Hargeysa (ANN)- Wasiirkii Hore ee arrimaha gudaha Ismaaciil Aaadan Cismaan (ismaaciil yare) ayaa ka dalbaday fagaare isu soo baxyadii shalay ka dhacay Degmada Alaybaday, halkaas oo ay
ku sugnaayeen wefdi uu gomaaniyay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah musharaxa xisbigaa ee u taagan jagada Madaxweynaha iyo xubno kale oo waqtigaa la hadlayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee isugu soo baxay halkaa.
Sidoo kale gudoomiyihii Degmada Alaybaday Xasan Cabdi Cali(Xasan Sharaf), aayaa si lama filaana madashaa uga sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayay ee gudoomiyenimo, isla markaana ku biiray xisbiga Kulmiye, wuxuuna sheegay in xukuumada iyo xisbigeeda Udub ku fashilmeen inay wax u qabtaan dadka deegaanka Alaybaday.
Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo qudbado kala duwan u jeediyay kumanaan ka mid ah taageerayaashooda Gebilay, Alaybaday, Faraweyne iyo Deemaada ku xeeran ayaa mudadii ay ku guda jireen Ololohaa waxa isna madal kaga dhawaaqay in uu is casilay oo ku biiray xisbiga Kulmiye gudoomiyihii Degmada Faraweyne Maxamed Cabdi Liibaan, kaas oo dhaliil usoo jeediyay xisbiga Udub iyo xukuumada Madaxweyne Rayaale.
Dhinaca kale fagaarayasha waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa shalay si weyn isu soo baxyo ay uga sameeyeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye, kuwaas oo lagu qabtay waaxaha degmooyinka Hargeysa, isla markaana masuuliyiinta Kulmiye u jeediyeen qudbado kala duwan. Kadib markii isu soo bixii u horeeyay ee dhacay Jimcihii hore uu qaadi waayay fagaaraha Beerta xoriyada, waxaana masuuliyiinta xisbiga ku wargeliyeen in maanta wixii ka danbeeya ay isu soo baxyada ku qabsanayaan fagaarayaasha iyo garoomada waaweyn ee waaxaha Degmooyinka. iyad
Sidoo kalena isu soo baxayo balaadhan ayay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ka sameeyeen dhamaan gobolada iyo degmooyinka kale ee dalka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com