Gebilay(ANN)Gegolaha deegaanka degmada Gabiley ee cusub ayaa doortay Maayar iyo Maayar ku xigeen. kadib markii si sharci ah loo dhaariyay maanta.
Fadhi saaka lagu qabtay hoolka shirarka ee dawlada hoose ee Gebilay, waxa kasoo xaadiray 21 xildhibaan ee dhowaan kusoo baxay

tartankii doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday, kuwaas oo ay halkaa ku dhaariyeen garsooreyaal ka socday maxkamada gobolka Maroodi jeex .
Munaasibada dhaarta ka dib waxayxildhibaanadu isla goobta dhaarintu ka dhacday ku yeesheen fadhigoodii u horeeyay, kaas oo ay Maayarka cusub ee Gebilay cod aqlabiyad ah ugu doorteen Mudane Shucayb Maxamed Muuse, oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE, isla markaana mar mudo yar oo kooban u ahaa wasiir dawle xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale kaahin, iyadoo maayar ku xigeena loo doortay Cabdi Yuusuf Goole oo ka soo baxay urur siyaasadeedka UMMADA.

Munaasibada lagu doortay Maayarka iyo ku xigeenka waxaa kasoo xaadiray 21-ka xubnood ee golaha deegaanka degmada Gebiley, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Badhasaabka  Gebiley Axmed Cali Nuur, badhasaabka ku xigeenka, taliyaha qaybta ee ciidanka booliska, maayarkii hore, xoghayaha dawlada hoose, garsooreyaal ka socday maxkamada gobolka Maroodi jeex iyo saraakiil ka tirsan qaybaha kala duwan ee booliska Somaliland.

Laba musharax ayaa u tartamay jagada Maayarka, iyadoo  Shucayb Maxamed Muuse uu helay 15-cod oo uu ku jiro codkiisu, halka musharaxa la tartamayay oo ahaa Cali Maxamed Sheekh Salaabaan, isna helay 6-cod oo uu la socday codkiisu, sidaana waxa cod aqlabiyad ah ugu guulaytay inuu noqdo Maayarka Gebilay Shucay Maxamed Muuse.

Sidoo kale waxa jagada Maayar xigeenka u tartamay  Cabdi Yuusuf Goolle oo ka soo baxay ururka UMMADA iyo  Cumar Cali Obsiiye oo kasoo  baxay xisbiga UCID. waxaanu  Cabdi Yuusf Goolle helay 13-cod oo uu ku jiro codkiisu, halka umar Cali Obsiiye isna helay 7-cod oo uu la socdo codkiisu, sidaana waxa ugu guulaystay  jagada maayar ku xigeenka Cabdi Yuusuf Goolle.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *