Malaysia (ANN)Alla haw naxariistee Gudoomiye xigeenkii hore ee xisbiga mucaaridka ee UCID Marxuum Aadan Mire Waqaf ayaa ku geeriyooday  maanta dalka Malaysia oo xaalad caafimaad loo geeyay si loogu soo daweeyo. Allah ha u naxariistee marxuumka  sida ay u  sheegeen

dad ehelkiisa ah Araweelonews, wuxuu mudooyinkii u danbeeyay u jiifay xanuun Kelyaha ah, taas oo keentay in dhakhtar debeda ah loo qaado, iyadoo uu marxuumku ku geeriyooday dalka Malaysia oo daaweyn loo geeyay.
Marxuum Aadan Mire waqaf oo xilal kala duwan kasoo qabtay dawladii Somalia iyo Somaliland, wuxuu ahaa siyaasi qunyar socod ah oo akhlaaqbadan iyo dhawrsanaan lagu majeerto, waxayna dad badani ku tilmaami jireen siyaasigii ugu akhlaaqda wanaagsanaa ee soo gala saaxada siyaasada Somaliland, isagoo marxuumku soo qabtay xilalka wasiir ku xigeen iyo wasiir xiligii xukuumaddii Daahir Rayaale. Marxuum   Aadan Mire Waqaf oo mudo dhawr sanandood ahaa wasiirka gaashaandhiga Somaliland, April 2007, ayaa laga qaaday xilka kadib markii uu hawlagal ciidamada Somaliland ku tageen xadka dhinaca bari ee duleedka Boosaaso, taas oo keentay khilaaf dhexmaray isaga iyo Madaxweynihii waqtigaa Daahir Rayaale Kaahin  oo xilka ka qaaday isagoo wasiirku waqtigaa ku sugnaa jiida hiore ee dagaalka, balse xilka qaadista loo mariyay idaacada BBC-da
Mudo kadib ayuu Marxuumku ku biiray axsaabta mucaaridka, isagoo Gudoomiye xigeen ka noqday xisbiga mucaaridka UCID, wuxuuna xilkaa  dhawrkii 2007 ilaa 2011, ahaa gudoomiye xigeenka UCID, balse markii khilaaf weyni badhtamihii 2011, soo kala dhexgalay xisbigaa iyo hogaankiisa, wuxuu hogaamiye u nqoday garab, iyadoo garabka kalena uu gudoomye Faysal cali Waraabe, taas oo keentay inay maxkamadda isla galaan labadaa garab, balse Maxkamadda sare u xukuntay garabkii faysal.
Hase yeeshee garabka uu hogaaminayay marxuum Aadaan Waqaf, ayaa ku dhawaaqay  Urur siyaasadeed cusub oo loo bixiyay Wadani Oct,5 2011, kaas oo uu  hogaaminayay Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro oo ay marxuumka saaxiibo ahaayeen. Laakiin marxuum Waqaf  ayaa  saxaafada u qaybiyay  6 Oct, 2011,qoraal  uu ku sheegayo inaanu ka mid ahayn kooxdii  ay UCID, kasoo wada baxeen Ururka ay ku dhawaaqayaan oo uu sheegay inuu si weyn uga biyo diiday.
Marxuum Waqaf wixii mudadaa ka danbeeyay laguma arag fagaarayaasha siyaasada, isagoo bilihii u danbeeyay xanuunsanayay.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum- Aadan Maxamed Mirre (Waqaf), waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, dhambaal tacsi ah waxa iyaguna u diray Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md, Muuse Biixi Cabdi iyo Ku simaha Guddoomiyaha xibsiga kala qeybsan ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin.   sidoo kale Mulkiilaha shirkadda ALNUUR Furniture Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Nuur  iyo dhamaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada Al-Nuur  waxay tacsi u dirayaan shacbiga Somaliland, qoyskii qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Aadan Mire Waqaf, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu naxariistii jano ka waraabiyo iyagana samir iyo Iimaan ka siiyo. Aaamiin Aaamiin Aaamiin
Shebekada Araweelonews, waxay tacsi u diraysaa shacbiga Somaliland, qoyskii qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Aadan Mire Waqaf, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu naxariistii jano ka waraabiyo iyagana samir iyo Iimaan ka siiyo. Aaamiin Aaamiin Aaamiin

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *