Warancadde iyo inan loo yeedhay oo ah Jamaal Cali Xuseen oo ah nin aqoonyahan ah, Guddoomiyuhu iminka tallooyinka uu soo saaray labada murrashaxba in laalo ayaa ku jira, laakiin go’aanka Guddiga Fulinta ayaa leh oo ku celinaysa ee maaha in la buuqo.
Waxa shakhsiyan aan leeyahay Guddoomiye; inanka [Jamaal] waa la keenay oo lacag baa laga qaaday, waxa la yidhi labadii sanno ee u dambeeyey muu ahayn xubin firfircoon, wuu ahaa oo dalka ayuu u ahaa xubin firfircoon oo waxa uu lacagta dugsiyada iyo jaamacadaha ka bixinayey intaas oo arday, wuxuu dhiirigeliyaa dhallinyarada soo baxaysa, mar haddii uu dalka marba imanayey oo uu haddana noqonayey oo waxtarayey wuu firfircoonaa, waa nin fikirkiisu ka ballaadhan yahay meel soke, ee guddoomiye halkaa dib ugu yar noqo,” ayuu hadalkiisa raaciyey Xasan Gadhweyne.
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay xaaladda dagaalladii  ugu danbeeyay ee  dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Sool iyo duleedka magaalada Buuhoodle, waxaannu ku baaqay in collaadda loo beddelo wadahadallo nabadeed oo lagu furdaamiyo tabashooyinka ka jira degaannadaa, isagoo hoosta ka xarriiqay in dhinacyada dagaalladu dhexmareen labaduba yihiin reer Somaliland, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in arrrinta lagu soo dabbaalo gogosha nabadda ee Madaxweynuhu u fidiyey shacabka gobollada Sool iyo Buuhoodle.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *