gaafaadhi2
Hargeysa(Araweelo News Network)Gudoomiyihii hore ee Urur Siyaasadeedka Rays oo xiligan ka mid ah Xisbiga Kulmiye Dr. Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) ayaa

 

muqaalka munaasibada1Munaasibad si weyn loo abaabulay oo lagu qabtay maanta Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan hogaanka Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan Gudoomiye ku xigeenka Koowaad marka la gaadho shirweynaha xisbigaa.
Munaasibada oo ay kasoo qaybgaleen siyaasiyiin, Aqoonyahano, Madax-dhaqameed iyo boqolaal qof oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gudooomiyihii Urur Siyaasadeedka Rays Dr. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa si cad uga sheegay munaasibadaa in uu yahay Musharax u taagan guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye. Dr. Xasan Gaafaadhi wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,” Marka hore waxaan cadaynayaa inaan u taaganahay guddoomiye ku xigeenka kobaad ee xisbiga kulmiye waxaan raacinayaa markii aan soo galnay xisbiga kulmiye waxaanu ahayn raggii soo galay iyaga oo wata ururkoodii waxaanu nimi xili uu xisbiga kulmiye fooda kusoo hayo shirwaynihi waxaanu kusoo galnay wixii aanu hun-guri qabno inaanu ku muujino shirwaynahaasi xisbiga kulmiye sidaa la socotaan shirwaynahaasi waxa uu dib u dhacay mudo sannad iyo badh ah uu dib u dhacayey ilaa maantana waxa aynu soo gaadh-nay xili laga taagan yahay sanad iyo laba bilood xiligii la doonayey inuu qabsoomo mudadiina aanay cayinayn in kasta oo ay waqtigan fooda inagu soo hayso.”ayuu yidhi. Gaafadhi.
gaafaadhi3
Mar uu sharaxaad ka bixiyay kursiga iyo xilka uu isu sharaxayo, wuxuu isagoo fariin u diraya Guddoomiye  ku xigeenka Koowaad ee Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin oo xilkaa haya hadda yidhi, “Xoolahoogii iyo hantidoodii ay ku bixiyeen kaanbaynka xiliggii doorashada  ayey doonayaan in ay ka muuqdaan xisbiga Kulmiye dhexdiisa oo ay sagaashankooda codna meel kaga fadhiistaan ayey doonayaan ilaa maantan way u taagan yihiin jawaab ku filan ma hayo marka ay na yidhaahaan halkaad na dhigtay inaan idhaaho xisbiga Kulmiye waan iska dhexe taaganahay jawaab ku filan maaha waxaan ugu jawaabayaa tageerayaashii xisbiga iyo dadkii ehelka u ahaa waxaan ku odhanayaa waxan aynu doonaynaa xilalka uu xisbiga kulmiye leeyahay.” Ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi oo sharaxayay su’aalaha ay weydiiyaan taageerayaashiisa Rays iyo Ururkooda ku biiray Kulmiye.

Guddoomiyihii Hore Ee Ururkii Ku Hadhay doorashadii golayaasha deegaanka Ee Dalsan, balse ka mid ahaa Ururadii ku biiray Xisbiga Kulmiye Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare) oo ka mid ahaa dadkii hadalka ka jeediyay munaasibadaa ayaa ka hadlay musharaxnimada Dr. Xasan Gaafaadhi, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Aad ayaa maanta usoo dhawaynayaa uguna faraxsanahay saaxiibkay xasan maxamed cali gaafaadhi oo ahaa guddoomiyihii ururkii hore Raysa isku soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye waan ku farax sanahay ismaaciil ahaan waan soo dhawaynayaa,Xeerka iyon sharciga uu kulmiye dhigtayna ee yaalana waxa u fasaxayaa inuu isa soo sharaxo waxa uu diidayaana ma jiro sida jirtay iyo mararka qaarkoodba waxa jira in la yidhaa waxa xal loo arkaa in sidaas iyo sidaas la yeelo iyo qoladaas sidaas loo daayo lakiin waxaasi waa qaboojin uune sharciga waxba kamay badalin sharciga marka waxa laga badalaa waa marka la iskugu yimaado shirwayne markaas ayuunbaa waxna laga badalaa waxna lagu kordhiyaa lakiin muuse biixiba waxa la tartamayey cabdi casiis maxamed samaale cabdi casiisna waxa lagu yidhi uga hadh muuse biixi sidaasna waa uu ugu hadhay lakiin way dhici kartaa rag kale oo aan ahayn cabdi casiis oo qarsoon ay soo baxaan talow ma sidii anag barigii udub qoorta nalooga xidhay ayaa maanta kulmiye nalooga xidhi doonaa maya Ayaan leeyahay.

.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer Sahal Maxamed Abyan, isagoo yidhi, ”Xasan Gaafaadhi markasta waanu garan taaganahay waanu soo dhawaynaynaa maanta waxa ii farxada ah inaan kasoo qayb galo munaasibada aadka u balaadhan ee lagu shaacinayo musharax Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo u tartami doona Guddoomiyaha ku xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye waanu la garab gali doonaan dhamaan tayo, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) waxaanu ku leenahay xisbiga kulmiye waa xisbi dumuq-raadiyada dhexdiisa la iska sharixi karo hankaagana halka uu yahay ku tijaabin kara.” Ayuu yidhi Sahal.
Suldaan Ibraahin Cigge oo ka mid ahaa madax-dhaqameedkii ka hadlay munaasibadaa ayaa faah-faahin ka bixiyey ujeedada loo qabtay munaasibadaa, wuxuuna yidhi,

“Dhamaantiin xaflada qaali ah ee aynu maanta isugu nimi waad garanaysaan waxa ay ku saabsan tahay waana mid aynu kusoo dhawaynayno musharax guddoomiye ku xigeenka kobaad ee xisbiga kulmiye oo uu u  sharaxanyahay Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), wuxuu doonayaa inuu qabto talada guddoomiyaha Ku xigeenka kobaad ee xibiga kulmiye, waan nin u qalma laguna Aamini karo,Qofka bini- aadanka ahi waa uu isa sharixi karaa waana la dooran karaa waana laga heli karaa waana uu heli karaa laakiin xisbiga Kulmiye xaq looma laha in cid keliya la yidhaa way u tartamaysaa.

Sidoo kale munaasibadaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa  Caaqil Faysal Abakor oo sheegay inuu soo dhawaynayo masharaxnimada guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye, isagoo yidhi,

“Dhamaanteen waa mid aynu heegan buuxa ugu wada jirno aadna u tageer sanahay  inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka kobaad ee xisbiga kulmiye xasan maxamed cali gaafaadhi xisbiga kulmiye halkan uu maanta taagan yahay iyo guushaas waxa uu halkan ku soo gaadhay iyo guushaas doorashada iyo is badalkaas aad aragtaan waxa ay ahayd Samir iyo doorsho iyo waliba mid xalaal ah lakiin maanta laga yeeli maayo in xisbiga kulmiye uu cid gaar ah lagu naas nuujiyo,Haddii Xisbiga Kulmiye Cid Gaar Ah U Xidhnaado Waxa Uu Noqon Doonaa Xisbigii Kacaanka,Markaa xisbiga kulmiye maaha mid cid gaar ah u xidhnaan doona hadii aan dhexdiisa la iska dhex dooran hadii uu sidaas ku socdo la iskana dhexe dooro markaas ayaa uu xisbi jira noqon doonaa.” Ayuu yidhi Caaqil Faysal.

Marwo Aamina Maxamed Fure ayaa sidoo kale ka sheegtay munaasibadaa  in qof kasta oo ka tirsan xisbiga kulmiye xaq buuxa u leeyahay inuu iska dhexe sharaxo xisbiga Kulmiye, “Qofkasta oo dalkiisa usoo hal-gamaya waxa uu xaq u leeyahay inuu isgu waxa doorto isna la doorto, dhamaan dadka maanta halkan kasoo qayb galayna waxaan usoo jeedin lahaa in si niyada amaan ah Codkooda ugu hibeeyeen Xasan Maxamed Ali anaga oo ku garab taagan hiil iyo hooba aanu ku garab istaagno dhamaanteen waxaana inoo balan ah sidaa.”ayay tidhi Marwo Aamina.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *