Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa galabta  dib ugu soo laabtay dalka. kadib markii ay soo dhamaysteen socdaal mudo sadex caanamaal qaatay oo ay ku tageen Djibouti.

Madaxweyne Siilaanyo waxa gegeda diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal International Airport si diiran ugu soo dheweeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Seylici, shirguddoonka labada gole, wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne aad u tiro badan.
 
Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadlay qolka nasashada, isagoo ka waramay socdaalkiisa, “Safarkaygii u horeeyay ee aan ku tegey Djibouti, waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa oo si aad u qiimo badan oo la yaable oo aanan ilaabayn noogu soo dhoweeyay, waana mid aan uga mahadcelinayo Madaxweynaha Djibouti iyo shacbiga Reer Djibouti-ba.”
Waxa uu madaxweynuhu ku  tilmaamay safarkaa  inay madaxweyne Ismaaciil Cumar geele ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhada labada dal iyo waliba sidii la iskaga kaashan lahaa in dhinacyada nabadglayada iyo waliba horumarka ay labada dal wax uga wada qabsan lahaayeen.
 
Madaxweynaha iyo waftigiisa, waxay boqolaal qof oo kam mid ah shabiga Magaalada Hargeysa oo dariiqyada tubnaa kusoo dhoweeyeen caleemo qoyan, kuwaas oo Madaxweynaha u gelbiyay gurigiisa, iyadoo  ka sokow dadka shacibka ah ee jidad la taagnaa ceelamaha qoyan la arakayay ciidamada amaanka,   kuwaas oo amaanka si weyn gacanta ugu hayay.
Qodobada heshiiska ay labada wasiir ee arimaha debedeed ee  Somaliland iyo Djibouti soo saareen ee halkan ka akhriso

.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

By, Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Somaliland Office           

E-mail; Info@araweelonews.com

 jaamac132@gmail.com

 shalcaw2@hotmail.com

 

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *