images/stories/marwo hudda2.jpg  Hargeysa(ANN)- Marwada Madaxweyne Rayaale Hudda Barkhad ayaa ku hawlan labadii maalmood ee u danbeeyay  qorshe geedi ah oo ay ugu diyaargaroobay sidii ay dalka

 

 

 

 uga guuri lahayd. ka hor inta aan la gaadhin 26 Juun 2010 ee komishanka doorashooyinka qaranku u asteeyeen inay dadweynaha Somaliland u dareeraan codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland oo wax ka yar saddex todobaad inaga xigaan.

 

 

Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelo News Nework oo loo soo gaabiyo (ANN) u xaqiijiyay ilo wareedyo xog ogaal ah oo u dhuun daloola qoyska Madaxweyne Rayaale iyo qasriga madaxtooyada Somaliland, kuwaas oo xusay inuu ka dhashay qorshaha  Marwo Hudda. kadib markii ay qiimayn ku samaysay xaalada siyaasada Somaliland, isla markaana ay isku qancisay in shucuurta dhabta ah ee bulshada iyo dhaqdhaqaaqa siyaasada ee waqtigan  kaanbeynka xisbiyadu u iftiimiyeen, sida aanay bulshada  wax taageero ah oo buuran, ama laysku halayn karo uga haysan xisbul xaakimka UDUB ee Odaygeedu ka yahay musharaxa oo siddeedii sannadood ee u danbeeyay maamulayay dalka, balse ku guuldaraystay inuu taageero laysku halayn karo ku yeesho bulshada, Sidaa awgeed  loo baahan yahay in aan fadhiga loogu iman ee ay ka diyaargarawdo oo xamaamteeda ka sii urursato qasriga Madaxtooyada.

 

Sidoo kalena ay cabsi iyo xaalad wer wer ah ku beereen isu soo baxyada iyo abaabulka xisbiga mucaaridka ugu weyn ee Kulmiye oo maalmihii u danbeeyay ee uu bilaabmay Ololaha doorashadu muujiyay cududa iyo baaxada taageerayaashiisa  oo shucuurtoodu aad u sarayso,  kuwaas oo hugunka iyo xamaasadoodu la yaab ku noqdeen, markii ay todobaadkii hore qoyska guriga kasoo horjeedaa albaabka qasriga madaxtooyadu  sudheen calanka xisbiga Kulmiye oo muran ka dhaliyay  halkaa, kaas oo sababay inay askarta ilaalada madaxtooyadu xoog ku dejiyaan, isla markaana xabsiga u taxaabaan qaar ka mid ah qoyska gurigaa lahaa iyo koox suxufiyiin ah oo doonaysay inay sawiro ka qaadaan.

 Qoyska Madaxweyne Rayaale oo markii uu ku guulaystay doorashadii April 2003, mudo yar ka dib u guuray  dalka Masar, halkaas oo la sheegay inay ka iibsadeen guri weyn, isla markaana dhawr caruura oo ay dhaleen u diray jaamacado Yurub ah, basle Marwada iyo qayb ka mid ah caruurtiisu mudooyin kooban kusoo laabaanayeen dalka ayaa labadii sannadood ee u danbeeyay si rasmi ah ugu guuray dhinaca dalka Faransiiska oo ay Marwadiisa iyo caruurteedu tageen, iyagoo isticmaalaya Baasabooro Djiboutian ah, si ay mustaqbalka ugu noolaadaan, isla markaana fursad ugu helaan inay magangelyo siyaasadeed ku joogaan halkaa.

Waxaana waqtigaa soo baxay warar aan si dhab ah loo xaqiijin oo sheegayay inay Qoyska Madaxweyne Rayaale dalka Faransiiska ka iibsadeen guri ay ku noolaadaan mustaqbalka, Balse Marwo Hudda oo wadata ilaa saddex ka mid ah caruurteeda kuwa ugu yar yar ayaa marba dalka dib ugu soo laabaanaysay  tan iyo waqtigaa ay u guureen markii u horaysay dhinaca dalka Masar.

Waxaana la rumaysan yahay in socdaalkii u danbeeyey ee Madaxweyne Rayaale bishii hore kaga soo laabtay dhinaca dalka Faransiiska qayb ka ahaa sidii uu xidhiidh iyo is barasho ula soo samayn lahaa madaxda dalkaa uu qorshaystay inay isaga iyo qoyskiisu ku noolaadaan mustqbalka. Balse waxa jiray qorshe kale oo ku lamaanaa socdaalkaa, kaas oo ahaa inay dawlada Faransiisku kala hadasho Madaxweyne Rayaale in maxaabiista ku xidhan xabsiyada Somaliland ee loo haysto falalka  shirqooladii lagu laayay dadka ajaanibka ah la sii daayo si ay dawlada Farnsiisku ugu bedelato sarkaal ka tirsan sirdoonkeeda oo kooxda Al-shabbaab ku haysato koonfurta Somalia, taas oo Madaxweyne Rayaale aqbalay, maadaama uu doonayo inuu ku noolaado dalkaa mustaqbalka. Laakiin markii uu socdaalkaa kasoo laabtay soo saaray war saxaafadeed kooban oo bulshadu ku jaahwareertay, kaas oo nuxurkiisu ahaa inuu jiro culays dawladaha reer galbeedka oo aanu magcaabini ku saarayaan in la sii daayo kooxda ku xidhan xabsiyada Somaliland ee loo haysto falalka argagixiso ee ka dhacay sannadii lasoo dhaafay Somaliland.  

 Si kastaba ha ahaatee diyaargarawga iyo qorshaha waqtigan Marwada Madaxweyne Rayaale ugu tabaabulshaysay  inay doorashada ka hor ka baxdo dalka oo aanay sugin inta la gaadhayo codbixinta iyo natiijada doorashada ayaa ka cadhaysiiyay qaar badan oo ka mid ah haweenka ay saaxiibada dhaw ku ahaayeen siyaasada, kuwaas oo iyaguna qaatay go,aamo ay mawqifkooda siyaasadeed ku bedelayaan, iyagoo isu diyaarinaya inay maalmaha soo socda ka hor inta aan loo dareerin codbixinta doorashada madaxtooyada ee 26 Juun ku biiraan xisbiyada mucaaridka.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *