-
Published On: Sat, Sep 10th, 2011

Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Cawil Ducaale Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Xukuumadda Siilaanyo, Magcaabista Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Dhawaaqa Gudoomiye Xigeenka Kulmiye

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa-(ANN) Wasiirkii Maaliyadda Xukuumadii UDUB. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka hadlay  aragtidiisa siyaasada xukuumadda Siilaanyo ee xiligan, eeddo kala duwan oo uu guddoomiye xigeenka KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir u jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, magcaabista

wasiirka arrimaha gudaha iyo arrimo kale.
Cawil, wuxuu  dhaleeceeyay dhawaaqii canbaaraynta ee Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ku tilmaamay mid aan loo baahnayn, wuxuuna sheegay  inaanay isaga (C/raxmaan)  iyo dhawr nin oo kale oo ay  isku deegaan yihiin xisbiga KULMIYE ugu jirin mabda ahaan balse ay ugu jireen nacayb uu sheegay inay isaga u qabaan.
Waxaanu hadalada Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ku tilmaamay mid aan laga filayn nin siyaasiya, isagoo sheegay inaanay weedhihii uu ku hadlay oo adkaa wax dareen ah ka dhex abuuri doonin deegaanka ay kasoo wada jeedaan.

Cawil oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko magacaabista uu Madaxweyne Siilaanyo u xushay Maxamed Caraale Nuur (Duur) inuu noqdo Wasiirka daakhiliga. Waraysigii uu Geeska Afrika la yeeshay Md. Cawil, wuxuu u dhacay sidan:
Guddoomiye-xigeenka KULMIYE, wuxuu si ba’an u weeraray Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa. Dhinac wuxuu kaga hadlay in masuuliyiintii sar sare ee Beesha aad ka soo wada jeedaan ee Muse Carre xukuumadda laga sifeeyay, dhinacna wuxuu naqdiyay xukuumadda oo uu ku tilmaamay mid is wada haysata. Sideed arrimahaas u aragtaa?
Horta  dhawrkan shaqsi ee uu magacaabay ee beesha ka soo jeeda  [Sudani, Gabose, Cadaani iyo Isaga oo ah Cabdiraxmaan Cabdiqadir]  mabda’ ahaan umay galin xisbiga Kulmiye, waxayse u galeen colaad iyo xintan ay Cawil u qabeen, waxa layaab leh waxa ay hadda u qaylinayaan oo ay u dhabar adaygi waayeen ileen ninkii ay necbaayeen meeshii ka babxaye, sababta ay u dhabar adaygi waayeen ee ay u qaylinayaan ayaan la yaabanahay, beesha  [Muse Carre] uu u hadlayay waa beel taariikh ku leh Somaliland, afar iyo shan shaqaale ah  oo la’erayay wax saamayn ah habayaraate  ay ku yeelan doonto  beesha gudaheeda ma jirto, shaqaale badan ayay dawlada Kulmiye eriday, shaqsiyan beesha gudaheeda wax dareena  oo ay arintaasi yeelanaysaa  ma jiro oo anigaa taa kuu huba. Dee wasiir way lahayd beeshu shalayto, halkii aan joogayna waxa loogu bedelay  wasiirkii daakhiliga oo ka culus maaliyada oo nabadgalyada iyo umada oo dhan gacanta ku haysay, isagaa is casilay oo ka tagay meesha,  Beesha inay la tashadaan bay’ ahayd oo ay yidhaahdaan jagadii waanu dhiibaynaaye  maxaanu yeelnaa.
Laakiin taasi waxay ku tusaysaa qodabka ay isku hayeenba waxa uu ahaa sidaa aan kuu sheegayo, xintankaa iyo nacaybkaa ay aniga ii qabeen, xisbiga hadaanad xisbi ahaan ugu jirin oo aanad mabda ahaa u aaminsanayan oo aanad ugu jirin wax nuxura oo cusub oo ka soo baxayaa ma jiraan, markaa xaqiiqda aan kuu sheegayaa sidaa weeyaan.
Markaas hadalkaas Guddoomiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir maxaa kaaga baxay?
Anigu waan saluugay sida uu u hadlay oo nin laleeyahay waa siyaasi oo bisili si uu u hadali lahaa umuu hadlin, beeshayadanu xaqiiqdii meel ayuu kaga dhacay oo sumcadoodii ayuu dhaawacay oo meelo badan oo dunida ah ayaa laygala soo hadlay iyadoo  laga cadhaysan yahay hadaladiisii. Ninka siyaasiga ahina sidaas uma hadalo, siyaasadu waxa weeyaan(In politics there are many unsaid wards) oo noqonaysa siyaasadda hadalo badan oo aan la odhan baa jira. Markaas waxaan qabaa  hadaladiisii in aanay hadalo aad u fiican ahayn .
Dhawaan wuxuu Madaxweynuhu wasiirka daakhiliga u magacaabay Xildhibaan Duur oo ka soo jeeday xisbiga UDUB. Sidee ayaad taas u aragtaa?
Xildhinbaan Duur waxa uu ahaa xildhibaan UDUB ah  markii danbana Kulmiye ku biiray madaxda guddii dhaqaalaha ee golaha wakiilada ee dhawrka sannadood  aanu wada shaqaynaynay ayuu ahaa, waxaanan anigu qabaa waa nin hawshaa ka soo baxi kara oo khibradeeda yeelan kara oo waliba nin dedaal badan oo maskax fiican baan urkayay mudadii aan shaqaynaynay.
Eryidda shaqaalaha ee uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir taabtay, dad kale oo badan ayaa la qaba. Maxaad ka odhan lahayd iyada maxaadse Madaxweynaha kula talin lahayd?
Horta shaqaalaha Beelo badan ayaa shaqaalahii laga eryay, waxaan anigu qabaa anagu dawlad baan ahaynoo waxaan iska ilaalin jirnay wax alaale iyo wixii beel dareen galinaya, waxa dhacday in beel ka mid ah beeluhu  mar ay ugu badnayd agaasimyaasha guud oo ay ilaa dhawr iyo toban agaasime guud lahaayeen,  markaan dawlad ahaan shirnay waxaanu nidhi miyaa nin looga qaadi karaa qabiil oo la odhan karaa adiga waa lagaa qaadoo beeshaas ayaad tahoo waad ku badantahiin meesha, waa nin muwaadani waa shaqaale dawladeed, siyaasi maaha, hadday u bateen dee adduunkoo dhan dawlada raguun baa badan kara. Waxaan markaa anigu qabaa in madaxwaynuhu bal arinta dib ugu noqdo oo hadday jiraan shaqaale beel ahaan loo eryay wax ka qabto, anigu jago aan magacaabo tii iigu cuslayd waxa ay ahayd xisaabiye guud,  ku xigeen ayuu u ahaa ninkii la odhan jiray Maxamuud Dhagaxtuur, markii Maxamuud Dhagaxtuur laga wareejiyay xisaabiyahii guud waxaan u yeedhay aniga iyo gudoomiyaha baanku Cabdiraxmaan Ducaale ninka la yidhahdo Daahir Salaan, waanad waydiin kartaa waliba labadoodaba, Daahir Salaan ayaan ka codsaday inuu jagadii qabto, Daahir Salaan waa uu diiday oo waxa uu yidhi horaan u qabtay oo waa ay buuq badantahay, ee  waxaan kaa codsanayaa in aad iga dayso,  markaa ninkan Beesha ka soo jeeday ee ku xigeenka u ahaa Dhagaxtuur ku meel gaadh ayaan meesha u geeyay, maan soo qaadi jiran beel iyo siyaasad toona,  waan iska dhawri jiray oo maan aqoon xataa wasaaradayda shaqaalaha ila shaqeeyaa beelaha ay yihiin walaahi baanan aqoonin, waayo shaqaale dawladeed waa shaqale dawladeed, umadaanuu u shaqeeyaa, adiga kuuma shaqeeyo, shaqaana isu kiin keentay intaas uun si fiican u wada shaqeeya mooyee, lakiin beeshiisa iyo yuu yahay iskuma mashquulin jirin.
Markaas Madaxweynaha Waxaan odhan lahaa bal inuu hoos u eego arintaas hadday jirto, waayo waxa igu maqaale ah beelo badan ayuun baa shaqaale uun laga eryay, Cabdiraxmaan inuu u hadlay aayd shaqaalihii la eryay oo dhan may ahayn inuu beesha soo qaado.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sannad iyo dhawr bilood ayay jirtay. Maxaad ku qiimayn kartaa?
Anigu berigii hore waanigii idhi dawladi waxa ay ku sharaf badantahay in laba sanno la siiyo sanad waa sanadkaa ay iyadu is baranayso marka hore ee  madaxwaynuhu uu wasiiradiisa kala baranaayo waxa ay kala yihiin,shaqaalaha ay agasimyaasha guud baranayaan, shaqaalaha hoose ay baranayaan sanadkaas waa sanadka tababarka ee ay iyagu isbaranayaan horta.
Saandka labaad weeye sanadka wax qabadkooda la’eegayo, markaa waxan qabaa oo aan horena u sheegay maalintii uu dawlada magacaabay labadaa sano dawlada hala siiyo, labadaa sano ka bacdi aynu qiimayno, qiimaynteeda mar walba wixii soo kordha iyo wixii ka dhacaba waan qoraa anigu, dawlad laguma deg dego  laba sano wax ka yarna laguma qiimayn karo, berigii ay wasiiradu shireen iyagoon  bil joogin wanigii idhi masraxiyad ayay samaynayaan ,  waayo laba bilood ama saddex  bilood ayay joogeene maxay inoo sheegi karaan. Markaas waxaan qabaa in laba sannadood la siiyo xukuumadda si markaas loo qiimeeyo.

Source: Wargeyska Geeska Afrika

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>