Hargeysa (ANN) Wasiirkii hore ee Duulista Hawada, hadana ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cali Maxamed Warancadde, ayaa daboolka ka qaaday in maamulka sare ee dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya ay ku hawlan yihiin
sidii ay dagaal uga dhex ridi lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland.
Cali Maxamed Warancadde oo saxaafadda maanta ugu waramay magaalada Hargeysa, waxa uu tilmaamay in dawladda Sheekh Shariif abaabulayso dagaalo ka dhan ah Somaliland, isagoo ku baaqay in aan lagu mashquulin wadahadalo aanay wax natiijo ahi ka soo bixi karin, balse xoogga la saaro sidii loo dhisi lahaa, loona casriyeyn lahaa awooda ciidammada qalabka sida si ay Somaliland uga difaacaan weerar kasta oo cadawgu ku soo qaado.
“Waxa aan filayaa in guddida Somaliland dirtay aanay halkaas (dalka Ingiriiska) wax natiijo ah kala soo noqon karin, haddaan Ilaahay mucjiso kale ku soo rogin, sidaa awgeed anigu waxaan qabaa dalkeena Somaliland iyo Koonfur ( Soomaaliya) mar baa isugu keen hadhay in dagaal dhaco, sababtoo ah dagaalo hore ayaynu soo wada galnay mar labaadkaasu waa dagaal dambe oo ay runtii soo abaabulayaan xukunka maanta jiraa ( DKMG) . Halka laga eegayo in aynu wada hadal wax ku dhamaysano, markaa anigu ummada reer Somaliland iyo xukuumada waxa aan u soo jeedinayaa in aynu dhisano ciidamadeena qalabka sida si aynu u difaacno Somaliland , isla markaana aduunyada Luuqayada kaliya ee ay fahmi karaysaa waxa weeye waa ta xooga, waxa oo aan dhalinyarada reer Somaliland u soo jeedinayaa ee jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka baxaya dhamaantood in ay galaan hawshii la odhan jiray tababarka si aynu dalkeena u difaacno oo walaalaheena ina hungureeya ee Soomaaliya u tusno in aynu nahay dad aan dib loo sakalin,” ayuu yidhi Cali Waran-cade.
Sidoo kalena wuxuu Warancadde, sheegay in dagaal dhexmara labada wadan ee Somaliland iyo Soomaaliya uu suurtagal yahay, maadaama oo xukuumada Madaxweyne Shariif aanay diyaar u ahayn in ay aqoonsato dawlad ka madaxbannaan maamulkiisa oo ka jirta dhulweynihii hore ee Soomaaliya.
Waxa uu ku eedeeyay xukuumada Soomaaliya in ay wado daan-daansi dagaal, iyada oo ka soo horjeeda in ismarinwaaga u dhexeeya labada geesood lagu soo afjaro waan-waan iyo wada hadalo, waxaana uu shacabka iyo xukuumada talada haysa ee Somaliland ugu baaqay in la dhiso ciidamo xoog leh oo dalka ka difaaca weerarada ka iman kara dhanka Koonfurta oo meesha lagaga saarayo jiritaanka Somaliland. Isaga oo sida oo kale ka dayriyay natiijada wada hadalada beesha caalamku ku baaqday ee dhawaan ka furmaya Magaalada London.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com