Boorame (ANN)-Masuuliyiintii  Komishanka Doorashooyinka heer degmo ee Boorame ayaa laga qaaday xilkii ka dib markii lagu eedeeyey  in kaadhadhkii codbixinta doorashada u gacan geliyeen qaar ka mid ah

 

 masuuliyiinta Xukuumadda madaxweyne Rayaale, isla markaana ay sameeyeen ku tagri fal xilkii iyo masuuliyadii qaranka ay u hayeen.

 

 

Sidaana waxa laga soo xigtay qaar ka mid ah hawlwadeenada xarunta komishanka Boorame, kuwaas oo sheegay in gudoomiyihii komishanka Boorame Xasan Nuur Maxamed iyo ku xigeenkiisii C/llaahi Maxamuud Guuleed laga xayuubiyay xilkii. Ka dib markii ay soo baxeen fadeexado iyo musuqmaasuq ay ku kaceen masuuliyiintaasi.

Khadra Jaamac Maxamuud oo ahayd xoghayaha komishanka degmada Boorame ayaa iyadu is casishay, waxayna is casilaadeedu bedka soo dhigtay fadeexadaha iyo musuqmaasaqa ay ku kaceen masuuliyiinta komishanka Boorame.

Talaabada musuqmaasuq ee ay ku kaceen masuuliyiintaa ayaa ah tii ugu horaysay ee ay ku kacaan masuuliyiinta komishanku tan iyo markii la dhisay gudida doorashooyinka qaranka ee cusub, kuwaas oo iyagu magcaaba wakiilada iyo hawlwadeenada komishanka ee gobolada iyo degmooyinka. Mana jiraan ilaa hada wax wara oo ay gudida doorashooyinka qaranku kasoo saareen arrintaa. Balse waxa la filayaa in si deg deg ah loo magcaabo xubno cusub oo noqda masuuliyiinta heer degmo ee komishnaka doorashooyinka qaranka Boorame.  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *