Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha siyaasadda xisbiga mucaaridka ee UDUB Cali Maxamed Waran-cadde ayaa dhaleeceeyay socdaalka wakiilka qaramada midiibay ee socdaalka ku yimi

 

Somaliland, isla markaana  ka dayriyay khilaafka xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay inay ka dhigan yihiin kuwo Afka ku haya Qorato oo kale oo haday liqaana u darantahay, haday tufaana u darantahay.  Sidoo kalena waxa uu khatar kusoo waajahan Somaliland ku tilmaamay xeerka golaha guurtida hor yaal ee furashada Ururada siyaasada.
Cali waran cadde waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay  ku qabtay magaalada Hargeysa.
“Anigu waxaan u arkaa UCID niman aan is wadi karayn oo aad u kala fog, markaa garabkii loo daayaaba waxay noqonaysaa nin qoratadaa liqay, laakiin waxaan ku waaaninayaa in ay isu tanaasulaan,”ayuu yidhi Mr. Waran-cadde.
Guddoomiyaha siyaasada UDUB waxa kale oo uu ka hadlay xeerka ururada siyaasada ee horyaala golaha guurtida, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Anagu markii horeba xisbi ahaan waanu ka soo horjeednay furida xisbiyada, haddii la is waydiiyo xagee ayuu ka yimid nidaamkan xisbiyadu, inaguna nidaam hore ayaynu dhiganay oo saddex xisbi ah, aduunka waxaa jira xisbiyo boqolaal sano jira inaguna waxaynu dhexdeena dhiganay wixii dhexdeena ka xumaada waa wax kale oo waa in la hagaajiyaa xaaraan ma aha. laakiin waxaynu dhiganay xisbiyo gaamura oo adkaada oo qarankan xambaara oo waaya arag ah oo boqolaal sanno jira in aynu samaysano, tii waynu ka guurnay maanta haddii aynu shacbiga Somaliland nahay.”
Mr. Cali Waran-cade waxa uu yidhi,  “Afti baa la inaga qaaday waxaa la inoo soo gooyay in aynu ka guurno nidaamkii noocaa ahaa, oo nidaam geedi ah oo shantii sano ama tobankii saanaba mar la baabiiyo wixii aynu samaynay, anaga qoladayadan UDUB,  raggii waday berigii horena waanu ku xidh-xidhnay maalintii dhawaydna waanu ka baxnay oo waxaanu ku nidhi habkaasi dalkan khatar ayuu u soo jiidayaa oo wixii ka yimaada intiinan ku shuraakawday ayaa ka masuul ah, oo shacabku u daba gelayaa.waxan filayaa qoladan KULMIYE ee berigii dhawayd lahayd waxbaanu saxeexnayna iyagana wuxuu odaygu ka saxeexay dhakhtarka waxay ahayd xumadii doorashada, Waxaan leeyahay raggii waxan dalka u horseeday durba buste ayay huwadeene ha hor kacaan dadka oo haka baxaan xukunka ay maanta ku jiraan”.
Guddoomiyaha siyaasada UDUB  Cali Waran-cade oo ahaa wasiirkii hore ee Duulista Hawada Somaliland xukuumaddii madaxweyne Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadoo 26 Jun 2010,    waxa kale oo uu naqdiyay socdaalka uu Somaliland ku yimi Wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaaliya Augustine Mahiga, oo uu ku eedeeyay inuu ku hawlan yahay sidii uu u midayn lahaa dalkii hore la iskugu odhan jiray Soomaaliya una mijo xaabin lahaa qaranimada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *