Hargeysa(ANN) Dadweynaha Magaalada Hargeysa, ayaa subaxnimadii Talaadadii 15 May 2012, ku waaaberiistay dhawaaq iyo dhiilo colaadeed oo naxdin iyo argagax ku beertay qaar baddan oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Caasimada. Kadib markii dhegehoodu maqleen dhawaaqa rasaasta

 

hubka kala duwan  oo aanay mudo dheer maqal.
Dhawaaqa rasaasta iyo hubka dayaankiisa oo bilaabmay wax yar ka dib salaadii subax may jirin cid sheegi karaysay, ama sharaxaad ka bixin karsay meesha uu yahay iyo ujeedada ka danbaysa, balse barqadii markii ay dadka badankiisu soo keceen waxa soo baxday wararka isgaadhsiinta laysugu gudbinayo oo ku asteeyay goobta sanqadhu ka dhacayso inay tahay Xero ciidan oo ku taala dhinaca Koonfur Bari ee magaalada, mana ay jirin cid sharaxaad intaa ka baddan ka bixin karaysay.
Waxa jiray su’aalo baddan oo dhacdadaa bulshadu iska weydiinayso, markii ay wararka hordhaca ah ee dadka ku sugan goobta wax ka dheceen soo gudbiyeen in koox Hubaysani soo weearartay xero ciidan oo ku taal halkaa, taas oo lagu magcaabo wersheda kabista. Laakiin Koox suxufiyiin ah oo goobta ku dhowaaday si ay xaqiiqda usoo taabtaan waxa gacanta ku dhigay Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo  uu hogaaminayay Arrimaha Gudaha Somaliland Duur, waxaana Suxufiyiintaa laga qaaday qalabkii ay siteen, iyadoo qaarkood weli xidhan yihiin sida Tafaftirihii Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad iyo weriye ka tirsan wargeyskaa.
Hase yeeshee Dhawr saacadood ka dib waxa istaagtay rasaastii, waxa arrintaa ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland maxamed Nuur Carraale Duur, wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo ay hareera joogaan labada taliye ee Ciidanka Qaranka Milateriga iyo Booliska, waxayna sheegeen in masiibada dhacday ahayd koox hibaysan oo soo weeraray saaka subaxnimadii hore xerada Ciidanka, kuwaas oo 28 ka mid ah gacanta lagu dhigay iyaga iyo hubkii ay siteen. Sidoo kale waxay masuuliyiintaasi sheegeen in  sadex askari oo ka tirsan ciidanka qaranku ku dhinteen goobtaa, isla markaana ay afar qof oo shicib ahi ku nafwaayeen, iyadoo ay tiro kale oo dad shicib ah dhaawcyo kasoo gaadheen markii ay haleeshay rasaasta habawga ahi.
Wasiirka Gaashaandhiga Caddami, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya oo sawir ka bixinaya yidhi,  “Waxa dhacay runtii shil fool xun oo nasiib darro ah, oo lama filaan ah,waxaanu ka dhacay xeradda madaafiicda goobta la yidhaahdo ayuu xagga dooxa ka xigaa warshadii kabka. Goobtaasi waxa xili waabarigii ah ku soo waabariistay dad shicib ah oo hubaysan. Dabadeedna waxay soo weerareen ciidankii milatariga ahaa meesha joogay,”

sidoo kale  Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur, oo isaguna ka  hadlay yidhi, “Dad Badan-baa la qabqabtay oo 28 ayaa la qabtay dadkii dagaalamayey ah oo 9 dhaawac yihiin, Waxa la hayaa hub, waxayna siteen dhammaan hubka bani-aadam qaadi karo wixii aan gaadhi saarnayn ayay wateen, kamay fikirin ciidamada qaranka ee halkaasi degganaa, kuwo meelaha kala deggan iyo culayska dawladnimadu leedahay oo caadifad-baa abaabushay”.
Marka laga yimaado dhawaaqyada wasiirada iyo jawaabaha ay ka bixiyeen dhacdadaa oo aan ahayn mid ku filan shacbiga,  waxa soo baxay inay Bulshadu su’aalo iska weydiiso sababta ay xukuumadda hay’addeheeda amniga iyo kuwa sirdoonku  u ogaan waayeen abaabulka intaa leeg iyo hubka  baaxadaa lahaa intii halkaa lagu ururinayay, maadaama ay goobta weerarku ka dhacay tahay xero ciidan oo kuwa ku dhintay ee lasoo weeraray yihiin ciidankii qaranka ee u taagnaa difaaca dalka oo weliba ku sugan Caasimadii . sidoo kale waxay is weydiinayaan waa maxay sababta ku dhalisay qof muwaadin ah inuu ciidankiisa sida cadawga u weeraro.  Sidoo kale waxay bulshadu is weydiinay oo aanay weli jawaab u helin sida ay suurtagal u noqotay ee aanay xukuumadda iyo masuuliyiinteedu waxba kala scon dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka ka socday caasimada ee khatarta geliyay amaanka guud iyo qaranimada Somaliland. 
Si kastaba ha ahaatee Su’aalahaa iyo qaar baddan oo kale ayaa noqday kuwo aanay bulshadu weli jawaab u hayn, isla markaana waxa muuqata inay gebi ahaanba hay’addaha amaanka iyo sirdoonka aan ka warhayn waxa ka socda caasimada Somaliland aanay ahayn kuwo laysku halayn karo oo aan waxba ka ogayn waxa ka soconaya gobolada fog-fog iyo magaalooyinka kale ee dalka. sidaa awgeed waxa la gudboon Madaxweyne Siilaanyo inuu dib u eego baaxada iyo miisaanka ay leedahay dhacdadaasi iyo sida ay u qaawisay ee daaha uga fayday fadhiidhka hay’addaha amniga sida wasaaradda arrimaha gudaha oo waajibkeedu yahay ilaalinta amaanka gudaha dalka iyo sirdoonka oo ay waajib tahay gudo iyo debedba ka  war helaan abaabul kasta oo waxyeeli kara, ama lagu waxyeelaynayo qaranimada iyo xasiloonida dalka, balse waxay  bulshadu eegaysaa jawaabta uu arrintaa ka bixiyo Madaxweyne Siilaanyo iyo  go’aanka  uu ka qaato dhacdadaa xusuusta iyo murugada ku reebtay shacabka Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *