Hargeysa(ANN) Mudanyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta dood ka yeeshay xeerka furista ururada siyaasada oo todobaadkan golaha la horkeenay ka dib markii aqalka wakiiladdu ansixiyeen xeerkaa dhowaan, isagoo aan ku gudbin aqlabiyad buuran.  Xeerka oo nuxur

 

ahaan dalbaya
in dib loo furo Ururada Siyaasada ayaa dhawr sanadood ka hor sidan oo kale golihii wakiilada ee xilagaasi u gudbiyeen golaha guurtida, kaas oo ay gebi ahaanba laaleen 5/4/2005. Kadib markii ay doodiisa ka qayb qaateen xiligaa 40 mudane, isla markaana 61 mudane oo xildhibaanada golaha guurtidu sidaa ku laaleen, iyadoo ku dooday inaanu waafaqsanayn dastuurka dalka. sidoo kalena aanay jirin baahi loo qabo in wax ka bedel iyo kaabis nuxurkeedu yahay in dib loo furo Urarada siyaasada.
Hase yeeshee dooda xeerkaa oo mar kale la horkeenay aqalka Odayaasha xeer L/r 14, ayaa u muuqatay mid ka duwan tii ay xildhibaanadu ku doodayeen dhawr sannadood ka hor. Fadhigaa maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, waxa dooda ka qayb qaatay  dhawr mudane oo aragti kala duwan ka bixiyay xeerkaa.
Xil. Siciid C/laahi Yasir oo ka hadlay fadhigan waxa uu yidhi “Anigu waxaan aaminsan nahay in ururadu ansaxmaan, dadkuna ku tartamaan, waxaan soo jeedinayaa guddida diwaangelinta ururada siyaasadda in madaxweynuhu soo magacaabo 5 xubnood, laba kalena ay soo magacaabaan goleyaasha sharci dajintu, si loo qaybsado awoodii iyo isu dheelitirnaanshihii lacagtii laga qaaday ururada barigii hore la diwaangaliyay waxay ahayd 5 milyan, ta maantuna waa 150 milyan markaa waxaan leeyahay xisbiyada maanta jirana halaga qaado lacagtaas.”
Mudane Aadan Shire Faarax, waxa uu yidhi “Xeerkan maanta ina horyaalla waa kii lagu aasaasayay ururada, marka lagu tartamayo golayaasha degaanka ayaa  u ah saldhig xeerkan inagaa gacanta ku hayna sharciyada dalka u taalana inagaa ansixinay sharcigan, hadaynu dib u celino waxay khalifaysaa in aynu muddo kordhin dambe dib u qaadano sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa in aanu xeerkani inagu habsaamin.”
Mudane Caydiid Cabdi Xaydh oo ka mid ah mudaneyaashii fadhigan doodooda ka soo jeediyay ayaa ku baaqay in Goluhu ansixiyo meel marintiisa waxaanu ydihi “Marka hore waxaan leeyahay xeerkan dawladu ma wadato ee waxa wata dadka doonaya in ay tartamaan. Anigu waxaan leeyahay madaama oo baahi loo qabo waxaan soo jeedinayaa madaama oo guurti ahaan laynagu eedeeyo in aynu doorashooyinka dib u ridno ayuu sidaa ku ansixino.”
Sh. Cumar Axmed Furre ayaa isna ku dooday in xeerkan loo baahan yahay in Golaha Guurtidu sii dayso maadaama oo ay soo ansixiyeen golaha wakiilada madaxweyniuhuna raali ka yahay
Axmed Nuur Aw Cali “Anigu waxaan leeyahay haddii uu madaxweynuhu soo magacaabo toddobada xubnood ee guddida waxba kuma jabna.
Xagga lacagta waxaan leeyahay intani aad bay u yar tahay ee waa in la kordhiyaa oo la gaadhsiiyaa 200 oo milyan ama inteedaa loo daayaa,” Axmed Nuur Aw Cali oo isna ka hadlay xeerkan.
Xil. Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka hadlay ayaa sheegay in xeerkani u danaynayo oo qudha dadka hanka siyaasadeed leh ee ururada siyaasada danaynaya
“Distoorkeenu wuxuu leeyahay waxaynu qaadanay nidaamka dawladu Maraykanka, waxaan leeyahay in aynu 10 kii sanaba mar waalano oo ururada la furaa halkan kuma cadda in saddexda xisbi ee soo baxaa ay noqonayaan kuwo rasmiga ah. Waxaan leeyahay xeerkani waxa uu u danaynayaa dadka wax haysta ee uma danaynayo masuuliyiinta aan dhaqaalaha buuran haysan ee aqoonyahanada ah,”ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.
Muxumed Sh. C/raxmaan Muxumed, ayaa sheegay in loo baahan yahay in xisbiyada la koriyo waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay waxa la doonayaa in xisbiyada la koriyo maadaama oo ay baahiyi timi, xeerkana kuma cada qaan gaadhkii xisbinimo waa xilligee? Waxaad moodaa in dib loogu noqonayo 2000 markaa waxa loo baahan yahay in la dhaqan galiyo nidaamkii axsaabtu ku bislaan lahaayeen la sameeyo.”
Md. Muxumed Aw Axmed ayaa isaguna ku dooday “Waxaan anigu leeyahay asxaabtu badni dhibaatada ay la imanayaan ninkii caqli lihiba wuu garanayaa, markaa waxaan raacsanahay in loo saaro guddi soo habaysa.”
Faadumo Jaamac Ileeye, ayaa ka biyo diiday lacagta diiwaan gelinta ururada siyaasada oo ay sheegtay inaan la awoodi Karin iyadoo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Xeerkan markii aan eegay waxaan u arkay in uu cid qudha u danaynayo, cidaas oo ah saddexdii xisbi ee hore dalka ugu jiray, lacagtan u dhiganta 25 kun ee dollar muwaadin ka doonayo in uu saaxada siyaasadda soo galo uma cuntamayso, waxaad halkaa ka arkaysaa inay tahay waxna aan qalano, midiyahana aan qarino, runtii lacagtan aad bay u badan tahay, waxaanan anigu u arkaa in culays badan la saaray ururadii cusbaa ee soo bixi lahaa.Waxaan leeyahay xeerkan uma wada danaynayo ururada.”
Doodan ayaa bari maalintii loo balansanyahay ayaa la filayaa inay goluhu u saaraan gudi soo naaqishta xeerkaa, balse waxa jirta aragti mudanayaasha qaarkood ku doodayaan in la sii wado dooda xeerka, taas oo goluhu maalinta beri ka gaadhayo go’aan in gudi loo saaro iyo in dooda xeerka lasii wado oo ugu danbaynta cod loo qaado gebagebada doodaa xeerka furashada ururada siyaasada, kaas oo bulshadu si weyn ugu kala qaybsantahay, isla markaana golaha wakiilada ka  gudbay isagoo aan xeerkaasi haysan aqlabiyad buuran. Kadib markii dhawr iyo ,labaatan mudane ogolaadeen ansixintiisa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *