Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Xukuumaddii Daahir Rayaale, Cali Maxamed Warancade, ayaa ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay ka jawaabto warbixino khaldan oo uu sheegay inuu Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif ku faafiyay

 

caalamka, isagoo si khaldan uga faa’idaysanaya wadahadaladii Somaliland iyo Somalia.
Cali Warancade, waxa uu sheegay in Sheekh Shariif dunida ku faafiyay inay wadahalada uu la yeeshay Somaliland yihiin kuwo soo dhoweeyay, wuxuu ugu yeedhay midnimo mar kale dhexmarta Somaliland iyo Somalia, taas oo uu sheegay inay rumaysteen qaar baddan oo ka mid ah beesha caalamka. Sidaa awgeed loo baahanyahay inay xukuumadda Somaliland ka hadasho arrintaa.
Warancade, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu saxaafada ugu talo galay, kaas oo uu ku xusay meelaha Sheekh shariif la xidhiidhay ee qoraalada u kala diray, wuxuuna ku bilaabay  Cali warancade qoraalkiisa sdan:-  “Sheekh Shariif  wuxuu si cad ugu faafiyey dunida in wadahadaladii dhexmaray Somaliland iyo Somaliya Nuxurkoodu yahay in dib loo mideeyo labada Dal, arrintan oo ka horimaneysa warkii aynu ka helay Madaxdii inooga qayb gashay shirarkii ina dhex maray inaga iyo Somaliya oo isna nuxurkiisu ahaa sidii loo noqon lahaa laba dal oo kala madax-banaan.
Arintan oo khatar ku ah geedi socodkii Somaliland ku raadineysay Ictiraafka muddo ka badan labaatan sanno, waxay keeni kartaa in caalamku rumeysto warka uu fidinayo Sheekh Shariif oo loo qaato in aynu dib isugu dhiibayno koonfur iyo hoygii halaagu hore inooga soo maray, sidaana ay mugdi ku gasho Himiladii ummada reer Somaliland raadineysay.
Waxa cadaan ah inuu waraaqo u kala diray Caalamka uu ugu sheegayo in uu ku guulaystay in uu ku qanciyo reer Somaliland in mar labaad uu Somaliland ku soo celiyo midnimadii, isaga oo dhinaca kalana ugu faa-iideysanaya Olalihiisa siyaasadeed ee uu halganka ugu jiro in mar labaad uu ku soo noqdo Kursiga Madaxtinimada Somaliya, isagoo olalihiisa gundhig uga dhigaya mar haddii uu ku guulaystay in Somaliland ku soo celinayo xerada Midnimada, inuu xaq u leeyahay inuu mar labaad kursiga ku soo noqdo si uu arrintaasi u dhamays tiro.
waxa u dambeeyey waraaqaha uu caalamka u diray, mid dhawaan u diray Gudoomiyaha Jaamacadda Carabta oo uu uga waramayo guusha uu ka gaadhay wadahadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaliya, kuna qanciyey in guushii Midnamada Somaliya iyo Somaliland ay irrida taagan tahay, taasi oo keentay in Gudoomiyaha Jaamacadda Carabtu si lama filaan ah uu ugu dhawaaqo inuu ka degi doono Muqdisha dhawaan, si uu u soo hambalyeeyo Guusha uu Sheekh Shariif uu ka soo hooyey wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaliya, oo sida aan filayo u muuqata wabixin been abuur ah oo Sheekh Shariif ka faafinayo wada hadaladii dhex maray labada dal .
Anigoo filaya diidmadii iyo shakigii uu ku muujiyey Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland war saxaafadeedkiisi u dambeeyey ee uu ku cadeeyey inay hakad galinayaan wada hadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya, in uu salka ku hayo warbixinaha khatarta ah ee Sheekh Shariif dunidda ku faafinayo,
Waxaan jeclahay in aan u soo jeediyo Dowladda Somaliland in ay caalamka iyo ummadda reer Somalilandba u muujiso in Sheekh Shariif ka been abuurayo wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaliya, si aanu shaki u kala dhex gelin Somaliland iyo bulshada Caalamka, isla markaana aan ummadda reer Somaliland iyo Dowladda aanu shaki u kala dhex dhigin hadalkiisu.” Ayuu yidhi Cali warancade.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *