Hargeysa (ANN)- Wasiirkii Hore ee arrimaha gudaha Ismaaciil Aaadan Cismaan (ismaaciil yare) ayaa ka dalbaday fagaare isu soo baxyadii shalay ka dhacay Degmada  Alaybaday, halkaas oo ay

 

 ku sugnaayeen wefdi uu gomaaniyay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah musharaxa xisbigaa ee u taagan jagada Madaxweynaha iyo xubno kale oo waqtigaa la hadlayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee isugu soo baxay halkaa.

 

 

Sidoo kale gudoomiyihii Degmada Alaybaday Xasan Cabdi Cali(Xasan Sharaf), aayaa si lama filaana madashaa uga sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayay ee gudoomiyenimo, isla markaana ku biiray xisbiga Kulmiye, wuxuuna sheegay in xukuumada iyo xisbigeeda Udub ku fashilmeen inay wax u qabtaan dadka deegaanka Alaybaday.

Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo qudbado kala duwan u jeediyay kumanaan ka mid ah taageerayaashooda Gebilay, Alaybaday, Faraweyne  iyo Deemaada ku xeeran ayaa mudadii ay ku guda jireen Ololohaa waxa isna madal kaga dhawaaqay in uu is casilay oo ku biiray xisbiga Kulmiye gudoomiyihii Degmada  Faraweyne Maxamed Cabdi Liibaan, kaas oo dhaliil usoo jeediyay xisbiga Udub iyo xukuumada Madaxweyne Rayaale.

Dhinaca kale fagaarayasha waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa shalay si weyn isu soo baxyo ay uga sameeyeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye, kuwaas oo lagu qabtay waaxaha degmooyinka Hargeysa, isla markaana masuuliyiinta Kulmiye u jeediyeen qudbado kala duwan. Kadib markii isu soo bixii u horeeyay ee dhacay Jimcihii hore uu qaadi waayay fagaaraha Beerta xoriyada, waxaana masuuliyiinta xisbiga ku wargeliyeen in maanta wixii ka danbeeya ay isu soo baxyada ku qabsanayaan fagaarayaasha iyo garoomada waaweyn ee waaxaha Degmooyinka. iyad

Sidoo kalena isu soo baxayo balaadhan ayay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ka sameeyeen dhamaan gobolada iyo degmooyinka kale ee dalka.   

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *