Nairobi (ANN)Wasiirka arrimaha ammaanka dalka Kenya George Saitoti iyo wasiir ku xigeenkiisa ayaa ku dhintey shil diyaaradeed. Kadib markii diyaarad ay saarnaayeen ku bur-burtay duleedka Nairobi. Ilaa hada si cad looma oga  waxa sababey shilkaa, laakiin

Diyaaradda ayaa la sheegey inay dhulka ku soo dhacdey oo uu dab qabsadey,waxaana halkaa  ku dhintey affar ruux oo ahaa ilaalada iyo kalkaaliyayaasha wasiirka iyo wasiir ku xigeenkiisa, Orwa Ojode, balse warar kale ayaa sheegaya in wasiirka iyo ku xigeenkiisa oo u socday kaniisad ku taala halkaa ay socdaalkaa ku weheliyeen xildhibaano saraakiil booliska ka tirsan, kuwaas oo dhamaantood ku shifbeelay halkaa.
Wasiirka Amniga Saitoti waxaa uu siyaasada kusoo jiray mudo dheer, wuxuuna ahaa siyaasi caan ka ah dalkaa, isagoo hore  u ahaa madaxweyne kuxigeenka dalka xilligii madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.
George Saitoti, Wuxuuna  hormuud ka ahaa weerarka ay Kenya gudaha ugu gashey Somalia,   isagoo arrimaha Somaaliya ka hadlayay sanadkii lasoo dhaafay yidhi “Cawdaga aan Somaaliya kula dagaalamayno Madaxiisa halkan oo Nairobi weliba xaafada Islii ayuu yaal, dabadiisuna Somalia”,

tan iyo intii ay ciidamada kenya galeen Somalia dabayaaqadii sanadkii hore, waxa dalka keyna ka dhacay qaraxyo khasaare badan geystay, isla markaana waxa jiray tirooyin diyaaradaha Milateriga kenya oo ku bur-buray gudaha somalia, iyadoo kooxda Al-shabaabna wacad ku martay inay ka aargudanayso ciidamada Kenya ee kusoo duulay Somalia.
George Saitoti Waxa uu ahaa dhawr iyo lixdan jir mudo dheer kusoo jiray siyaasada, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaad kooban oo u dhashay Afrika oo ku takhasusay arrimaha dhaqaallaha. Sidoo  kale wuxuu ka mid ahaa dhowr mas’uul oo la filayey inay u tartamaan jagada madaxweynenimo ee doorashooyinka soo socda, kuwaas oo la filayo in la qaban doono bisha March ee sanadka 2013.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *