Hargeysa(ANN)Odayaasha dhaqanka Soomaalida eek u shirayay Muqdisho, ayaa ansixiyay dastuurka muranka badani ka taagnaa ee loo samaynayo Soomaaliya. Kadib markii ay fadhiyeen muddo toddobaad ah.

Dastuurka cusub ayaa waxa uu ku saleysan yahay nidaamka federalka ah, waxaana ku jira qodobo muran iyo xiisad ka abuuray madasha, balse aan dheg loo dhigin, wuxuuna Dastuurka cusub oo ay dabada ka riixiyeen wadamo shisheeye  uu xaq u siinayaa haweenka Soomaaliyeed inay qeyb 30%,  ku yeeshaan baarlamaanka, waxaana madasha fadhiyay 645 ka mid ah ergadaa madasha fadhiday, iyadoo 621 oggolaatay, 13 waa diideen in sidaa lagu meel mariyo dastuurkaa, halka 11 ergay ay  ka aamustay.


Dhinaca kale laba qarax ayaa  ka dhacay xarunta shirku ka dhacayo. Ka hor intii aan la ansixin Dastuurkaa, Waxaa inta la ogyahay ku dhintay mid ka mid ah  Booliiska ah iyo labadii qof ee doonayay inay is qarxiyaan, waxaana ku dhaawacmay hal qof oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in labada qarax ay ka dhaceen meel aan sidaa uga fogeyn afaafka hore ee laga galo xarunta Iskool Bulusiyo ee magaalada Muqdisho,  halkaasoo ay ku xiligaa doonayeen  Ergadu inay ansaxiyaan Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Lama oga inta uu leegyahay khasaaraha  ka dhashay qaraxyadaa, hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  oo soo gaadhay ciidamada gaadhka ka ahaa xarunta uu shirku ka socdo. Waxaana jira warar  sheegaya ilaa 4askari in ay ku dhinteen goobtaa, balse ay ku guulaysteen inaan labada qof ee doonayay inay qaraxyadaa sameeyaan galaan gudaha hoolka ee ay ku sugnaayeen ergadu.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *