-
Published On: Sun, Jan 8th, 2012

Shirka Taleex Oo Maraya Meel Xaasaasiya, Garaadada Ka Hadlay Madasha Oo Buuq Ka Abuurmay, Dhaleecayn Loo Jeediyay Kooxda Hogaaminay Shirka Iyo Mawqifyada siyaasadeed Ee Madasha

Smiley face
Share This
Tags

khaatumoTaleex(ANN) Shirka ka socda magaalada Taleex ee ka tirsan gobolka Sool ayaa maraya meel xaasaasi ah, iyadoo shirkaa oo markii hore ahaa mid dhaqan oo bulshada deegaanka Sool iyo Buuhoodle ku xaliyaan khilaafaadka iyo kala qaybsananta dib u dhac ku keentay labaantankii

 

sanandood ee u danbeeyay looga bedelay shir siyaasadeed oo aan ilaa hada si cad loo ogayn waxa kasoo baxaya.
Shirkaa oo maraya maalintii sadexaad, waxa mayalka u haya koox aqoonayahano ah oo lagu magcaabo G6, (Gudida lixda ah), waxaana kooxdaa ka mid ah Prof. Cali Khlaiif Galaydh oo ah aqoonayahan dawladii Carta ee C/qaasim Salaad kasoo qabtay xilka Raysal wasaare iyo Dr. Cali Ciise, kuwaas oo canbaaray iyo dhaleecayn ku waajahan siyaasadooda iyo mabaadiida ay aamisan yihiin loo jeedinayo.

Garaad Abshir Saalax iyo Boqor Cabdilaahi Cali Axmed oo ka mid ah madaxdhaqameedka deegaankaa  ayaa si badheedh ah iyagu mawqifkooda ugu sheegay inay lagama maarmaan tahay  sidii loo xorayn lahaa Laascaanood oo ay sheegeen inuu haysto cadaw, balse madaxdhaqameedka weedhahaa dhiilada xanbaarsan ka jeediyay madasha ayaan inta loo riyaaqin hadalkooda oo loo arkay mid aan looga baahnayn madasha.
Sidoo kale Saleebaan xaglatoosiye oo ahaa hogaamiyihii kooxdii hubaysnayd ee SSC, balse hada isu bedeshay Urur siyaasadeed oo ka qaybgelaya tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka. Laakiin isaga xilkaa gudoomiyenimo laga qaaday ka hor intii aanay nabada qaadan SSC, ayaa madasha shirka Taleex ka sheegay inaan loo baahnayn in laga war wareego ujedada shirka loo qabtay, isagoo si kulul u weeraray kooxda G6 ee shirka hogaaminay, kuwaas  oo ku tilmaamay inay la mid yihiin Maanafeestadii 1991- kii dawladii burburtay ee Maxamed  Siyaad Bare afka dhulka ugu dhifatay. Sidaa awgeed wuxuu ku hanjabay inaanay aqbalayn haddii ay kooxda shirka hogaaminay danahooda ku salayso go’aamada.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee bulshada deegaanka Sool iyo Buuhoodle  ayaa hadal dheer ka jeediyay shirkaa isagoo  ku baanay in dhaqaale iyo rag-ba buuxo, sidaa daraadeedna aanay u dul-qaadaneyn duli uu sheegay inay hore ugu soo samreen, balse ay hada doonayaan  inay samaystaan wax u gaar ah.
Garaad Jaamac waxa uu dadka  shirka fadhiya u sheegay in aanay dhaxan tireyn dab uu xusay inay shiteen dad kale, loona baahan yahay in la sameeyo wax u gaar ah oo ka wanaagsan, isagoo  yidhi,
“Haddii aad doonaysaan inaad ka baxdaan dhibaatada lagu jiro ee dayaca faraha badan keenay, oo waliba mararka qaarkood haddii awoodaadu dhiman tahay ama rag yaraani ku hayso ama dhaqaale la’aani ku hayso waad ku qanci kareysaa oo waxaad odhanaysaa maanta maalintaadii maahee maalintaada sug, laakiin maalinta aad buuxdo duliga qaadashadiisu aad-buu u liitaa” ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali waxaanu intaa ku daray in dhibaatada uu sheegay inay haysato bulshada  deegaankaa ay  keeneen dad tallo gaar ah leh, isagoo yidhi,  “Waxaas oo dhan waxa keenay rag tallo leh ayaynu wax ka sugaynay oo aynu marti u ahayn, inaga oo intaa iyo in ka badanba samaysanayna”

Garaadkan Jaamaca oo hadal sarbeeb ah ku iftiiminaya yagyeelida maamul sheekadiisu hore u soo baxday wuxuu yidhi,  “Maanta shirkan waxaanu ka sugaynaa tallo buuxda oo dhamaystiran oo aan cidna lagu raali-galinayn inta leh mooyaane, sidii aad u dhisan lahaydeen sida ragga kale guryahooda u dhistay, saraakiil iyo siyaasiyiinba waad leedihiin, reero kale dab ay shiteen ku dhaxan tiri maayo, mid aynu shidanay oo ka iftiin weyn ayaynu rabnaa inaynu samaysano oo aynu halkan (Taleex) ka yagleelo” ayuu yidhi Garaad Jaamac.
Si kasbata ha haatee waxa jira guux siyaasadeed oo bilawgii shirka iyo ka hor intii qaban qaabadiisu socotayba soo baxayay, kaas oo sheegayay inay ergooyinka shirka ka qaybgelayaa qaarkood wataan siyaasado ka dhan ah qaranimada Somaliland, isla markaana wax u dhimaya xasiloonida gobolka, waxayna xukuumadda Somaliland ooh ore u sheegtay inay shirkaa oo mid dhaqan ah ogoshahay in geyigeeda lagu qabto sheegtay digiin ku waajahan shirkaa inaanay ogolaanayn haddii ay kasoo baxaan waxyaabo wax u dhimaya qaranimada Somaliland. laakiin waxa muuqata inaanay marnaba go.aanada kasoo baxa shirkaasi noqonayn kuwo wax weyn ka bedela kala qaybsanaantii siyaasadeed ee bulshada deegaamadaa haystay labaatankii sanadoo ee u danbeeyay, isla markaana waxa aan muuqan nooca ay go,aamadaasi niqonayaan, iyadoo ay mawaaqifta iyo afkaarta siyaasadeed ee dul hoganay madashu tahay mid weji baddan oo mararka qaar shirka sawaxan iyo buuq ka abuuraysa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>