Hargeysa(ANN)Taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen dadkii fuliyay falalkii lagu gubay  29 Guri oo ku yaalay xaafaddaha New Hargeysa iyo Maxamed Moogge ee bariga iyo Koonfur bari ee magaaladda Hargeysa, kuwaas oo sida ay  sheegeen

 

gebi ahaanba aloo gudbiyay maxkamadda.
Taliska Booliska Somaliland waxay sidaa  ku sheegeen  warbixin qoraal ah oo uu galabta soo saaray Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (C/Raxaan Fooxle) oo Guddoomiye u ahaa Guddi ka kooban Lix sarkaal oo Taliyaha Boolisku u magacaabay baadhista kiisaska gubista gurayaha.
Qoraalka warbixinta Booliska ayaa u dhignayd  sidan:-
“a)       Waxaan halkan idinku yeedhay (saxaafada)  in aan bulshada Somaliland gudaha iyo dibadda la socodsiino dhacdadii gubistii guryaha ee magaalada Hargeysa ka bilaabmay taariikhdu markay ahayd 13/02/2011, gaar ahaan xaafada  Gacan Libaax waaxda Sh. Yuusuf, Taliyaha Ciidanka Boolisku wuxuu u magacaabay guddi-baadhiseed oo ka kooban 6 sarkaal oo uu madax u yahay Taliye-xigeenka Ciidanka Booliska.
b)      Gudbistaa guryaha oo ku ekeyd illaa 26/02/2011, xaafadaas Sh. Yuusuf wixii ka dambeeyey tiro kooban oo laba cisho ah oo u gudubtay xaafada Maxamed Mooge, oo aqalo kooban saamaysay.
c)       Guryaha ilaa maanta  gubtay tirada guud ee guryaha la gubay waa 29 oo u kala baxaa:-
§         Daaro waa …………..2
§         Sandaqado …….……8
§         Buulal (Beebeeyo)….19
Sida halkaas ka muuqata, dhacdadaasi waxay saamayn gaar ah ku yeelatay dadka danyarta ah ee deganaa guryaha gubtay, dhammaan guryahaas wax dad ahi waxba kuma noqonin, waxaasi jirta afartii guri ee ugu dambeeyey ay ku gubteen dhammaan wixii qalab ah ee hoos yaalay.
d)      Labada guri oo daaraha ah mooyee dadkii guryaha lahaa ee dabku qabsanayay ma joogin, oo way ka maqnaayeen.
e)      Dhammaan dadkii guryahaas ay ka gubteen wax dacwad ah may keenin saldhigyada, marka laga reebo 3 askari oo booliska ah.
f)         Dhammaan guryahaas habka loo gubay ay isku raad yihiin, loona isticmaalay shidaal isugu jira gaas, tiinar, naafto iyo faarad.
g)      Dhammaan guryahaas waxa la wada gubay hadh cad, iyadoo dhacdadan guryo gubistu ay ugub ku tahay dadweynaha.

h)       Sida aanu baadhistaan ku aragnay in badan oo guryahaas buulasha ah waxa hareeraha ka xiga guryo badan oo sandaqado ah oo ay danyarta u dhistay Hay’ada NRC, oo aan kuwaasi dabku saamayn, xidhiidhka ka dhexeeya hay’ada sandaqadaha dhistay iyo buulasha gubanaya cidda ku eedaysan boolisku gacanta ayuu  ku hayaa baadhistiina way socotaa.

i)         Marar badan guryaha gubanaya marka ay soo gaadhaan Baabuurta  dab-damiska ah amase gurmadka dadweynaha ee xaafada, waxa jiray dhalinyaro aan xil kas ahayn oo dhagaxaan  ku shiidaayay gaadiidka dab-damista iyo dadweynaha u soo gurmanaya inay bakhtiiyaan, kuwaasi oo ay u suurtogalin waayay guryahaas qaarkood.
j)         Gudiga baadhistu markay si qoto dheer leh ugu kuurgaleen xaafada, waxay ogaadeen in dadweynuhu aad uga xun yahay arrintaas. Waxa barbar socday gubniinka is-hortaag, khalkhal galin  saamaysay dadweynaha caasimada ku nool, iyadoo laga dhaadhiciyey gurigaagii rinji baa la mariyey oo waa la gubi doonaa,  iyadoo loo isticmaalayo walxo dareere ah, taasi oo ay dadweynaha ku abuurtay xasilooni darro iyo baqdin, waxa kale oo iyana daba socday  mudaharaadyo abaabulan oo ula jeedooyin gaara leh, dadkii lagu tuhmaayey gacanta ayaanu ku haynaa.

k)       Abaabulayaashii dambiga iyo fuliyeyaashii waxa loo gudbiyay maxkamada  iyo xeer ilaalinta, waxayna hadda gar-suge ku yihiin xabsiga dhexe ee Hargeysa, wuxuuna boolisku u hayaa cadaymo iyo marag muujino ku filan. Waxa kale oo jira eedaysanayaal fakaday oo ka qaybqaatay fal-dambiyeedkan, baadi-goobkoodiina waa lagu jiraa, intii aanu eedaysanayaasha gacanta ku dhignay wuu istaagay dabkii.

l)         Dhacdadan waxa gacan weyn naga siiyey dadweynaha xaafadaas oo si hagar la’aan ah noola shaqeeyey, aniga oo uga mahad celinaya sidii muwaadinimada lahayd ee ay gacanta noogu siiyeen, waxaanan dadweynaha ku boorinayaa inay booliska kala shaqeeyaan Nabad-gelyada meelna uga soo wada jeestaan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay taliska Booliska Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *