images/stories/ssss7.jpg    Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa golaha wakiilada u gudbiyay golihiisa wasiirada ee uu dhowaan magcaabay si ay u ansixiyaan. Sidaana waxa lagu  sheegay qoraal uu Madaxweynuhu ku socodsiiyay golaha wakiilada oo maanta laga akhriyay fadhigii golaha. Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro)  ayaa fadhigii maanta ku wargeliyay mudanayaasha

 inuu madaxweynuhu usoo gudbiyay golaha   Qoraal uu kaga dalbanayo in golaha wakiiladu waajibkooda dastuuriga ah ka qaataan xubnaha golaha wasiirada cusub iyo wasiir xigeenada uu dhowaan magcaabay. Sida uu dhigayo qodobka 94aad ee dastuurka faqradiisa 2aad oo ku waajibinay madaxweynaha inuu golaha wakiilada u gudbiyo wasiirada, wasiir xigeenada iyo masuuliyiinta Ha’yaha kale ee uu magcaabo.
Gudoomiyihu waxa uu sheegay in loo soo gudbiyay 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen oo la doonayo in goluhu ansixiyo oo ay waajibkooda ka gutaan. Sidaa awgeed shirgudoonku xubnaha wasiirada ka hor inta aan la ansixin ay gudiyada goluhu soo eegaan, iyadoo gudi walba masuuliyiinta wasaaradaha khuseeya ay soo eegi doonaan, si markaa ka dib goluhu u ansixiyo golaha wasiirada iyo wasiir xigeenada ee cusub.
Fadhiga golaha ee maanta oo ku qabsoomay Hoolka dhismaha wasaarada arrimaha gudaha ee Somaliland, waxa kaloo mudanaashu ku ansixiyeen xeerar golaha guurtidu dib ugu soo celiyay. Kadib markii ay kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyeen. Ansixinta Xeerarkaa iyo sida gudiyada golaha loogu asteeyay xubnaha wasiirada cusub kala soco goor dhow shebekada araweelonews.com insha Allaa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *