Xabsiga Hargeysa1Hargeysa(Araweelo News Network)Ugu yaraan sadex maxbuus ayaa ka baxsaday Xabsiga Dhexe ee Hargeysa. Kadib markii maanta duhurkii maxaabiista doonayay in ay baxsadaan isku dhaceen askarta Ilaalada

 

Xabsiga oo ay is weydaarsadeen rasaas.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in maxaabiista doonayay in baxsadaan ay tiradoodu ahayd sadex maxbuus oo ka mid ah Budhcad-badeeda ku jira xabsiga, kuwaas oo sida ay wararku sheegayaan ku hubaysnaa Baastoolado, balse ay isku dhaceen Ciidanka gaadhka xabsiga ee gudaha.
Hal Askari ayaa dhaawac kasoo gaadhay isku dhaca maxaabiista baxsanaysay iyo Ilaalada Xabsiga, waxaana dhaawacyo soo gaadheen Lab aka mid ah Maxaabiista doonayay in ay baxsadaan, balse waxa jira warar sheegaya in mid ka mid ah maxaabiista uu ka badbaaday askarta.

Ciidamada RRU ayaa markiiba gaadhay xabsiga, mana jirto wax war ah oo ay kasoo saareen dhacdadaa Saraakiisha Xabsigu.
Wixii kasoo kordha warkaa kala soco halkan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *