Hargeysa(ANN)Kulan aanay saxaafadu goob ka ahayn oo ay si gaara ugu kulmeen  qasiraga Qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne Siilaanyo, Hogaanka Kulmiye iyo Xildhibaanada Golaha Wakiiladda kaga jira Xisbigaa ayaa shalay si balaadhan loogu falanqeeyay kala daadsanaan ku timi xisbiga tan iyo markii uu doorashadii madaxtooyada 2010, ku guulaysatay.
Inkasta oo aan saxaafada loo ogolayn kulankaa, balse waxay xoggaha iyo tibaaxa kasoo baxay xubno mihiim ah oo ka qaybgalay u sheegeen shebekada Araweelonews in ujeeda kulanku ahayd sidii  ay istiraatiijiyad midaysan uga yeelan lahaayeen xiligan kala guurka ee tartanka doorashooyinka, isla markaana dib uhabayn iyo qorshe midaysan loola iman lahaa.
Hase yeeshee kulankaa oo ay ka qaybgaleen xildhibaanada inta baddan kasoo baxay xisbiga Kulmiye ee golaha wakiilada iyo hogaanka xisbiga ayaa isu bedelay  garnaqsi . kadib markii ay xildhibaanada golaha wakiilada oo hadalka qaatay qudbad Madaxweyne Siilaanyo  iyo hogaanka xisbigu ka jeediyeen halkaa kadib, waxayna si weyn u dhaliileen xildhibaanadu xukuumadda oo ay sheegeen inay ka xidhiidh furatay, isla markaana waxay cabashooyinkooda xildhibaanadu ku muujiyeen sida aanay xukuumadda iyo iyagu isaga warqabin iyo sida aanay deegaanadii laga soo doortay ee ay uga ololaynayeen xukuumadda xiligii kaanbaynka doorashada Madaxtooyada ugu laaban karin, iyagoo qaarkood ku dooday xildhibaanada inaanay ka jawaabi karin su’aalaha ay dadku weydiiyaan, waxayna dhaliilaha dusha u saareen Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku tilmaameen inuu meesha ka saaray xisbinimadii . kadib markii uu dhismaha xukuumadiisa ka sameeyay dad aan shaqo kul lahayn xisbiga Kulmiye  iyo kuwo xisbigii UDUB ahaa. Sidoo kalena aan wax laga qaban balanqaadyo la galay doorashadii madaxtooyada.
Waxayna Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen sidii arrimahaasi wax looga qaban lahaa ee loo soo celin lahaa taageeradii. Laakiin sida ay xaggahaasi sheegayaan  Wasiirka Madaxtooyadda  Xirsi Xaaji Cali ayaa   ku gacansaydhay cabshooyinka dhinaca waxqabadka   ee xldhibaanadu soo jeediyeeni,  wuxuuna  kulanka ka akhriyay guulo ku waajahan  waxqabadka Xukuumada,  isagoo ku dooday inaan mar marsiinyo laga dhigin inaanay xukuumaddu waxba qaban.

markaa ka dib ayaa madasha doodo iyo sawaxan ka bilaabmay, taas oo keentay in Xildhibaan Axmed  Weyne oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda KUlmiye inuu ka xanaaqay Difaacii ay Xukuumaddu ka gashay dhaliilaha jira ee ay fooda u galin kari la’ yihiin bulshada,  waxaanu inta uu isla kacay miiskii ku dhiftay Caagadii biyaha ahayd ee uu sitay dabadeedna uu iskaga soo baxay Madaxtooyada, isagoo si cadho ah u yidhi, “ marhadaan lays dhegaysanayn waan iskaga tegayaa meesha.” Arrintaa oo ay ka xumaadeen xildhibaanada madasha fadhiyay oo Madaxweynu dhaliishooda iyo cabashadooda ka gaarabay.
Guddoomiye ku-xigeenka golaha Wakiiladda Sh.  C/casiis Samaale ayaa sida xogahaasi sheegayaan  xaal ka bixiyay xildhibaanka fadhiga ka baxay  isla markaana uu dejiyay jawagii madasha. Doodaha qaar ayaa sida ay xoggahaasi sheegeen waxa lagu soo qaaday tuhuno la xidhiidha inay xildhibaanada qaarkood ku biireen Ururada cusub ee siyaasada, balse waxa madasha laga sheegay inaan arrintaa wax cadayn ah loo hayan oo aanu jirin xildhibaan kuwii Kulmiye oo weli si cad u sheegay inuu ku biiray Urur kale oo cusub.

gebagebadii kulankaa ayaa sida ay xogahaasi sheegayaan , waxa uu Madaxweyne Siilaanyo  ka garaabay waxyaabo baddan oo uu balanqaaday inay xukuumad ahaan wax ka qabanayaan, isla markaana waxa loo balamay in dib laysugu soo noqdo, iyadoo Hogaanka Kulmiye iyo  dabcan Xildhibaanada ay xukuumaddu u  sheegtay inay soo sameeyaan qorshe iyo iyo istiraatiijiyad midaysan oo ku waajahan arrimahaa iyo sidii loo waajihi lahaa wacyiga siyaasadeed ee cusub.

Dhinaca kale doodaha kulankaa ayaa kusoo beegmay xili ay dalka ka socdaan kaanbayno siyaasadeed oo dib usoo nooleeyay beelaysigii iyo xulufaysigii. Kadib markii ay xukuumadda Siilaanyo fasaxday tartanka ururada siyaasada, isla markaana ay dalka iska diiwaangeliyeen 15 Urur siyaasadeed oo cusub, iyadoo waqtigan khilaafyo waaweyn iyo burbur soo waajahay labadii xisbi  qaran ee mucaaradka oo hore u jiray, kuwaas oo ay adagtahay inay saaxada siyaasada kusoo laabtaan marka la gaadho doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo tartanka ururada siyaasada ee April 2012.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *