Guinea Bissau  (ANN)Wadamada Galbeedka Afrika  ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan  oo ay gacan buuxda siinayaan hogaamiyahii dalka Libya Mucmar Al-qadaafi oo aan la cadayn karin halka uu ku sugan yahay. Kadib markii dabayaaqadii August laga qabsaday xaruntii  qasriga u ahayd ee baabal

 

casiisiya.
Raysal wasaaraha dalka Guinea Bissau Carlos Gomes  ayaa sheegay inay dalalka galbeedka afrika ka wer wersan yihiin xaalada nabadgelyo ee hogaamiyihii dalka Libya, wuxuuna sheegay inay dalalka galbeedka Afrika  soo dhowaynayaan  Mucmar Qadaafi oo ay taageero Milateri la garab taagan yihiin awoodooda .
Mr. Carlos wuxuu sheegay in  cududa Milateri ee wadamada galbeedka  afrka  oo siyaasad ahaan iyo milateri ahaanba  ku dhisnaayeen  Nidaamka  Qadaafi. Sidaa awgeed aanay aqbalayn maxkamadda  Caalamiga ah ee Denbiyada dagaalka, taas oo uu shaagay in aanay Guine Bissau waxaba kala socon aasaaskeedii.
Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Nigeria  Brigi Rafin oo khamiistii ku sugnaa Burkina Faso ayaa sheegay in aanay waxba kala socon inuu Qadaafi dalbaday magangelyo siyaasadeed, wuxuuna xusay in aanay arrinta maxkamadda denbiyada dagaalku ahayn wax weli la gaadhay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wixii ka danbeeyay todobaadkii hore markii ay dalka Niger galeen kolanyo gaadiid wi weyn u haubaysan oo ka mid ahaa ciidamadii Qadaafi ay dalalka galbeedka Afrika wadeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo golgol xaadh u ah taageero Milateri  iyo qorshayaal siyaasadeed oo dawladii xukunka laga tuuray ee qadaafi ah, iyadoo wararka qaar sheegayaan in isla todobaadkan hogaamiyayaashii qabaa’ilka  Tuareq oo degan saxaaraha xuduudaha  dalalkaa, isla markaana maamulkii Qadaafi kasoo horjeeday iyagoo doonayay inay gooni u go,aan ay hada is abaabulayaan, isla markaana ay suurta gal tahay inay taageero siiyaan sidii Qadaafi xukunka ugu soo noqon lahaa.
Dhinaca kale magaalooyinka dalka Libya ayaanay  weli  mucaaradku gacanta ku dhigin iyadoo magaalooyinka mihiimka ah ee Sirta Binu Waliid iyo dhawr magaalo oo kale qaarkood hareereeyeen, balse aan weli gacanta u gelin, kuwaas oo qaarkood dagaalo ka socdaan, isla markaana duleedka iyo meelo ka mid ah Tripoli ayaa iyagana weli  taageerayaasha Qadaafi u diideen mucaaradka inay salka dhigaan. Iyagoo mucaaradku ku doodaya inay dalka inta u hadhay gacanta ku wada dhigayaan maalmaha iyo saacadaha soo socda, balse ay u baahan yihiin taageero dhaqaalle iyo weli ay gacan siiso NATO.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *