Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaawac fududi soo gaadhay, kadib markii uu ku kufay marmarka gurigiisa magaalada Hargeysa. Sidaana waxa shaaca ka qaaday

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Mr. Kayse Xasan Cige, wuxuuna sheegay shilkaasi  ku dhacay Guddoomiyaha subaxnimadii maanta kadib markii uu la siibtay marmarka gurigiisa.

Qoraal kooban oo laga soo diray xarunta guud ee xisbiga talada haya oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee xisbigaasi, ayaa waxa uu u qornaa sidan:

“Waxaa maanta (shalay subax) oo taariikhdu tahay 24 November 2010 abaara 07:00 subaxnimo gurigiisa dhexdiisa ku kufay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biiixi Cabdi, isagoo uu la siibtay marmarka guriga dhexdiisa. Guddoomiyaha waxaa soo gaadhay dhaawac yar oo fudud kana soo gaadhay labada feedhood ee dhinaca midigta oo cad-gu’ay.
Guddoomiyaha caafimaadkiisu aad ayuu u fiican yahay oo hadda nasasho u joogaa gurigiisa.”
Dhinaca kale boqolaal dad ah ayaa gurigiisa ku booqday Mujaahid Muuse Biixi oo xaaladiisu aad u wanaagsan tahay, kuwaas oo uga tacsiyadeeyay shilkaa.

Dhacdadan oo kale, ayaa sannadkii hore ku dhacday Guddoomiyihii hore ee KULMIYE, haddana ah Madaxweynaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo waqtigaa dhaawac fududi kasoo gaadhay Misigta, isagoo ku jimicsanaya barxada gurigiisa markii uu la siibtay Marmarka daaradu.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *