Hargeysa(ANN) Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi , ayaa sheegay inay markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka la wareegtay ay waajahday mushkilado iyo caqabado dhinaca dhaqaallaha ah, iyadoo deyn xad dhaaf ah lagu lahaa, isla markaana khasnada dawladu madhnayd,

 

taas  oo ay u dheerayd  shaqaalaha oo mushaharooyin dhawr bilood ah lahaa. Laakiin ay ka dabaasheen oo ay weliba kordhiyeen mushaharooyinka 100%. Sidoo kalena ay Dugsiyada H/dhexe ee dalka gebi ahaanba ka dhigeen lacag la’aan.
Eng. Xaashi wuxuu sidaa ka sheegay munaasibad uu maanta xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ee Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo lagu qabtay Hoolka xarunta Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen Gudoomiyaha Wakiiladda, Gudoomiyaha Baanka Somaliland, xildhibaano ka tirsan labada gole Baarlamaan, masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan iyo marti sharaf.
Hase yeeshee Masuuliyiinta xilka Wasaaradda Maaliyadda la kala wareegay maanta ayaa munaasibadaa ka sheegay doodo  kala duwan  oo dhinaca miisaaniyadda sanandkan 2012 iyo tii hore ee 2011, kuwaas oo uu faraq weyni u dhexeeyo.
Wasiirka xilka wareejiyay  Eng. Xaashi  oo ka hadlaya  waxqabadkiisa iyo guulaha xukuumadda muadadii yarayd ee ay jirtay, wuxuu yidhi, “Miisaaniyadii 74 milyan ahaan jirtay waxaanu gaadhsiinay 83 milyan waxaana kordhay 75.5%, miisaaniyada sanadkana waxa noo qoran in la gaadho 106 milyan iyada oo ay ka maqan yihiin wixii hanta dawladu leedahay sida guryaha dawlada iyo baabuurta,waxaanu ka gaadhsiin waynay diwaan gelintoodii dabadeed miisaaniyada waxaanu ku soo ururinay dakhligii iyo kharashaadkii. Intaas waxa noo dheeraa dayn fara badan oo aanu bixinaynay halkii aanu umadda wax ugu qaban lahayn. Baanku waxa uu hayaa wixii lacag wasaaradda lagu lahaa  oo waxa yaala liis ciddii wax ku lahayd oo waxaa taala lacag la soo daabacay,  iyada oo baanka uu qof waliba wixiisa ka qaadanayo sidaas daraadeed wax dayn ah oo aanu kaga tagayno wasiirka cusub ma jirto.
Marka laysu geeyo deymaha aanu bixinay waxay noqonaysa labaatan malyuun iyo badh doolar. Lacagta aanu maanta hayno ee kaashka waxay ku dhawdahay afar iyo toban malyuun oo doolar marka laysku wada geeyo” ayuu yidhi

Dhinaca kale Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo markii uu xilka  wasaaradda Maaliyadda kala wareegay Eng: Maxamed Xaashi Cilmi durbadiiba soo bandhigay gal-daloolooyinka ka muuqda Miisaaniyaddii hore ee 2011, taas oo is dhintay kharash dhan shan Milyan sagaal boqol iyo afar iyo afartan kun laba boqol iyo sideed iyo konton Doolar ($ 5,944, 258).

Halka Miisaaniyadda sanadkan 2012 ka lagu daray Odoraska Lacag dhan Sideed iyo toban milyan laba boqol iyo sideed iyo sodon kun sagaal boqol iyo lix iyo sideetan Dollar ($ 18,238,986), taas oo sida uu sheegay muujinaysa in iyadoo aanay Miisaaniyaddii horeba soo wada bixin culays kale oo aan la hubin lagu kordhiyay.
Isku darka lacagta Miisaaniyaddii hore ka dhinaatay iyo ta sanadkan 2012,   lagu daray ee aan la’hayn ayuu Wasiirka cusub ee Maaliyadda C/casiis Samaale ku sheegay Afar iyo labaatan milyan boqol iyo sadex iyo sideetan kun laba boqol iyo afar iyo afartan dollar ($ 24,183,244), taas oo cadaynaysa inaanay soo bixin Odoroska  labadii Miisaaniyadood ee ugu danbeeyay ee intii Xisbiga Kulmiye talada Dalka hayay, Odorosyadaa mala awaalka ee miisaaniyaddaha   oo midkoodna la soo dhaafay, tii  kalena lagu guda jiro oo ay sadex biloodkii ugu horeeyay dhamaadeen,  iyadoo ay wali socdaan kharashaadkii lagu lahaa Dawladda gaar ahaana bishan ugu danbaysay ee March.” Ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi, wuxuuna dardaaran u jeediyay wasiirka cusub oo uu sheegay inuu ku kalsoonyahay inuu shaqada qaranka halkaa kasii wadi doono, isla markaana uu yahay qof aamin ah, isaguna wixii talooyin ah la garab istaagayo ee aanu halkaa kaga tegeyn.

Hase yeeshee weedhaha labada masuul ee xilka la kala wareegay  madasha ka sheegeen ayaa muujinaya inuu soo baxay faraq  iyo mad madowga ku jira labadii Miisaaniyadood ee u danbeeyay. kadib markii  Wasiirka cusub ee Xilka la wareegay  soo bandigay Xisaabaad dhiman, Wasiirka Wareejinayayna sheegay in uu qasnada kaga tagayo lacag dhan afar iyo toban milyan oo dollar( $ 14,000, 000).
Arimahaa oo aan laga warqabin waxa ay xukuumaddu kaga go’aan qaadanayso, isla markaana ay adagtahay in la soxo, maadaama aanu jirin qaab xisaab xidh ah oo fududayn lahaa meelaha farqau ka yimi iyo sida ay isu waafiqi kari waayeen labada miisaaniyadood ee wasiirkii hore ee Maaliyaddu ku doodayo inuu jiro korodh miisaaniyadda sannadkan 2012, iyadoo ku tala galkii tii hore dhimanyahay. Sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in la helo cadaymo muujinaya halka wax ka khaldan yihiin iyo halka uu ka yimi faraqa taagan ee aanay is daboolayn  korodhka dakhliga ee miisaaniyadda 2012  iyo dhinaananshaha dakhli miisaaniyadeedkii 2011.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *