Hargeysa(ANN)Hanti-dhawr guud ee qaranka Somaliland , ayaa maanta xabsiga u taxaabay sarkaal ka tirsan wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland oo ahaa

agaasimaha lacagta iyo xisbaadka ee Telefishanka Qaranka  Xasan Maxamuud Maxamed, kaas oo lala xidhiidhiyay musuq-maasuq.

Hanta-dhawrka qaranka, ayaa talaabadaa qaaday kadib markii ay  shalay galeen wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta, taas oo ay ka bilaabeen baadhitaan rasmi ah oo ku waajahan qaybaha ay ka kooban tahay wasaaraddu.
Ma jiro war ku saabsanan arrintaa oo la xidhiidha sababta hanta-dhawrka u galay wasaaraddaa, balse Ilo-wareedyo laga helay qaar ka mid hawlwadeenada wasaaradda, ayaa sheegay in baadhitaanku la xidhiidho kadib markii ay soo baxeen  tuhuno Xisaabaad oo lays  dhaaf dhaafiyay, kuwaas  oo uu daba socdo xafiiska Hanti-dhawrka Qaranku.
Dhinaca kale baadhitaankaa ayaa bilaabmay. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegay in Kharashka ay wasaaradaasi ka hesho Dawladda Dhexe iyo waaxaha kale ee dakhligu kasoo galo ee  kala duwan oo ay ka mid yihiin Barnaamijyada iyo xayaysiisyada  ka baxa  Idaacadda,  Telefishanka iyo qaybta wargeyska dawladu ee ay  baahiyaan aanay marin qaab xisaabeedka dawladda ee wasaaradda maaliyada,  kuwaas oo dakhli xoog ahi ka soo galo. Laakiin aan la ogayn qaabka loo maamulo dakhligaa, balse baadhitaanada hanta-dhawrka guud ayaa mudooyinkan danbe u muuqda mid aan wax natiijo ahi kasoo bixin oo ku dhamaada natiijo la’aan, taas oo lala xidhiidhiyo inaan marka horeba goobaha iyo hay’addaha ay ku bartilmaameedsadaan ay yihiin kuwo aanay ka madhnayn ujeedooyin siyaasadeed.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *