Hargeysa(ANN)Cali Maxamed Warancade oo ahaa Wasiirkii wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka Cirka Somaliland ee xukuumaddii Daahir Rayaale, ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda Milateri ku xukuntay shalay koox hubaysan oo soo weeraray Xero ciidanka Qaranka

Somaliland ku leeyihiin koonfur Bari magaalada Hargeysa ay ahayd arrin dhul oo wadahadal lagu dhamayn doono.
Cali Waran-cade  maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Huteelka Safaari ee magaaladda Hargeysa, waxa uu sheegay inuu wax baddan ka oggaa dhacdadaa, balse sharaxaad kama bixin sida uu wax uga ogaa. Laakiin wuxuu sheegay inuu dadka xaafadaa oo qaarkood go’aanka maxkamadda ciidanka ee xukuntay kooxdaa kadib muujiyeen dareen cadho ah loo baahanyahay inay is dejiyaan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  ydihi,  “Waxaan halkan uga dirayaa dhammaan qoysaskii dadkii ku geeriyooday shaqaaqaddii dhex martay Ciidamadda qalabka sida iyo haddii ay tahay dhalinyaradii dableyda ahayd, arrintaas oo runtii aan ahayn mid loo baahnaa in dhibaato aynaan filayn inay dhacdo. laakiin arrin qadarka ILAAHAY ku dhacday. Arrintaasi iyo dhacdooyinka kale ee la mid ah waxaynu filaynay in dadku kasoo gudbay oo dadku wada bisil yahay. Hase yeeshee mar-walba dhibaatooyin way dhacayaan. “
Cali Waran-cade, wuxuu sheegay inuu ugu baaqayo xukuumadda inaanay wada tashigii dalku halkaa kusoo gaadhay  aanay arrintaasi waxba ka bedelin, isagoo yidhi,  “Haddii aynu nahay ummadda reer Somaliland. Waxaan soo jeedinayaa in wax walba cqli lagu dhameeyo. Dhacdadan anigu xog-ogaal badan baan ka ahay waxaanan filayaa in halkaasi ay gaadhay ay tallo xumo keentay. Laakiin aanay ahayn arrin halkaasi gaadhi karta.”
Wuxuuna intaa ku daray inay iska eegaan oo ay ka feejignaadaan dad uu ku sheegay cadawga Somaliland oo si khaldan uga faa’idaysanaya arrintaa, isla markaana warar xun xun ka bixinaya oo shaqsiyaad la xidhiidhinaya dhacdaa,
“Waxa la isku hayay wuxuu ahaa dhul, dhulkana waxaan qabaa in si sahal ah lagu dhamayn doono haddii , Waxaan qabaa in go’aan fiican laga gaadhi karo marka ay ka wada hadlaan dawladda iyo xaafada  ay kasoo jeedaan dhalinyaradda dableyda ahayd si aanay dhib dambe u dhalanin,”ayuu yidhi Warancadde.
Wasiirkii hore ee Duulista Hawada, waxa uu waxba kama jiraan ka dhigay warar suuqa lasoo geliyay oo markii dhacdadaasi dhacday dhegaha dadka kusoo duulayay, kuwaas oo sheegayay in ganacsada Dahabshiil laga iibiyay dhulkaa, balse Cali Waran-cade oo jawaab ka bixinaya arrintaa, wuxuu yidhi,  “Waxaan jecelahay inaan bayaamiyo arrinta la leeyahay Dahabshiil ayaa dhul laga iibiyay,  waxa la yidhi si xun wax u sheeg sixir ka darran, Dahabshiil waa nin oday ah oo muxtarim ah oo baayac-mushatar ah. Waa nin xoolo leh ma qabo inuu yahay nin u baahan maanta dhul. Arrintaasi wax allaale iyo wax ka jiraa ma jiro waa shaki dadka la gelinayay.”
Dhinaca kale dhacdadaa ayaa saamayn ku yeelatay xalay ilaa maanta qaybo ka mid ah dadka xaaafada News Hargeysa. Kadib markii ay soo saartay Maxkamadda ciidanku go’aankeeda, waxaana soo baxay kooxo dhalinyaro ah oo doonayay inay wadadaa dhigaan Taayiro, isla markaana sameeyaan mudaharaad, balse waxa kala kexeeyay ciidanka Booliska iyo Odayaasha xaafada oo sheegay inaan loo baahnayn rabashado iyo fad qalalo la doonayo in wax lagu yeelo amaanka qaranka iyo nabadgelyada guud ee caasamida.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *