images/stories/garaadada iyo salaadiinta ka qayb galay shirka.jpg    Buuhoodle(ANN)Kooxo Madaxdhaqameedyo Salaadiin ah oo kasoo kala jeeda deegaamada Togdheer iyo Sool ayaa maalintii shalay kulan ku yeeshay duleedka deegaanka u dhexeeya Buuhoodle iyo widhwidh oo ay ciidamada Somaliland mudooyinkii u danbeeyay dagaal ku dhexmaray malayshiyo ka tirsan deegaanka oo halkaa lagu abaabulay.

Madaxdhaqameedka ayaa shalay lagu weeraray halkaa markii ay kooxda malayshiyada hubaysan ee la baxay SSC oo doonay inay kulankaa Odayaasha kala didiyaan, waxayna goobta kulanku ka socday arbusheen xili ay salaadiinta iyo waxgaradka ku sugnaa ahalkaa hawlohoodii dhamaysteen.
Kulanka labada dhinac ee salaadiinta ayaa ahaa sidii malayshiyadaa looga saari lahaa meesha, iyagoo malayshiyadu aanay taas raali ka ahayn, taas bedelkeedana ay weerareen si ay u kala eryaaan salaadiinta,  balse ay Odayaasha waxgaradka iyo salaadiinta deegaanka ayaa iska dhega tiray isku dayga kooxdaa oo uu hogaamiyo ninka lagu magcaabo Saleebaan xagla toosiye.
Waxayna salaadiinta deegaanka Sool iyo Buuhoodle balan qaadeen inay fulinayaan heshiiska nabadeed iyo go’aamada kasoo baxay kulanka dhex maray Beelaha Habarjeclo Burco iyo Beelaha Dhulbahante ee degaanka Buuhoodle, kaas oo lagaga wadahadlayey adkaynta nabadgelyada degaanka beelahaa ood-wadaagta ah.

 

 

Kulankaa labada dhinac ka dib waxay wadajir usoo saareen Baaq ka kooban shan qodob, kaas  oo ay ugu talagaleen saxaafada, isla markaana  ay  ku saxeexan yihiin  madax dhaqameedka beelahaa, Baaqaas  oo dhameystiranina  wuxuu u qornaa  sidan;-
1. Iyada oo la tixraacayo Baaqii uu soo saaray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Mudane Axmed Siilaanyo ee ku waajahnaa Nabadgalyadda, waxaanu la qaadanay Baaqa Nabadgalyada ee ku Wajahan gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle
2. Isimada, Cuqaasha, Culimadda iyo Waxgaradka reer Buuhoodle waxay balan qaadeen in ay sugayaan Nabadgalyada Deegaamada Buuhoodle.
3. Salaadiin, Cuqaasha, Culimada iyo Waxgaradka Beelaha Bariga Burco waxay iyaguna dhinacooda balan qaadeen in ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Deegaamada Widh-Widh iyo Bali hadhac lagu celiyo fadhiisamadoodii hore.
 4. Isimada, Cuqaasha, Culimada iyo Waxgaradka Deegaamadda Buuhoodle waxay mar labaad balan qaadeen in ay deegaamada Widh-Widh iyo Bali hadhac aanay fadhiisimo u noqon doonin ciidamo lidi ku ah Soomaaliland.
5. Waxay isla qaateen labada dhinac marka la sugo nabadgalyada in lagu isugu yimaado gogol nabadgalyo oo loo dhan yahay una dhaxaysa  Beelaha Dhul bahante iyo Dawladda Soomaaliland.
Heshiiska Waxa Saxeexay Madax-dhaqameed Iyo Guurti Ka Kala Socotay Labada Dhinac, kuwaas oo kala ahaa sidan;-

Dhinaca Beelaha Buuhoodle

1)      Garaad C/laahi Garaad Soofe
2)      Garaad Saleebaan Buraale Aadan
3)      Suldaan siciid Cismaan Cali
4)      Xaaji Maxamud Xaji Cumar
5)      Sh. Cumar Sh. Cismaan
6)      Caaqil Axmed Diiriye Jiinje
7)      Caaqil Cali Cabdi Cali(dhaga dalood)
8)      Caaqil  Abshir Kooreeye
9)      Caaqil  Axmed Saalax Maxamed
10)   Caaqil Jaamac Cabdi Maxamed
11)   Cali Daahir Cilmi
12)   Sh. Cumar Axmed Maxamed
13)   Yusuuf  Jaamac Halac
14)   Sh. Ibraahim C/raxmaan Cagarog
15)   Caaqil C/laahi Xasan Qanbi

Dhinaca nka Beelaha Habarjeclo

1)      Suldaan Maxamud Guuleed Mire
2)      Suldaa Maxamud X. Xuseen Nuur
3)      Caaqil Saleebaan Guray Gadhcade
4)      Sh. Yusuuf Cabdi Cawad
5)      Xasan Mataan C/Laahi Axmed
6)      Maxamud Axmed Xirsi

By. Arta Abyan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *