Hargeysa(ANN)Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa manta magacaabay xilal masuuliyiin isugu jira Agaasimeyaal, isla markaana xilkii ka qaaday Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka Mashaariicda ee WFP. Sidoo kalena waxa uu magacaabay

 

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Sanaag. Madaxweyne Siilaanyo,
waxa masuuliyiinta uu magcaabay kala yihiin  Agaasimaha Arrimaha Dibeda, Agaasimaha Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Diinta iyo AW Qaafta iyo Agaasimaha Warfaafinta.
Sidoo kale waxa uu xilkii ka qaaday Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka mashaariicda WFP,  isagoo u magacaabay masuul kale. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha C/llaahi Daahir Cukuse  oo u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1158/062012, ku magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha kala ah:-
Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta.
Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu magacaabay, Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, halka Maareeyihii Hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, Mudane, Axmed Xasan Nuur uu xilkii ka qaaday Madaxweynuhu.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu Tixgeliyey:   Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.
Markuu Arkay:          In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP JSL.
Markuu La Tashaday:           Madaxda ay khusayso.
Markuu Ku Qancay:  In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihin jagooyinkan;
Wuxuu go’aansaday
In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha  Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Wacyigelinta iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP.

NO    MAGAC-YADA   MASUULIYIINTA CUSUB    WASAARADDA   LOO MAGACAABAY     XILKA LOO   MAGACAABAY
1    Faysal Cali   Sheekh    Wasaaradda   Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah    Agaasime   Guud
2    Axmed Cumar   Faahiye    Wasaaradda   Arrimaha Gudaha    Agaasime   Guud
3    Cabdirashiid   Cabdilaahi Maxamed    Wasaaradda   Diinta iyo Awqaafta    Agaasime   Guud
4    Saleebaan   Jaamac Diiriye    Wasaaradda   Maaliyadda     Agaasime   Guud
5    Cabdirashiid   Jibriil Yoonis    Warfaafinta   iyo Wacyigelinta    Agaasime   Guud
6    Mudane,   Maxamed Daahir Axmed    Hay’adda   Xidhiidhinta Raashinka ee WFP    Maareeye

Ujeedo: Xilka Qaadis:-
Mudane,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP (Food Coordination Agency).
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Daahir Axmed, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Dhinaca kalena, Madaxweynaha Somaliland waxa uu soo saaray Digreeto kale oo uu ku magacaabay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Sanaag
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1159/062012, ku magacaabay Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee JSL.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:                      Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:                      Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay:   Ahmiyadda uu Gudoomiye ku xigeenka Gobolku uu u leeyahay dhismaha Qaranka.
Markuu Aqoonsaday:           In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag;
Markuu La Tashaday:           Madaxda ay arrintani khusayso;
Markuu ku Qancay:  In uu buuxin karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Ismaaciil Cabdi Xasan Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee JSL.” ayaa lagu yidhi qoraalka xafiiska afhayeenka madaxweynaha kasoo baxay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *