Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Duulista hawada xukuumaddii Rayaale Mr. Cali Warac Cadde oo Hadyada Libaaxyada uu ugu deeqay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle xalay ka guuraysiiyay Magaalada Hargeysa  ayaa la kulmay cabsi iyo wer wer. Kadib

 

markii  Mid ka mid ah labada  Libaax ka booday gaadhi shabag  lagu sameeyey oo lagu qaaday, isla markaana  ka baxsaday, iyagoo  xiligaa oo habeenimadii cawayska marayay deegaanka Baliga Cas ee waqooyiga Hargeysa,balse  saacado ka dib lagu guulaystay in la qabto.
“Libaaxa oo ahaa Aar, abaaro 8:30 ayuu iyada oo aan la dareemin inta uu ka booday gaadhigii lagu siday uu baxsaday, kadib markii aanu ogaanay in aanu libaaxii aanu sidnay baabuurka saarnayn ayaa dib loo soo noqday, waxaanna muddo ka dib laga helay deegaanka Baliga Cas oo dhinaca Waqooyi kaga toosan caasimadda Hargeysa, nasiib wanaag waanu qabanay oo gaadhigii ayaanu saarnay haddana (xalay) waxaanu sii soconaa dhexda oo waanu sidnaa libaaxii,” ayuu yidhi Cali Maxamed Warancade oo Jamhuuriya weydiisay inuu baxsady Libaaxu.
Wasiirkii hore ee duulista hawada Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay sababta ay libaaxyada diyaarad u saari waayeen ee ay gaadhiga u doorteen, waxa uu yidhi;
“Waxaan qaadaynaa libaaxyadii aynu hadiyada u siinay Madaxweynaha DJabuuti, markii hore waxaan ugu deeqay Libaax afar jir ah, markaa waxa la inaga codsaday inaynu gabadhiina (goosha) ku darno iyadiina waan ka aqbalay. Maanta (shalay) ayaanu u qaadaynaa labadaasi libaax wadanka Jabuuti. Diyaaraduhu way qaadi waayeen oo albaabadoodii ayaa yar yaraaday oo cidhiidhi noqday, waxaanu u saaraynaa Baabuur.”
Waran Cadde wuxuu sheegay in baabuurtani ay toos u geynayso dalka DJabuuti, isagoo xusay  in saraakiil ka tirsan xukuumadda Djabuuti  kaga hor imanayso Lawyo-caddo. Mr. waran Cadde ayaa sheegay in aanay qorshaha ugu jirin markii hore in uu raaco Libaaxyada, balse uu ka cabsi qabay inay baxsan karaan oo ay dhibaato geysan karaan. Sidaana uu ku go’aansaday inuu raaco,   isagoo yidhi “Markii hore waxaanu doonayay inaan ka hadho laakiin bahalihii ayaa qaarkood Aniga I af- yaqaanaan, waxaan is idhi haddii ay ka boodaan gaadhiga oo ay bankaasi dadka khatar u gelin raac.”
Mr. Waran Cadde ayaa Hadyada Libaaxyada ah ku maamuusay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle sidii uu usoo dhoweeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo booqasho ku tegey Djibouti dhowaan, iyadoo Madaxweyne Geelle si yaab leh usoo dhoweeyay Madaxweynaha Somaliland. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *