Somalia(ANN)Xaalada  Macaluusha baahsan iyo abaraaha ka jira Somalia ayaa la sheegay inay sii fidayaan, isla markaana Qaramada Midoobay ayaa soo saartay qaylo dhaan cusub oo ku wajahan xaalada macaluusha iyo abaarta gobolada Somalia. Mark Bowden oo ah xidhiidhiyaha Qaramada midoobay

 

ee gargaarka bini aadanimo ee Somalia iyo Grainne Moloney oo maanta shir jaraa;id wada jir ugu qabtay Nairobi ayaa sheegay inay xaalada macaluushu kasii darayso oo ay hada gaadhay gobolkii lixaad oo ah Bay, kaas oo macaluushu kusii fiday sidaa awgeed loo baahanayahay gargaar 2.5 bilyan oo dollar si abaaraha iyo macluusha wax looga qabto.

Mr. Mark Bowden waxa uu sheegay in tan iyo intii abaarta iyo macaluusha Somalia la iclaamiyayay ay soo gaadhay 350 milyan oo dollar, taas oo   44milyan  oo ka mid ahi ahaayeen lacag kaash loo bixiyay inta kalena raashin ahaan loo bixiyay. Laakiin aanay xaalada waxba weli iska bedelin.
Laakiin Ugaas Isaaq Ibraahin Xasan oo ku sugan Baydhabo, isla markaana ka mid ah madaxdhaqameedka  Gobolka Bay  ayaa si weyn u dhaleeceeyay wararka iyo warbixinaha laga sheegayo macaluusha halkaa ka jirata, isagoo sheegay in warbaahinta iyo Hay’ayaddaha gargaarka kuwa sheegtaa ay hagardaamo ku hayaan dadka deegaanka  gobolka Bay oo uu sheegay inay ka jirto macaluusha ugu baddan ee Koonfurta Somalia.

 

 

 

 

 

wuxuuna wax laga murugoodo ku tilmaamay sida loo maraja habaabinayo warxibixinaha  macaluusha, isagoo sheegay inay ilaa labaatan xero ku yaalaan deegaankaa. “Nimanka isku sheegaya samafal ama Islaami ha noqdeen, ama kuwa kale ha noqdeene, haddii bini aadanimo jirto in loo soo gurmado dadka gobolkan.” Ayuu yidhi Ugaasku.


Wuxuuna xusay inay amaanka deegaanadaa sugeen Xarakada Al-shabaab oo ka talisa halkaa, isla markaana aanay  jirin sabab loogu marmariiyoodo inaanay amaan ahayn halkaasi oo cid kasta oo gargaar wada si nabad ah loo gaadhsiinayo dadkii loogu talo galay, balse aan wax gargaar ah oo buurani soo gaadhin halkaa ilaa hada.
Qeybta Qaramada Midoobay u qaabilsan nafaqada iyo Amniga cuntada ayaa maanta sheegtay in gobolka Bay nafaqo-darada sareysa iyo heerka dhimashadu ay dhaafeeen heerkii lagu cabiri jiray macluusha
Warbixinta ayaa sheegtay in qoysaska saboolka ah ee gobolka degani ay la kulmayaan cunto-yari baahsan, taas oo ka dhalatay wax soosaarkii beeraha oo hoos u dhacay iyo awoodii wax-iibsi oo yaraatay.
Q.M. ayaa sheegtay in 4 milyan oo ruux ay dhibaato hayso dalka Somalia, iyada oo 750,000 oo ruux ay afarta bilood ee soo socda khatar ugu jiraan inay dhintaan, maaddaama aanay jirin gargaar ban’iaadaminimo oo ku filan. Hay’adda ayaa sheegtay in tobanaan kun ay durba u dhinteen, iyada oo kala badh dadkaasi ay caruur ahaayeen.
Sidoo kale Qaramada Midoobay  waxay  sheegtay in macluusha la filayo in afarta bilood ee soo socda ay kusii fiddo meelo kale oo Somalia ah. Abaarahan ba’an ayaa sidoo kale waxyeelleeyey meelo ka mid ah dalka Kenya, Ethiopia, Eritrea iyo Djibouti.

Laakiin Ugaas Isaaq Ibraahin Xasan oo ku sugan Baydhabo, isla markaana ka mid ah madaxdhaqameedka  Gobolka Bay  ayaa si weyn u dhaleeceeyay wararka iyo warbixinaha laga sheegayo macaluusha halkaa ka jirata, isagoo sheegay in warbaahinta iyo Hay’ayaddaha gargaarka kuwa sheegtaa ay hagardaamo ku hayaan dadka deegaanka  gobolka Bay oo uu sheegay inay ka jirto macaluusha ugu baddan ee Koonfurta Somalia.  wuxuuna wax laga murugoodo ku tilmaamay sida loo maraja habaabinayo warxibixinaha  macaluusha, isagoo sheegay inay ilaa labaatan xero ku yaalaan deegaankaa. “Nimanka isku sheegaya samafal ama Islaami ha noqdeen, ama kuwa kale ha noqdeene, haddii bini aadanimo jirto in loo soo gurmado dadka gobolkan.” Ayuu yidhi Ugaasku.
Wuxuuna xusay inay amaanka deegaanadaa sugeen Xarakada Al-shabaab oo ka talisa halkaa, isla markaana aanay  jirin sabab loogu marmariiyoodo inaanay amaan ahayn halkaasi oo cid kasta oo gargaar wada si nabad ah loo gaadhsiinayo dadkii loogu talo galay, balse aan wax gargaar ah oo buurani soo gaadhin halkaa ilaa hada.

Dhinaca kale wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ah C/llaahi Gawdax Barre  ayaa isna sheegay 1.5bilyan  mujtamaca aduunku bixiyeen , taas oo isugu jirta wax la bixiyay iyo wax la balanqaaday, laakiin lacaga ay sheegayaan Masuuliyiinta Qaramada midoobay iyo kuwa dawladda taagata daran ee Somalia ayaa u muuqda kuwo aan waxba ka bedelin xaalada iyo duruufaha ka jira halkaa, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in caawimada ka timi mujtamaca aduunka oo la filayay inay gaadho dadka tabaalaysan siyaabo khaldan loo maamulo, isla markaana meelaha qaar la dhaco caawimooyinka loo wado dadka ku jira xeryaha, taas oo keentay  in  macaluusha iyo dhibaatada dadka tabaalaysan ee Somalia ay  weli u muuqato mid aaan waxba iska bedelin oo ay xaalad murugo iyo naxadin xanbaarsani ka jirto halkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *