Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa si lama filaana ah loogu arkay suuqa magaalada Hargeysa, isagoo aanay la socon wax ilaalo ah. Kadib markii mar keliya uu daf soo yidhi meherado ku yaala magaalada oo goobo kala duwan ah ee uu kasoo

 

degey gaadhi yar oo nooca loo yaqaan indhac-cadaha, isagoo six or ah keligii u soconaya, taas oo     ka yaabiyay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo saarnaa baabuur yar oo Grande ah isla markaana aan wadan wax ilaalo ah ayaa booqday dukaanka weyn ee ku yaala galbeedka Magaalada,  halkaasi oo uu galay gudaha isla markaana uu salaamay dadkii meherada ku sugnaa ka dibna uu baayacay qaar ka mid ah badeecadihii dukaanka yaalay, taasina ay sababtay in dadkii dukaankaasi ku sugnaa ay si weyn ugu naxeen uguna farxeen Madaxweynaha oo kaligii inta uu gaadhi ka soo degay xili habeen ah dadka iska dhex socda.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo maray Dukaanka weyn ee Hargeisa Business Center ee ku yaala xaafada Xero-awr ee degmada Ibraahim Koodbuur ee woqooyiga magaalada Hargeysa waxaana markii uu meheradaasi galay ee uu salaamay dadkii wax ka iibsanayay iyo kuwii meherada hayayba, iyadoo  ay dadkii layaab ku moqotay  madaxweynaha oo  keligii si lama filanaa usoo galay Dukaankaa waxaanay kala hororsadeen salaantiisa iyagoo u gacan qaadeen mid mid, isla markaana uu waxyaabaha lagu iibiyo dukaankaa baayacay oo uu ka iibsaday laba xabadood oo tufaax ah
Dadweynihii halkaasi joogay waxay Madaxweynaha ku ammaaneen inuu kaligii si kalsooni leh u dhex socdo bulshadiisa si uu u indhihiisa ugu arko xaalada Nabadgelyo ee caasimada Hargeysa isla markaana u darso xaalada nololeed ee bulshada iyo duruufaha maceeshada.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu galay Muqaaxi dadka danyarta ahi ku cunteeyaan oo ku taalla xaafada Xero-Awr ee magaalada Hargeysa oo uu leeyahay Nin lagu naanayso Dhako, isla markaana lagu iibiyo cuntooyinka wadaniga ah iyo fuulka,  waxaanu halkaasi si weyn ugu qaabilay dadkii kala duwanaa ee  ku sugnaa oo ay fajiciso ku noqotay Madaxweynaha oo kaligii kasoo galay albaabka meheradaa oo xiligaa ahady saxmad . Waxaanay ku bogaadiyeen tallaabadan uu qaaday oo ay ku doodeen inay ka taageerayso sidii uu indhihiisa ugu arki lahaa xaalada nololeed ee qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intaasi ka dib waxa uu ku soo laabtay xarunta madaxtooyada waxaanu gaadhigii yaraa kaligii kaga dagay meherad shaah oo ka soo horjeeda Madaxtooyada waxaanu mid mid ugu gacan qaaday dhalinyaro meherada fadhiday oo Madaxweynaha uga mahad celiyay booqashada uu ku soo maray meheradaasi iyo qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa. Waxaanu socod ku galay madaxtooyada isagoo dadweynaha hor marayayna salaamayay.
Waa markii u horaysay ee Madaxweyne Somaliland  sidan oo kale  xili habeenimo ah,  isagoo aan wadan wax ilaalo ah gaadhi yar ku dhex maro  caasimada Hargeysa, isla markaana booqdo goobo ganacsi iyo dukaamo ay bulashada qaybeheeda kala duwani ka adeegsanayaan, taas oo noqotay sheekada ay dadku caawa sida weyn u hadal hayaan intii ka war heshay oo ay la yaabeen talaabada kalsoonida leh ee uu Madaxweyne Siilaanyo qaaday caawa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *