Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Md. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), ayaa daboolka ka qaaday in aanay jirin wax natiijo ah oo ka soo baxday guddigooda, isla markaana borabogaando iyo sharci-darro ku tilmaamay

 

ololeyaal ay sameeyeen qaar ka mid ah urur-siyaasadeedyada cusub oo warbaahinta ku qoray inay kaalmaha hore ka galeen madax-ka-tiriska kunka qof ee urrur kasta looga baahan yahay.
Mr. Ciyaale oo khadka telefoonka Jamhuuriya ugu warramay xalay, waxa uu sheegay inay ururrada xaaraan ka tahay inay taageerayaashooda basas ka buuxiyaan, magaalooyinkana ku dhex wareejiyaan, isagoo caddeeyey inay digniinno arrintaas ku saabsan gaadhsiiyeen qaar ka mid ah ururro tallaabooyinkaas ku kacay.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha oo la waydiisay sida ay guddi ahaan u arkaan natiijooyinka qaar ka mid ah ururrada siyaasadda qaarkood ku faafiyeen warbaahinta iyo qaabka ololaha u eg ee marxaladdan ku bilaabantay, waxa uu ydihi; “Arrinta diiwaangelintu waa arrin qaran oo nidaamkeenna dimuqraadiga ah yahay ka aynu dheer nahay Soomaaliya iyo meelo badan oo caalamka ah. Nidaamkaas haddii la nashuushadeeyo oo inan yaroo saxaafadda ku cusub mareeg (website) wuxuu doono isaga qorto oo yidhaa urur hebel baa kaalinta koowaad galay, waxaasi wax soconaya maaha, waana sharci-darro in ururradu borobogaando samaystaan. Ilaa annagu aannu hawshayada dhammayno cid ma odhan karto annagaa ugu sarrayna, wax allaale wax natiijo gobol ah oo naga soo baxayna ma jirto.
Qofka wargeys amma website wax ku qoray waa mala-awaal, waayo ururka aannu hubinay ayaan ogayn natiijada aannu u hayno. Ururna urur ma oga, nidaamkeenuna maa ha kii Maraykanka ee la odhan jiray xisbigaasi gobol hebel intaas oo cod buu ka helay, laakiin nidaamkeennu waa mid xeerar iyo shuruudo loo eegayo, markaa markay arrimahayagaasi dhammadaan uun bay imanayaan in natiijada la ogaado.”
Md. Cabdirisaaq Ciyaale, waxa uu tilmaamay inay maalintii Axadda ee toddobaadkan magaalada Boorama ka bilaabeen tirinta kunka taageere ee ururrada siyaasadda lagu xidhay, halka Isniintii shalayna laga fuliyey caasimadda Hargeysa, waxaannu xusay farqida u dhexeeyey labadaas.
“Shalay (Axaddii) waxaannu ka bilownay Boorama oo bilowgii u horreeyey ayey ahayd, Hargeysa ayaana ku xigtay. Marka hawlgalkii Hargeysa la eego arrimaha aadka noo caawiyey waxa ka mid ah caasimadda oo ah magaalo weyn oo urur kastoo dedaalay ka heli karo taageero ku filan, kii aan dedaalina wuu ka waayey. Waxa kaloo aad noo caawiyey booliska oo aad u ilaaliyey ammaanka, halka magaalada Booraama anaan helin askartaas,” ayuu yidhi Md. Ciyaale.
GuddoomiyahaGuddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda ka jawaabayey su’aal la xidhiidha waxa ay ka yeelayaan iyo inay diiwaangeliyeen carruurta ururradu basas ku gurteen, waxa uu yidhi; “Maya, ururna uma tirinayno qof aan qaadh-gaadh ahayn, waana mabnuuc, markaannu taageerayaasha urrurada tirinaynay ee aannu soo gaadhno safka uu qof yar ku jirana waannu ka saaraynay, basaska ay carruurta ku gureen’ qaan-gaadh ha ahaadeen amma yaanay ahaan ee magaalada la wareejinayaa xaaraan bay ahayd.
Ururradii aannu ku aragnay maanta [shalay] waxaannu siinay digniin, mana jirto inta tirintu socoto in xaalad noocaas la sameeyo, waanuna uga digaynaa ururrada, balse waxa laga doonayaa in ururku xafiiskiisa keeno kunka qof. Waxa laga doonayaa ururrada inay ilaaliyaan sharciga iyo xeerka oo ay dadka laga doonayo xafiiskooda uun keenaan, markay keenaana safka toban-toban u sii kala dayaan si nabadgelyada loo sugo. Ururradu inta badan way fuliyeen awaamirtaas, kuwa ololahan sameeyeyna waannu calaamadinay, digniinna waannu siinnay.”
Waxa kaloo Jamhuuriya waydiiyey qaabka ay u tirinayaan kunka qof ee urrurkasta laga doonayo, waxaannu ku jawaabay; “Waxaannu ka qaadanaynaa urrurrada kunkii qof iyo liiskoodii. Markaannu liiska ka qaadano annaga ayaa macluumaadkii hore ee dalka yaallay eegayna. Ururka iska soo qorta magacyo aan ahayn diiwaangelintii saxda ahayd waa lagu reebayaa, arrintaasina waa digniin culus oo aannu u dirayno, markaa nidaamyo fara badan baa jira oo aannu wax u adeegsanayno oo in lagu wada qanco ay tahay.”
Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu ugu baaqay urur-siyaasadeedyada cusub inay ilaaliyaan sharciga, isla markaana aanay ku kicin waxayabo dhaawac u gaysan kara nabadgelyada iyo xasilloonida dalka, “Waxaan leeyahay ururradu ha dhawreen sharciga, xeer 14/2011 oo ay wada haystaan, jadwalka iyo nidaamka ay guddidu u dhiibtayna ha ilaaliyaan, nabadgelyadana yaanay waxyeelin, dadkuna xaqooda ha helaan xisbiga ay taageerayaan iyo ururkaba,” ayuu yidhi Md. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale) oo waraysi siiyay wargeyska jamhuuriya
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *