Hargeysa(ANN) Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland  ee SOLJA , ayaa maanta  shaaca ka qaaday  inay joojiyeen wadahadalo la doonayay in xabsiga lagaga sii daayo laba weriye oo  maalintii doraad la xidhay,ka dib markii ay sawiro ka qaadeen masuuliyiin  ku sugnaa  meel u dhaw

 

xero ciidan oo ay Talaaladii  soo weerareen koox hubaysan oo doonayay inay qabsadaan, iyadoo suxufiyiinta oo goobta tegey doonayeen inay    wax ka ogaadaan dhacadadaa.
Guddoomiyaha ururka SOLJA  Xasan Maxamed Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraalle ( Duur) inuu si sharci daro ah ku haysto labada weriye oo kala ah  Maxamed Cabdi Curad tifaftiraha wargeyska madaxbanaan ee Yool iyo Khadar Hayaan oo ah suxufi ka hawlagala wargeyskaas,isaga oo ka caga jiidaya in uu wasiirku diiday   sii daynta suxufiyiintaas,maadaama oo aanay jirin dacwado  lagu soo oogay oo loo gubiyay hay’addaha sharciga.
“Anigu  wasiirka mar dambe arrintaa  kala hadali mayno, ha  haysto labada weriye,   laba Telefoon ayaanu ka garaacnay naguuma qaban xafiiskaanu ugu tagnay , waxaad moodaa in wasiirka arrimaha guduhu  si gaar saxaafada ugu buuxo waxa ay ahayd in uu na dhageysto, Gudoomiyaha  ama laba daqiiqo   nala hadlo” ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA.
Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa mudadii ay xukunka haysay waxay suxufiyiinta Somaliland ku eedeeyaan inay si gaara u bidhaansanay, isla markaana  ay  xabsiga  dhigtay  sannadkan  2012  in ka badan 54 ,kuwaas oo marar kala duwan iyo meelo kala duwan lagu xidhay, isla markaana lasii daayay mudo ka dib markii ay xidhnaayeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *