Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Guddigii Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera Marwo Faadumo Siciid, ayaa ku dhawaaqday inay dacwad ka dhan ah Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Maareeyaha Dekedda Berbera u gudbisay Maxkamadda Gobolka Saaxil, kadib markii ay masuuliyiintaas ku eedaysay inay khasab xilkii jaamacadda kaga qaadeen guddigeedii.
Marwo Faadumo Siciid waxa ay ku eedeedaysay Badhasaabka Gobolka Saaxil inuu gebi ahaanba albaabada u laabay Jaamacadda Culuunta Berbera, sidoo kalena sheegtay in Maareeyaha Dekadda Berbera ka samaystay xaruntii jaamacadda meherado ganacsi isagu leeyahay, iyagoo weliba markii ay joojinta arrintaasi ka codsadeena loogu beddelay aflagaado aanay geyin, sidaa daraadeed, dacwad ka dhan ah masuuliyiintaas ka furteen Maxkamadda Gobolka Saaxil.
Marwo Faadumo Siciid oo shir-jaraa’id ku qabatay shalay xafiiskeeda magaalada Hargeysa, waxay ka warrantay qaabkii jaamacaddaasi ku aasaasantay oo ay sheegtay inay ahayd fikrad ka timi xubno muwaaddiniin aanay dawladdu shaqo ku lahayn.
“Jaamacadda Berbera hindiseheeda annaga oo dhawr qof ah ayaannu hindisnay, kadibna waxaannu u tagnay dawladdii hore ee UDUB oo aannu nidhi waxaannu hindisnay inaannu jaamacad culuunta badda lagu barto Berbera ka furno, idinkuna dawlad ahaan dhul iyo wixii kaleed nagu caawin kartaanba nagu caawisaan, markaa waxay yidhaahdeen annagu dhul ma hayno ee Wasaaradda Kalluumaysiga u taga iyagaa dhul hayee, waanannu u tagnay oo Ilaahay mahaddii dhulkii waannnu ku guulaysannay oo waa nala siiyey, kadib waxaannu bilawnay inaannu dhaqaale ururin ku samayno, waayo dhaqaale ku filan inaannu dalka gudihiisa ka helno way nagu adkaatay, dabadeedna aniga oo jeebkayga isticmaalaya ayaan tigidh goostay oo aan tagay Ingiriiska, Holland, Denmark, Norway iyo meelo badan oo kale. Waxa taariikhdaa dib iigu celiyey in la ogaado inaanay jaamacaddu ahayn mid dawladi shaqo ku leedahay ee la ogaado.
Waxa nasiib-darro ah marka qofka muwaaddinka ahi is yidhaa gobolkii uu u dhashay wax u tar in dadkii masuuliyiinta ahaa ee dawladdu gobolka u igmatay ay u arkaan wax ay iyagu faro-maroojisan karaan iyaga oo wax alla wax sharci ah oo ay u adeegsadeen jirin,” ayey tidhi Faadumo Siciid.
Waxa kaloo ay sheegtay inay ku guulaysatay dhaqaale si fiican ay ugu dhiseen dhismaha Jaamacadda Badda ee Berbera, isla markaana ay keentay qalab aan hore dalka loo keenin oo ardayda ka caawiya waxbarashadooda, kadibna maamulka jaamacadda ay gacana ku dhigeen dad muwaaddiniin isxilqaamay, isla markaana muddadii ay jirtay arday badani ka qallinjebisay, kuwa kalena waxbarashoodu socotay.
“Maalin ayuun bay dhallinyaradii jaamacadda wax ka baranaysay nala soo hadleen oo yidhaahdeen annaga oo fasalladii ku jirna oo wax dhiganayna ayaa askar naloo keenay ee maxay ku dhacday. Badhasaabka ayaannu la hadalnay oo aannu nidhi inaadeer jaamacaddu waa goob waxbarasho ee askarta ka qaad. Abaalkayagi wuxuu noqday in annagoon ogeyn uu Badhasaabku yidhaa guddigii horena waan ka qaaday guddi cusubna waan u magacaabay jaamacadda.”
“Arrintaas oo dacwaddeedu socoto ayuu haddana Badhasaabku keenay inuu meeshii xidho oo ardaydii imtixaamaadka geli lahaa halkaa kaga baaqday, kuwii waxbarashada sii watayna halkaa kaga joogsatay. Iminka sannad ayaa dib-u-dhac ku yimi ilaa afartii May oo uu Badhasaabku xidhay jaamacadda ilaa maanta oo bishii September lagu jiro Jaamacaddu way xidhan tahay,” ayey intaa raacisay.
Marwo Faadumo Siciid Yuusuf waxay ku eedaysay Maareeyaha Dekadda Berbera inuu meherado ganacsi ka dhex samaystay dhismaha jaamacaddaas oo xidhan, “Waxa ugu cajaayibsanayd oo ugu xumayd Maareeyaha Dekadda Berbera oo laba dukaan oo ganacsi ka dhex furtay oo uu isagu gaar u leeyahay, jaamacaddii oo xidhanna intuu cawjado la galay uu jabsaday oo iminka hantidii dhex taalay ay dhex daadsan tahay magaalada Berbera, oo aannu qalabkii qaar ka mid ah ku soo aragnay magaalada iyaga oo magacii Jaamacaddu ku qoran yahay oo qaarkood xafiisyo dawladeed ay wakhtigan dhex yaallaan, jiingaddiina laga dulqaatay dhismayaasha qaarkood oo aanaan garanayn sababta looga qaatay.”
Guddoomiyaha Guddigii Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera waxay ku dhawaaqaday inay dacwad ka dhan ah masuuliyiinta ka furteen Maxkamadda Gobolka Saaxil, “Waxa intaa dheer in aflagaaddo iyo waxyaabo aannaan geyiyin oo nalagu sheegay, markaa taasi waxay nagu kalliftay inaannu dacwad ka furanno Maxkamadda Gobolka Saaxil ee magaalada Berbera.
Dacwaddaa lafteeda haddana carqalad kale ayaa nalaga geliyey oo qolada Maxkamadda Gobolka Saaxil way diiday markii hore inay naga qabato dacwaddaas, haddana aakhirkii way naga qabteen toddobaadkan dhexdiisa. Annagoo aan ku kalsoonayn meeshaas, haddana waxaannu Ilaahay ka rejeynaynaa in arrintayada si sharci ah oo dastuurka waafaqsan oo caddaalad ah nala mariyo, haddii aannu halkaa ka aayo weynana waannu socon doono ilaa Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
“Ujeeddadayadu waxa weeye inaannu ogaanno iyadoo dastuurka Somaliland iyo shuruucda dalka u taal la adeegsanayo halka uu awoodda intaa le’eg ka keenay Maareeyaha Dekedda oo loo dirtay dekedda iyo hawleheeda inuu cawjad ula tago oo uu meherado gaar ah ka furto dhismaha jaamacadda iyo halka uu ka keenay Guddoomiyaha Gobolku awoodda uu ku xayiray, isla markaana kula wareegay jaamacad aan dhibaato ka taagnayn oo aanay dawladdu lahayn, dawladda Somaliland-na waxaannu ka codsanaynaa inay arrintaa si caddaalad ah u eegto,” ayey ahadalkeeda ku soo xidhay Marwo Faadumo Siciid.
Dhinaca kale; Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo shebekadda Berberanews wax ka weydiisay waxa uu ka ogyahay dacwad Guddidii hore ee kulliyadda culuumbta badda Berbera u gudbiyeen Maxkmadda Gobolka Saaxil iyo wuxuu ka yeelayo, waxa uu ku jawaabay; “Waan maqlay inuu arrinkaasi jiro, laakiin weli wax cad maan arag; dee haddii maxkamadda layga yeedhana waan tegayaa oo wixii la ii qabo waan ka jawaabi doonaa.”
Badhasaabka gobolka Saaxil Ramaax waxa uu difaacay go’aankii ay xilka kaga qaadeen guddidii hore ee jaamacadda, “Go’aanka aanu kula wargeenay jaamacaddu waa mid aannu dariiq sax ah u marnay, meeshuna [kulliyadda] waxay ahayd goob albaabada loo laabay oo aan wax shaqo ah ka socon, immikana waxaannu wadnaa dib-u-dhiskii oo ay iska kaashanayaan maamulka gobolka, dawladda hoose iyo Dekedda Berbera, waxana ku baxay lacag badan. Insha Allaah si dhakhso ahna waa loo furi rdoonaa,” ayuu Guddoomiye Ramaax.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *