Hargeysa(ANN)Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah oo ay ku kala qaybsameen ku meelmariyay Miisaaniyadda xukuumadda ee 2012, taas oo muran iyo khilaaf saaka ka abuurtay fadhigii mudanayaasha Somaliland ka hor intii aan

cod la gelin.
Fadhiga maanta oo ay kasoo xaadireen 57 Mudane, waxa  sawxan iyo buuq yar oo mudanayaasha qaarkood kaga soo horjeedeen in sidaa lagu gudbiyo miisaaniyada ugu danbayntii shirgudoonku ka codsaday inay u codeeyaan, iyadoo ay oggolaadeen  Ansixinteeda 36 Mudane, Sagaal iyo tobanmudane ayaa  ka aamusay, hal mudane  ayaa  diiday. maanta cod aqlabiyad ah ku Ansixiyay Miisaaniyad  Sannadeedka 2012 oo Dhan 639,369,240,470,  taas oo 23.19% ka badan tii sannadkii Hore ee 2011

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo intii aan la akhriyin warbixin kooban ka jeediyay fadhigii Gollaha ayaa sheegay  inay Xukuumadda Madaxweyne siilaanyo  ka baaqsatay balanqaadkeedii  sanadkii hore ee ahaa inay golaha usoo gudbiso  shuruucda  lagu aasaasay Hay’addaha Madax banaan ee ay samaysay ee Miisaaniyadda ku jira,  isla markaana ay ka baalmartay nidaamka dastuuriga ah ee qeexaya  inay sannad kasta Miisaaniyadda ku horkeento Golaha wakhtiga loogu talogalay ee bisha Desember.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu waxa uu ka hadlay soo jeedimo loosoo jeediyay oo ahaa in Miisaaniyadda kharash loogu daro Garsoorka, Wadada Ceerigaabo iyo Doorashooyinka , balse Gudoomiye C/raxmaan Cirro, ayaa  sheegay xukuumaddu ay hore u  aqbashay hase yeeshee aan waxba lagaga  l darin Miisaaniyadda sanadkan ee la Ansixiyay.
Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha ayaa ka hor intaan la Ansixin Miisaaniyadda 2012-ka ku dhawaaqayay in aan cod la galin intaan laga wadahadal in soo jeedimha ay xukuumaddu aqbashay  aan Miisaaniyada lagu darin.
Hase yeeshee Mudanayaasha doonayay in sidaa lagu ansixiyo Miisaaniyadda ayaan dheg u dhigin soo jeedinta  dhaliisha ah ee Shirguddoonku ka jeediyay golaha, waxayna  weedhaha gudoomiyuhu sababeen inay qaar ka tirsan xildhibaanada kasoo horjeeday ansixinta Miisaaniyadda in sidaa lagu sii daayo ka dareeraan madasha fadhiga. Miisaaniyad  Sannadeedka 2012 oo Dhan 639,369,240,470,  taas oo 23.19% ka badan tii sannadkii Hore ee 2011, waxa  jira mashaariic dhinaca horumarinta  oo ku wajahan addeegyadda Bulshadda gaar ahaan Caafimaadka iyo waxbarashadda, basle waxa jirtay inay  mudanayaasha qaarkood farta ku fiiqayaan dhaliilo baddan oo ay sheegeen inay xanbaarsantahay miisaaniyaddu.
Dhinaca kalena waxa maanta dhamaaday Kal-fadhigii 17 aad ee Golahaa, waxaanu fasax galay muddo dhawr todobaad ah, kaas oo ah fasaxoodii dastuuriga ahaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *