Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Duulista hawada xukuumaddii Rayaale Mr. Cali Warac Cadde oo Hadyada Libaaxyada uu ugu deeqay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle xalay ka guuraysiiyay Magaalada Hargeysa ayaa la kulmay cabsi iyo wer wer. Kadib
markii Mid ka mid ah labada Libaax ka booday gaadhi shabag lagu sameeyey oo lagu qaaday, isla markaana ka baxsaday, iyagoo xiligaa oo habeenimadii cawayska marayay deegaanka Baliga Cas ee waqooyiga Hargeysa,balse saacado ka dib lagu guulaystay in la qabto.
“Libaaxa oo ahaa Aar, abaaro 8:30 ayuu iyada oo aan la dareemin inta uu ka booday gaadhigii lagu siday uu baxsaday, kadib markii aanu ogaanay in aanu libaaxii aanu sidnay baabuurka saarnayn ayaa dib loo soo noqday, waxaanna muddo ka dib laga helay deegaanka Baliga Cas oo dhinaca Waqooyi kaga toosan caasimadda Hargeysa, nasiib wanaag waanu qabanay oo gaadhigii ayaanu saarnay haddana (xalay) waxaanu sii soconaa dhexda oo waanu sidnaa libaaxii,” ayuu yidhi Cali Maxamed Warancade oo Jamhuuriya weydiisay inuu baxsady Libaaxu.
Wasiirkii hore ee duulista hawada Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay sababta ay libaaxyada diyaarad u saari waayeen ee ay gaadhiga u doorteen, waxa uu yidhi;
“Waxaan qaadaynaa libaaxyadii aynu hadiyada u siinay Madaxweynaha DJabuuti, markii hore waxaan ugu deeqay Libaax afar jir ah, markaa waxa la inaga codsaday inaynu gabadhiina (goosha) ku darno iyadiina waan ka aqbalay. Maanta (shalay) ayaanu u qaadaynaa labadaasi libaax wadanka Jabuuti. Diyaaraduhu way qaadi waayeen oo albaabadoodii ayaa yar yaraaday oo cidhiidhi noqday, waxaanu u saaraynaa Baabuur.”
Waran Cadde wuxuu sheegay in baabuurtani ay toos u geynayso dalka DJabuuti, isagoo xusay in saraakiil ka tirsan xukuumadda Djabuuti kaga hor imanayso Lawyo-caddo. Mr. waran Cadde ayaa sheegay in aanay qorshaha ugu jirin markii hore in uu raaco Libaaxyada, balse uu ka cabsi qabay inay baxsan karaan oo ay dhibaato geysan karaan. Sidaana uu ku go’aansaday inuu raaco, isagoo yidhi “Markii hore waxaanu doonayay inaan ka hadho laakiin bahalihii ayaa qaarkood Aniga I af- yaqaanaan, waxaan is idhi haddii ay ka boodaan gaadhiga oo ay bankaasi dadka khatar u gelin raac.”
Mr. Waran Cadde ayaa Hadyada Libaaxyada ah ku maamuusay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle sidii uu usoo dhoweeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo booqasho ku tegey Djibouti dhowaan, iyadoo Madaxweyne Geelle si yaab leh usoo dhoweeyay Madaxweynaha Somaliland.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380