Muqdisho(ANN) Madaxweynaha Dawlada ku meelgaadhka ah ee Somalia Sheekh Shariif Axmed, ayaa ugu deeqay Malayshiyadda Buuhoodle dhaqaalle, hub   iyo saanad milateri. Kadib markii ay koox  ka tirsan malayhiyadaasi  qaylodhaan  ugu tageen magaaladda Muqdisho, maalin kadib dagaal si

 

weyn loogu dhirbaaxay malayshiyadaa oo ka dhacay jiidaha magaalada  Laascaanood iyo Buuhoodle Axadii todobaadkan.
Dagaalkaa oo dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo  Malayshiyada ayaa sababay inuu khasaare balaadhani soo waajaho Malayshiyada, iyadoo laga qabsaday Hub iyo Saanad wixii ay haysteen, isla markaana gacanta lagaga dhigay 9 Gaadhi oo shan ka mid ahi ahaayeen kuwa Xamuulka oo Saadku u saarnaa iyo sidoo kale 4 Gaadhi oo kuwa gaashaaman ee tiknikada loo yaqaan ah. sidoo kalena 47 maxbuus oo ay ku jiraan laba Horjoogayaasha Malayshiyada ahaa iyo sadex sarkaal.
Hase yeeshee Malayshiyada ayaa qaylo dhaan u diratay dhinaca Magaalada Muqdisho ee xarunta u ah Dawlada taagta-daran  ee uu hogaamiyo Sh. Shariif, waxayna warar lagu kalsoonyahay oo shebekadda Araweelonews  ka heshay  Muqdisho  iyo meelo kale u sheegeen in Sheekh Shariif uu Malayshiyadaa  ugu deeqay  lacag gaadhaysa $ 3Milyan oo dollar, taas oo loogu soo shubay dhinaca maamulka Puntland.
Sida ay sheegayaan xoggaha iyo tibaaxaha shebekadda Araweelonews ka heshay magaalada Muqdisho iyo meelo kale, waxa lacagtaa soo gudbiyay  Nin lagu magacaabo C/Kariin Xasan Jamaac  oo dawladii Farmaajo  ee KMG Soomaaliya ka ahaa Wasiirkii Warfaafinta, iyadoo lacagtaa sida ay sheegayaan xoggahaasi laga keenay laba markab oo Caawimooyinka ay bixiyeen Dawladaha Turkiga iyo Iran, kuwaas oo suuq madaw laga iibiyay, isla markaana la baalmariyay dadkii masaakiinta ahaa oo loogu talo galay raashinka caawimada ah.
Labadaa Markab ayaa sida Ilaha xog-ogaalka ahi u sheegeen Shebekadda Araweelonews, waxa lagu faasaxay $ 32 Milyan oo dollar ah, wararka qaar ayaa sheegaya inay iibinita Suuqa madaw ee Caawimooyinka u qaabilsan yihiin Sh. Shariif laba Nin oo lagu kala magcaabo   Culusow iyo Daahir Dheere, kuwaas oo xisaabad debeda ah uga furan ku shuba lacagtaa.
Talaabooyinka noocan ah ee dawladda Sh. Shariif ayaa u saamayn ku yeelanaya  heshiiskii iyo go’aamadii kasoo baxay shirka London. Sidoo kalena waxay talaabadani fadeexad ku tahay dawladaha Turkiga iyo Iran oo maawimooyin ku daabulayay mudooyinkii ugu danbeeyay Magaalada Muqdisho, taas oo loogu talo galay in la gaadhsiiyo dadka masaakiinta ah, balse suuq madaw laga iibiyo, isla markaana loo adeegsado dagaalo iyo hub in lagu bedesho, kuwaas oo lagu waxyeelaynayo qaranimada Somaliland, iyadoo aanay ilaa hada xukuumadda Somaliland ka hadlin dhibaatooyinka siyaasadeed iyo fad-qalalada dawlada Sheekh Shariif ku wiiqayso amaanka iyo xasiloonida gobolka oo ah kuwo si badheedh ah uga hor imanaya go’aamadii Feb 23  2012, kasoo baxay shirkii arrimaha Somalia ee lagu qabtay Britain.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *