-
Published On: Sat, Aug 7th, 2010

Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Oo Si Calaacal Ah Uga Dalbaday Madaxweynaha In Wasiirkiisa Maaliyadu Aqbalo Deynta Uu Ka Tegey

Smiley face
Share This
Tags

 images/stories/wasiirkii maaliyada ee hore cawi c.ducaale.jpg    Hargeysa(ANN) Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ku dooday in deynta uu ku wareejiyay wasiirka cusub ee maaliyada Eng. Maxamed Xaashi ee uu ku gacansaydhay oo xiligan dhalisay tuhun iyo dareen horleh ay tahay mid sharci ah oo lagu leeyahay qaranka. Deyntaa oo xadigeedu yahay 90 Bilyan oo Somaliland Shilling ah ayuu wasiirka cusub ee maaliyadu

wasiirkii hore ka diiday inuu kala wareego xilwareejintii Axadii todobaadkii hore, isagoo Eng. Xaashi sheegay inuu hubsan doono sifihii ay ku baxday islamarkaana uu guddi baadhitaan ku samaysa jiritaanka deyntaa  u saari doono.
Haseyeeshee Wasiirkii hore Cawil, ayaa waraysi gaara oo uu xalay siiyay Wargeyska Geeska Afrika kaga  waramay dayntaa, sifihii loo isticmaalay, xadigeeda iyo sida lagu xalin karo. Wuxuuna ku dooday  in dayntaasi tahay dayn uu qaranku galay oo laga amaahday Baanka dhexe ee Somaliland, waajibna ay tahay in xukuumadda cusubi bixiso, isagoo  Madaxweynaha cusub ugu baaqay inuu wasiirkiisa maaliyadda amar ku siiyo inuu dayntaas la wareego.
Waxaad ka warantaa Daynta aad Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyada ku wareejisay ee uu isaguna diiday.?
Dayntu waa dayn qaran, adduunka oo dhan dawladuhu dayn qaran ayay isku wareejiyaan oo dawlad walba dawlada kale dayn ayay ku wareejisaa, dawladahaa waawayn ee Maraykanka iyo Ingiriiska dawlad waliba dawladii ka dambaysay dayn ayay ku wareejisay, taa imika Ingiriiska ee xilkii wareejisay waxa ay ku wareejisay 38 bilyan oo doolar, dawladaha Afrikaan dawlad walba dawlada ka dambaysa dayn ayay ku wareejisaa, inaguna kuwaas ayaynu ka mid nahay, dawladanina marka ay xilka dhamaysatana haddii aan ILAAHAY faraj inoo furin dawlada ka dambaysa dayn ayuunbay ku wareejin doonaan, haddii aan ILAAHAY saliid ina siinin oo Ictiraafkii aan la helin oo aan Wasaradaha kab la inoo siin.
Dayntu waa dayn uu baanku ku leeyahay qaranka oo dawlada ayaa baanka ka amaahatay iyadda oo fulinaysa hawlaha qaranka oo aanad gacmaha k laaban Karin, kuwaas oo ay ka mid yihiin hawha gurmadku kow ka yihiin, oo ay ka mid tahay nabadgalyada ilaalinteeda oo ay ka mid tahay wufuuda dibadaha u baxaysa oo tiro badnaanaysa oo waliba iyadda oo inaga qadiyadeenu tahay ictiraaf raadin, waliba anaga oo mararka qaarkood koobi jirnay  waayo culayskoodii iyo kharashkoodii ayaanu xamali kari waynay, Madaxwaynuhu inuu mar walba baxo ayay ahayd awoodii ayaa noo diiday, waxa kale oo ka mid ah hawlaha ciidanka iyo dheeraadka ah ee qalabayntooda ah oo halbowle, waayo haddii aynaan xuduudeena sugin waxa ay noqonaysaa carqalad ku hortaala ciidan-baana sugi kara, hawlaha qarankana kow-bay ka yihiin.
Waxa kale oo jiray doorashooyinkii oo kharashkooda leh oo iska dhaaf tii dawladaha hoose iyo Madaxtooyada iyo tii Baarlamaanka iyo ta maanta intuba dayn ayay ahayd, oo doorashadii ugu dambaysay lacagta nagu soo beegantay waxay noqotay 3 milyan oo dhow-dhow, anaga oo ogsoon haddii aanay dalkeena doorasho ka dhicin inay dhibaato iyo burbur, ayay noqotay in dawladu fuliso, dawladi gacmaha ma laabato, dawladahaa oo dhami marka ay waayaan dakhli ay hawlaha ku qabtaan dayn ayay raadsadaan.
Sanadkii hore mar aan soo maray dawlada Kiiniya 270 oo Mliyan oo doolar ayay ka amaahatay baanka gaarka loo leeyahay, dawladi ma odhan karto lacag ma hayo oo hawshaa gali maayo, iyadda ayaa dawlad ah masuuliyadii ayaa saaran markaa waa inay fulisaa, “Nin tuur lihi sida uu u seexdo isaga ayaa yaqaan.”, dawlad waxa loo yahay inaad xal hesho oo aad raadisid inaad dayn raadisid inaad u dhabar adaygtid oo aanad odhan ma hayo.
Markaa waxaynu nahay dawladaa dhakhligeedu ku koobnay dhowr markab oo Berbera soo gala oo mararka qaarkood bad xidhan ku dhaco iyo qaadka Kalabaydh, cashuurihii bariguna aanay wali xoog yeelan, taasi waxay keentay hawlahii dawladeed ee kaamil ah, dawlada ciidan leh, oo laba golle leh oo shaqaale dawladeed leh iyo dhakhli kooban ayay noqotay, waxa aan mararka qaar is idhaahdaa ninka qudha ee sax sheegay waa Madaxweynaha, markuu ahaa  wasiirka Maaliyada ee uu yidhi Miisaaniyad lama samayn karo.
Xaqiiqdu waxa weeye waxaanu ku wadnay qalbi adayg iyo dawladnimada oo ay ka mid tahay in miisaaniyad la sameeyo, oo aan adduunku ina odhan miisaaniyad ma samaynayaan, laakiin xaqiiqada markaad eegto dakhliga ina soo galaana wax miisaaniyad dal lagu sameeyo maaha, markaa dayntaasi waa daynta dawladda iyo baanka isku leeyihiin. Baankuna dawladda wuu ka madax banaanyahay oo illaa wakhtigii Cigaal waa laga amaahanayay, markaa waa mid baanku dawladda ku leeyahay ee maaha mid Cawil qaatay, mid madaxweyne (Rayaale) lagu leeyahay maaha, waa dayn qaran oo baanku ku leeyahay dawladda oo marka duruufaha laga baxo haddii dawladani wakhti fiican ILLAAHAY siiyo ay bixin doonto, haddii kale waxay noqonaysaa daynta qaran ee halkaa taala ee iyaguna (Dawladda cusub) wakhtigooda dhamaystaan haddii aanay duruufuhu is bedelin ay ku wareejin doonaan dawladda kale.
Lacagta Daynta ah ee Baanku Dawladda ku leeyahay caddadkeedu waa imisa?
Anigu markaan la wareegay ilaa lixdameeyo bilyan.
Adiguna maxaad wareejinaysaa.?
Waxaan wareejinayaa 90 bilyan oo Somaliland shilin ah, marka laga soo bilaabo 2002-dii ilaa maanta waa 90 Bilyan waliba iyadda hawlihii soo bilaabmeen, waliba intaa way ka badan lahayd 90-kaa ee waxa na caawiyay dakhligii oo aan daadajiyey, cashuurihii barriga ayaan baayac-mushtarkii aan ka sii qadintay iyo macaashal-macaashkii aanu isku haysan jirnay.
Dawladii maxaa hadda baanka u yaal?
Waxay noqonaynaa baankii hantidiisii oo odhan ayaa la isticmaalay, oo lacagtii uu Marxuum Cigaal soo sameeyay ee baanku lahaa ayay dawladii uga baahatay oo ay ka amaahatay , meel kale oo aanu qabano ayaanu waynay, haddii baanan gaar jiri lahaayeen waanu ka leexan lahayn oo culayska waanu ka qaadi laahyn
Md Xuseen Cali ducaale, dadku waxay leeyihiin hantidii baanka ee aan wakhtigan oolin dawlada Siilaanyo dhaawac ayay ku keenaysaa.?
Wax alaale iyo wax ay ku keenaysaa ma jiro, waxayna u keenayn baanku waxa weeyaan meesha kaliya ee la tagi karo ee wax laga amaahan karo, hantidiisii ayaana laga amaahday ilaa Marxuum Cigaal wakhtigiisii, haddii uu bixin waayo waa inuu yidhaahdaa idiin ma hayo kayd aan dayntaa ku bixiyo, wuu odhan karaa, laakiin inta hayntiisu wax tahay daynta ay dawladu ula timaado halbowle uu dabaraa waayo waa baankii dhexe.
Ilaa hadda Madaxwaynaha cusub iyo kii hore ma ka wada hadleen dayntan.?
Haa , way ka wada hadleen oo waxa uu Madaxwaynuhu (Rayaale) uu u sheegay Madaxwaynaha cusub dayntii aad ogayd oo sii korodhay iyo maamulkii dawlada oo balaaadhay, ciidankii oo intii aad ku ogayd ka balaadhay oo waxa kuu hayaa ay tahay dayn la isku wareejinayo,  waanu ogyahay Madaxwaynaha cusubi.
Madaxwaynii hore Madaxwaynaha cusub isaguna ma dayn kale ayuu ku wareejiyay mise waa isku intan.?
Waa intan uun, ma jiro wax kale oo dayn ah oo Madaxwaynihii hore ku wareejiyay Madaxwaynaha cusub, waxa ay dadku  dadku leeyihiin dayn qaran maaha oo shakhsi baa leh, wayna jireen wasaaradaha qaarkood dayn yar lagu leeyahay oo baabuur iyo wax ay iibsadeen ah.
Ma filaysaa in Maxamed Xaashi ka dabaalan doono baaxaa-dega Miisaaniyadda iyo in xukuumada cusubi ay ciidamada boqolkiiba saddex boqol mushaharka u kordhiso, sida ay hore ugu balanqaadeen.
Waxaan anigu aaminsanahay inay ku adkaan doonto inay wax badan ka dabaashaan, mushaharkaa ciidamada ee la yidhi saddex boqol ayaanu kordhinaynaa waxay noqonaysaa wax aan dhiciba Karin oo maba dhici karto ayaan qabaa, waayo 2004-kii anaga oo aan shaqaalaha taaban ciidamada waxaanu u kordhinay 50,000 oo shilin, kordhiskaasi waxa uu noqday 8 bilyan [Sl.Sh], waa Malyuun iyo laba boqol oo kun oo doolar, waxaanuna qorshaysanay in aanu saddexdii sanadoodba aanu u kordhino ciidamada si aanu meel u soo gaadhsiino, 2007 waxaanu u kordhinay 50,000 shilin oo kale, waxay noqotay 8 Bilyan oo kale, 2010 ayay noqotay in aanu u kordhino dorashadii ayaa soo gashay awood ayaanu u waynay, markaa maba dhici karto in mushaharkaa la kordhiyo.
Maxaa xal ah mar haddii Maxamed Xaashina diiday, adiguna aad leedahay baanku dawladu ayuu ku leeyahay.?
Xalku waxa uu noqonayaa dee Madaxwaynaha ayaa la doortay, Madaxwaynaha ayaa loo doortay inuu wax kala hago oo uu xal keeno ayaa loo doortay, xalku waxa weeyaan Madaxwaynuhu Wasiirka Maaliyada ayuu ahaa waa nin dhaqaalaha yaqaana waanu og-yahay waxay daynta qaranku tahay, markaa waxa loo baahan yahay inuu Maxamaed xaashi ku yidhaahdo daynta qaranka Maxamedow la wareeg wasiirkii Maaliyadda ayaad tahaye. Waa inuu amarkaa siiyaa. Waa madaxweyne umadeed oo umadaa dooratay, waa dayn qaran, wax cid shakhsi ahi leedahayna maaha, waa dayn hawshii umadda lagu waday, dawladnimada lagu waday waana waxa aanu halkaa ku soo gaadhsiinay, nabadgelyadan maanta iyo dawladnimadaa taamka ah ee aanu ku wareejinay waa kharashkii lagu waday ee baanka laga amaahanayay, haddii ay fadhiid noqon lahayd oo aanaan halkaa soo gaadhsiin lahayn dawladnimo fiican lamay wareegeen.
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>