Ismailyare1
Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha xukuumaddii Daahir Rayaale, isla markaana  Guddoomiye u ahaa Urur siyaasadeedkii ku hadhay  doorashooyinkii  Golayaasha Deegaanka Ee Dalsan, balse ka mid ahaa Ururadii ku biiray Xisbiga

 

Talada Dalka haya Ee Kulmiye Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare) , ayaa ku sifeeyay musharaxnimada Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Kulmiye oo uu ku dhawaaqay Dr,. Xasan Gaafaadhi  mid dan u ah xisbiga Kulmiye.
Eng. Ismaaciil waxa  uu sidaa ka sheegay munaasibad uu Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Rays Xasan Gaafaadhi maanta kaga dhawaaqay musharaxnimada hankiisa siyaasadeed oo lagu qabtay Huteelka Maansoor, wuxuuna Ismaaciil Yare oo ka hadlaya arragtidiisa musharaxnimada Gudoomiyihii Rays  yidhi, “Aad ayaan maanta usoo dhawaynayaa uguna faraxsanahay saaxiibkay Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo ahaa guddoomiyihii ururkii hore Rays in uu  isu soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye, waan ku farax sanahay ismaaciil ahaan waan soo dhawaynayaa,
Xeerka iyo sharciga uu Kulmiye dhigtay ee yaalana waxay u fasaxayaan inuu isa soo sharaxo wax u diidayaana ma jiro.  sida jirtay iyo mararka qaarkoodba waxa jira in la yidhaah waxa xal loo arkaa in sidaas iyo sidaas la yeelo iyo qoladaas sidaas loo daayo.  laakiin waxaasi waa qaboojin  oo keliya ee sharciga waxba kamay badalin,  sharciga marka wax laga badalaa waa marka la isugu yimaado shirwayne markaas ayuunbaa waxna laga badalaa waxna lagu kordhiyaa. laakiin Muuse Biixiba waxa la tartamayey Cabdi casiis Maxamed Samaale waxaana lagu yidhi uga hadh Muuse Biixi sidaa ayuu ugu hadhay,  laakiin way dhici kartaa rag kale oo aan ahayn Cabdi Casiis oo qarsoon ay soo baxaan talow ma sidii anaga berigii UDUB  qoorta nalooga xidhay ayaa maanta Kulmiye nalooga xidhi doonaa? Maya Ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

Guddoomiyihii Hore Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan oo sharaxaya Xisbiga Kulmiye, waxa uu yidhi, ”Waxaan filayaa Xisbiga Kulmiye inuu ka dimuq-raadiyad badan yahay.  Markii aanu UDUB ahayn ayaa qoorta la iska qaban jiree.  laakiin sidaa uu maanta isu cadeeyey Xasan Gaafaadhi ayaa qofka han musharaxnimo ku jiro looga baahan yahay. sida uu Madaxwaynaha Somaliland sharcigu u dhigayo waxa uu xaq u leeyahay inuu isku soo sharaxo laba teeram.  laakiin haddii iska daayo Madaxweynuhu  isga ayey jirtaa.  haddii uu  isu soo sharaxo qof kale waa hankiisa siyaasi ma filayo haddii Xasan cadaalad helo marka uu isa soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad waayayo waayo waxa uu sigay inuu ka mid noqdo saddexdii xisbi Qaran, markaas guddoomiyaha ku xigeenka xisbiga macno uguma fadhiyo.” Ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sheegay in ay xisbiga Kulmiye dan u tahaya inuu isa soo sharaxo Xasan Gaafaadhi, isagoo yidhi, “ Marka aynu ka hadlayo xaq ee laga soo gudbo mala awaalka Xisbiga kulmiye ayey dan u tahay oo ay dan wayni ugu jirtaa inuu xasan ka mid noqdo gudoomiyaha ku xigeenka koobaad ee xisbiga,waa mid waxa u taraya xisbiga waa mid waxa badan ka badalaya inuu xasan ka mid noqdo xisbiga kulmiye hadii aan aniga iyo xasan xisbiga kulmiye wax ka wayno waxaanu samayn doonaa Urur La yidhaa Dalsan and Raysa waana dal barwaaqo ah oo waxa weeyaan Dalsan iyo Rays oo la isku daray Markaas taas ayaa iman doonta waxaana leeyahay xisbiga Kulmiye deg-deg Xasan Gaafaadhi codkiina u siiya, ayuu yidhi Eng. Ismaaciil Yare.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *