Hargeysa (ANN) Wasiirkii hore ee Duulista Hawada, hadana ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cali Maxamed Warancadde, ayaa daboolka ka qaaday in maamulka  sare ee dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya ay ku hawlan yihiin

 

sidii ay dagaal uga dhex ridi lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland.
Cali Maxamed Warancadde oo saxaafadda maanta  ugu waramay magaalada Hargeysa, waxa uu tilmaamay in dawladda Sheekh Shariif abaabulayso dagaalo ka dhan ah Somaliland, isagoo ku baaqay in aan lagu mashquulin wadahadalo aanay wax natiijo ahi ka soo bixi karin, balse xoogga la saaro sidii loo dhisi lahaa, loona casriyeyn lahaa awooda ciidammada qalabka sida si ay Somaliland uga difaacaan weerar kasta oo cadawgu ku soo qaado.
“Waxa aan filayaa in guddida Somaliland dirtay aanay halkaas (dalka Ingiriiska) wax natiijo ah kala soo noqon karin,  haddaan Ilaahay mucjiso kale ku soo rogin,  sidaa awgeed anigu waxaan qabaa dalkeena Somaliland iyo Koonfur ( Soomaaliya) mar baa isugu keen hadhay in dagaal dhaco, sababtoo ah  dagaalo  hore ayaynu soo wada galnay mar labaadkaasu waa dagaal dambe oo ay runtii soo abaabulayaan xukunka   maanta jiraa ( DKMG) . Halka laga eegayo in aynu wada hadal wax ku dhamaysano, markaa anigu ummada reer Somaliland iyo xukuumada waxa aan u soo jeedinayaa  in aynu  dhisano  ciidamadeena qalabka sida si aynu u difaacno Somaliland , isla markaana aduunyada Luuqayada kaliya ee ay fahmi karaysaa waxa weeye waa ta xooga, waxa oo aan dhalinyarada reer Somaliland u soo jeedinayaa  ee  jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka baxaya  dhamaantood in ay galaan  hawshii la odhan jiray  tababarka  si aynu dalkeena u difaacno oo walaalaheena  ina hungureeya ee Soomaaliya  u tusno  in aynu nahay  dad aan dib loo sakalin,” ayuu yidhi  Cali Waran-cade.
Sidoo kalena wuxuu Warancadde, sheegay   in dagaal dhexmara labada wadan ee Somaliland iyo Soomaaliya uu  suurtagal yahay, maadaama  oo xukuumada  Madaxweyne Shariif aanay diyaar u ahayn  in ay aqoonsato dawlad ka madaxbannaan  maamulkiisa oo ka jirta dhulweynihii hore ee Soomaaliya.
Waxa uu ku eedeeyay xukuumada Soomaaliya  in ay wado daan-daansi dagaal, iyada oo ka soo horjeeda in   ismarinwaaga u dhexeeya labada geesood lagu  soo afjaro waan-waan iyo wada hadalo, waxaana uu  shacabka iyo xukuumada talada haysa ee Somaliland ugu baaqay in  la dhiso ciidamo xoog leh oo dalka ka difaaca weerarada ka iman kara dhanka Koonfurta oo meesha lagaga saarayo jiritaanka Somaliland. Isaga oo sida oo kale ka dayriyay natiijada wada hadalada beesha caalamku ku baaqday ee dhawaan ka furmaya Magaalada London.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *