Hargeysa(ANN)“Adeegyo  Daabacad Cusub Oo aanu soo kordhinay ayaa jira, waxay ahayd shirkadayadu tii ugu horaysay ee laga furo Somaliland, hadafkayaguna  waxa weeye inaanu noqono shirkadda ugu weyn daabacaada casriga ah ee Geeska Afrika.”  Sidaa waxa yidhi

 

Cabdi Yuusuf Aar Maamulaha Xarunta guud ee shirkadda Sagal Jet oo ku caanbaxday  daabacada xayaysiisyada iyo adeegyada kala duwan ee casriga  oo aanu ku booqanay xafiiskiisa magaalada Hargeysa.
Mr. Cabdi Yuusuf Aar  oo warbixin kooban ka bixiyay adeegyada ay qabtaan, bilawgii hawshooda  iyo hadafkooda mustaqbalka ayaa  sheegay in xiligii ay shirkadoodu ka bilaabeen adeegan Somaliland sanadkii 2007, aanay bulshadu si fiican u fahamsanayn ahmiyada daabacaada casriga ah, balse ay xiliyadaa si ay dadka u baraan boodhadh bilaaash ah daabici jireen. Laakiin wixii mudadaa ka danbeeyay ay dadku si fiican ula qabsadeen oo ay hada marka laga yimaado xaruntooda guud ee Hargeysa, qayb xafiis kale oo weyn ku leeyihiin magaalada Burco, isla markaana ay   magaalooyinka  kale u joogaan wakiilo usoo gudbiya waxyaabaha ay dadku doonayaan in loo daabaco, kuwaas oo halkooda loogu geeyo.

Download SAGAL2.JPG (38.1 KB)

Maamulaha Sagal Jet, waxa uu sheegay in adeegayada ay qabtaan hada kusoo kordhiyeen qaybta daabacaada Buugaagta (Books Publication) oo ay ka mid yihiin Novels –ka, Tex Book iyo noocyada kale ee bugaagta oo ay   si fiican uga faa’idaysteen bulshada Somaliland, isla markaana looga yimaado guud ahaan adeegooda meelo ka baxsan Somaliland sida Kilika Shanaad ee Ethiopia iyo gobolada dhexe ee Somalia.

Download SAGAL1.JPG (42.1 KB)

Qorshahan  cusub ayuu sheegay inay si weyn uga faa’idaysteen Ardayda Jaamacadaha, Dugsiyada caadiga ah, Hay’addaha ka hawlgala dalka  iyo bulshada kaleba, sla markaana ay Ardayda u sameeyaan qiimo dhimis macquul ah, iyagoo mararka qaarna u sameeya Ardayda booshadh iyo daabacaado aan lacag laga qaadin.

Download SAGAL3.JPG (36.5 KB)

Cabdi Yuusuf Aar, waxa uu ku dooday in adeegoodu  xataa dhinaca bilicda dalka iyo muuqaalka wax baddan kusoo kordhiyay, isagoo tusaale usoo qaatay  boodhadh baddan,  halku dhegyo Stickers  iyo  T-shirts  ay sameeyeen  xiligii xuska dabaaldega sanad guuradii 20aad ee qaranimada Somaliland, taas oo waxyaabihii ay sameeyeen  ka mid ahaayeen muuqaaladii quruxda badnaa ee loo gudbiyay aduunka. Sidoo kale waxa uu xusay inay adeegyada noocan ah shirkadoodu si muta dawacnimo ah ugaga qayb qaadato waxyaabaha danta guud, balse aanay ujeedadoodu ahayn oo keliya inay lacag uun raadiyaan, isagoo yidhi, “sida ka muuqata halku dhegayaga oo ah, “Daabacaada xayaysiiska  cabir kasta, cadad kasta iyo cayn kasta, hadafkayaguna waa inaanu noqono shirkadda daabacaada casriga ah ee Geeska Afrika.”

 

Mar uu ka hadlayay sida ay dadku hada ula qabsadeen adeegyada daabacaadaha kala duwan ee ay sameeyaan, waxa uu sheegay inay mararka qaar u yimaadaan dad doonaya dukaan yar oo xaafad ku yaal in boodh daabacaadan casiraga ah loogu sameeyo iyo qof Digsi  Caano ku iibinaya oo doonaya in loo sameeyo wax tilmaamaya nooca ganacsigiisa. Sidaa awgeed waxa uu xusay inay ganacsiga dabaqada hoose u sameeyaan qiima dhimis macquul ah, taas oo sida uu sheegay ku dhiiri gelinay inay dadka dabaqada ganacsiga noocaa ahi kusoo dhiiradaan inay wax ka daabacdaan.

 

“way jiraan goobo kale oo wax daabacaa. Laakiin kuwaana waanu soo dhowaynayaa oo suuqa ayay nala camireen, waxaana naga dhexeeya tartan. Laakiin anagu maadaama aanu nahay shirkadii u horaysay adeegayaga waxaan qabaa inay bulshadu aamintay oo ay hada si fiican ula qabsadeen.” Ayuu yidhi  Maamulaha Sagal Jet.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *