Hargeysa(ANN) Wasiirkii hore Duulista hawada Somaliland ee xukuumadii xisbiga UDUB oo waqtigan ah ayaa maanta magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu libaax hadyad ah ugu deeqay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, hadyadaa

oo uu ujeedadeeda  ku sheegay inay tahay  qaabkii uu u soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland oo sida uu sheegay ka turjumaysa ictiraaf toos ah.
Mr. Cali Waran Cadde oo galabta ugu waramay saxaafada  gurigiisa magaalada Hargeysa oo ay ku xidhnaayeen 7 libaax wuxuu yidhi “Waxa yididiilo badan I gelisay arrintii shalay ka dhacday Jabuuti oo Madaxweynaha Jabuuti iyo dawlada dalkaasi ay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii ay si heer sare ah oo turjumaad qiimo weyn leh oo dadka reer Somaliland quluubtooda ku beeraysa aanu ka aragnay waxaanan anigu soo dhawayntaasi ku qiimeynay ictiraaf uu Somaliland ictiraafay Madaxweynaha aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, waana arrin aynu muddo dheer ka sugaynay inuu noqdo dalka ugu horeeya ee ictiraafa. Soo dhawayntii reer Jabuuti waxay daah furtay qiimihii Inaga iyo reer jabuuti inaga dhexeeyay. Khudbadii Ismaaciil Cumar Geelle waxa ka mid ahayd wixii aanu idinla qaban karnaba waanu idinla qabanaynaa. Anagana (Somaliland) ma madhnin waxaanu nahay quruun isku tashatay oo qiimaheedu aad u sareeyo. Aniga laftaydu waxaan galabta ugu deeqayaa Madaxweynaha qiimaha intaas leeg inoo sameeyay ee madaxweynaheenii kaga horyimid madaarka sidii madaxweyneyaasha caalamka. Arrintaasi oo taariikh cusub caalamka u furaysa. Aniguna Madaxweynaha Jabuuti waxaan halkan kaga dhawaaqayaa inaan ugu deeqay Hadyad qaali ah oo ah Libaax afar jir ah.
Libaaxu waa boqorka Xayawaanka waana hadyadaha la isa siiyo kuwa ugu qaalisan. Madaxweyne Geelle wuxuu istaahilaa inaynu siino waxyaabaha aynu hayno waxa ugu muhiimsan. Waxaan madaxweynaha Jabuuti ku boorinayaa walaalnimadaasi waa intaasi oo looga sii dhawaado waxaan rajaynayaa in waxa wanaagsan ee laabtiisa gaguuxaya uu dibada soo dhigo. Iskaashiga iyo isu hiilinta Somaliland iyo Jabuuti ma aha markii ugu horraysay.inkasta oo lixdankii aan yaraa waxaan haddana xususuustaa markii hawshii gobanimo doonku haystay halkii aynu iska taagnay.
Wasiirkii hore ee duulista hawaddu wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland ay hore u taageereen Djibouti  xiligii halgankii Gobanimo doonka ay ku jireen dadka reer Jabuuti.
Warancade wuxuu Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawlada Itaalka daran ee Somalia ugu baaqay inay aqbalaan madaxbaanida Somaliland, isagoo  yidhi “Anagaa garanayna waxaad mudan tihiin Maraykan iyo afrikaan toona garan maayaane waxaan sheekh shariif leeyahay ku dhawaaq inaad aqoonsan tahay Somaliland arrintaasi ayay nabadgelyadiina iyo dawladnimadiinuba ku jirtaaye. Markii hore anagaa calanka idiin keenay imikana anagaa idin heshiisiin doona.”
Mr. warancade ayaa xiligii uu ahaa wasiirka duulista Hawada  ee xukuumadii Madaxweyne Rayaale Safar ku tegey dalka Djibouti, isagoo xiligaa oo Somaliland ka taagnaayeen khilaafaad iyo muran siyaasadeed oo la xidhiidhay doorashadii madaxtooyadu ku amaanay madaxweynaha Djibouti furitaankii dastuurka dalkiisa, isagoo shacabiga Somaliland-na usoo jeediyay inay sidaa oo kale madaxweynihii xiligaa ee Rayaale ugu furan Dastuurka ilaa noloshiisa inta ka hadhay, isagoo warancade ku dooday inay dumuqraadiyada iyo madaxda la bedelaa tahay wax aan loo baahnayn, balse weedhahaa ayaa ku keenay ugu danbayntii qoomamo. Kadib markii ay bulshada Somaliland kaga soo noqdeen jawaabo kululi.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *