Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Duulista iyo Hawada, ahna Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda Xisbiga UDUB Mr. Cali Maxamed Warancadde, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga digay in deeqda u ururinayso gurmadka macaluusha haleeshay shacabka Soomaaliya ay ugu dhuumato

 

arrimo siyaasadeed sida shirarka loo qabanaayo Soomaaliya.
Md. Cali Waran-cadde oo shalay qaar ka mid ah warbaahinta u warramay waxa uu si adag uga digay in masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland ay Soomaaliya u qaadaan kaalmada loo ururiyey dadka abaaraha ku tabaaloobay, isagoo soo jeediyey in qaadhaanka reer Soomaaliya loo geynayo loo qaybiyo masaakiinta muwaaddiniinta ah.
“Deeqaha loo ururinayo dalka Soomaaliya culimada ayaa hore xagga diinta uga hadlay, laakiin anigu haddaan dhinaca siyaasadda wax ka iftiimiyo, waxaad ogaydeen oo baryahanba la innagu riixaayey in Somaliland shirka Soomaaliya loo qabanayo ka qaybgasho oo Qaramada Midoobayna dhawr jeer innagu soo noqnoqdeen, isagoo ay ugu dambaysay ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo uu markii horena dalka yimi Mahiga, markii dambena ku-xigeenkiisu yimi, iyagoo sidaan maqlay madaxweynaha u soo jeediyey inay shirkaas ka qaybgalaan, haseyeeshee uu madaxweynuhu ku gacan-saydhay.
Waxa iminka muuqata oo la isla dhexmarayaa lacagta loo ururiyey inay qayb ka tahay shirkaas ka dhacaya Somaaliya ee loo qaybanayo kooxaha kala duwan sidii ay Somaliland uga qaybgali lahayd, isla markaana madaxda Somaliland ugu dhuumato ka qaybgalkiisa, dabadeedna shirkaasi noqdo albaab laga galo Soomaaliweyn.
Waxaan u soo jeedinayaa dawladda waa arrin halis ku ah qarannimada Somaliland. Waxa kaloo aan u sheegayaa inay doonayaan xubno wasiirrada ka mid ah inay lacagtaas qadaan oo Xamar geeyaan. rrintaasi waxay innagu keeni kartaa khatar farabadan waxaanay xaqiijinaysaa hadal-hayntii bulshada oo in lagu dhuumanayo deeqdaas, waxaanay noqonaysaa mid ay ku lumayso kalsoonidii shacabku ku soo doorteen xukuumadda.
Waxaan soo jeedinayaa xukuumadda in laga waantoobo oo aan wasiirro loo dhiibin, balse loo dhiibo dadka culimada ah iyo dadka kale ee caanka ah ee aan siyaasadda ku jirin oo huwan qarankii Somaliland magaciisa.
Anigu lacagta la leeyahay waa loo geynayaa Xamar waxaan soo jeedin lahaa, mar hadday Somaliland masaakiin fara badan joogto waar aynu u kala qaybino yaanay ina cawryine, labada masaakiinna waa isku mid ee lixda boqol ee kun dollar ($600,000) ee loo ururiyey saddex boqol kun oo ka mid ah aynu siinno masaakiinteenna,” ayuu yidhi Cali Maxamed Warancadde.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *