Hargeysa (ANN) Dacwad xasaasi ah oo loo haysto nin jarmal ah oo lagu waday inay saaka ka bilaabanto Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa dib u dhacday,  ka dib markii  kumanaan  qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa ay soo buux dhaafiyeen maxkamadda

horteeda iyo dhulka ku hareeraysan subaxnimadii hore ee saaka. Kuwaas oo danaynayay kiiskaa, isla markaana doonayay  inay la socdaan dacwadaas oo aad uga yaabisay.
Mr. Gunter oo ah Nin  u dhashay dalka Jarmalka, isla markaana mudo dheer deganaa Somaliland ayaa dhowaan lagu eedeeyay inuu ka ganacsado muuqaalada sawirada fawaaxishka iyo foolxumada ah ee aanay ogolayn shareecada Islaamku, kuwaas oo uu Filimo uu kaga duubi jiray, haween Somaliland ah, ayaa dhegeysiga dawcadiisa oo saaka la filayay markii sadexaad baaqatay.

 

Iyadoo Maxkamada Degmada Hargeysa saaka ammaankeeda aad loo adkeeyay, isla markaana  lasoo dhoobay  ciidamo aad u tiro badan, halkaas oo ay kasoo xaadireen kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha Magaalada Hargeysa, kuwaas  oo danaynayay waxa ka soo baxa kiiskan oo ay si weyn uga cadhoodeen kuna tilmaameen mid loo baahan yahay in ciqaab adag la mariyo ninkaa  iyo cidii gacan ka siisay  foolxumooyinkaa uu ka waday bulshada dhexdeeda.

 

 


Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa C/Rashiid Beer-geel, oo saaka saxaafaddu wax ka weydiisay dib u dhaca ku yimid dhagaysiga dacwadan, ayaa sheegay in uu qoraal ku mudayn doono xiliga la gudo galayo dhegaysiga dacwada ninkan loo haysto, waxaanu ku dooday in maxkamadeynta ninkani ay ka furmi doonto xarunta Maxkamada degmada.
Garsooraha  oo la weydiiyay warar sheegaya in sababo la xidhiidha dhinaca ammaanka darteed dhagaysiga dacwadan laga bilaabayo xarunta CID-da Hargeysa oo ninkani ku xidhan yahay. Waxa uu sheegay inuu ku adkaysanayo in kiiskani ka furmo, isla markaana  lagu qaado dacwadaa xarunta Maxkamada.
Waxa dhegaysiga dacwadani dib u dhigay markii dadweyne tiro badani ay isa soo dhoobeen agagaarka Maxkamada ayaa sababo ammaan dib loo dhigay.
Dadweynihii tagay Maxkamadda ayaa ahaa kuwo shucuurtooda  ay muuqato sida ay uga cadhaysan yihiin kiiskaa, waxaanay soo jeedinayeen in ninkan lagu fuliyo shareecada Islaamka.
Dhinaca kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waqaafta iyo Diinta ayaa HCTV u sheegay in marka loo eego shareecada Islaamka uu Ninkaasi mutaysanyo xukun dil qisaas ah. Tan iyo markii ay soo baxday sheekada Ninkaa waxa si weyn loo hadal hayay sheekooyinka la xidhiidha dhacdadaa, isla markaana waxa arrintaa si adag uga hadlay Culimada oo kusoo qaaday qudbadaha Jimcayaasha ee Masjidada iyo meelo kale oo muxaadarooyin diimeed laga jeedinayay.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *